SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

Janaayo 15, 2004

CABIDDA BUNKA IYO SAAMAYNTA AY KU LEEDAHAY CAAFIMAADKA

Ismail A.Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

Bilihii ugu dambeeyay ee sannadkii 1992 ayaan goor barqo ah soo galay xafiis uu ururka qaxootiga caawiya ee Naderland ku lahaa magaalo yar oo aan isla maalmahaas uun soo degay.Markii aan fadhiistay ayaa aniga iyo nin kale oo soomaaliyeed oo goobta iiga soo horeeyay nala kala dooransiiyay bun iyo shah midkii aan rabno, waxaanan codsaday bun halka ninkii kale ka dalbaday shah. Cabaar markii aanu iska sheekaysanay ayaa hadalkii isu bedelay dood bunka ku saabsan, nin shaqaalihii xafiiska ka mid ahaa oo nala fadhiyay ayaa weydiiyay ninkii Soomaaliyeed sababta aanu bunka u cabin, waxaanu ku jawaabay bunku wuxuu keenaa wadne xanuun!
Ninkii Dutchka ahaa oo ilka cadaynaya ayaa yiri haddii ay taasi dhabtahay Nederlandka oo dhan ayaa wadne xanuun u wada dhimanlahaa.

Nederlanku waa dad aad ugu ba'an cabitaaka bunka, waxaanu bunku ugu jiraa halka uu shaahu Soomaalida ugu jiro. Waa dhif qof wadankaas ku nool oo subaxii marka uu soo tooso ama inta aanu shaqada bilaabin qac ka siin hal koob oo bun ah oo uu indhaha ku kala furto. Goobaha shaqada waxaa subax walba lagu diyaariyaa haamo uu bun ka tif yahay oo qof dhinac mara oo aan dhinacooda u ruqaansan yaryahay

Inkastoo aanay Soomaalidu ku dheerayn cabitaanka bunka hadana markii kuwo badani dibadaha u soo baxeen siiba yurub iyo waqooyiga amerika bunku wuxuu noqday shay ay si joogto ah u isticmaalaan, waxaanay inta badan Soomaalidu ku kulmaan si ay u sheekaystaan goobaha bunka lagu cabbo ee Starbucks ka midka yahay.

Waxaa hadaba isweydiin mudan sida ay wax uga jiraan arrinta ninkaas Soomaaliyeed ee aan kor ku xusnay uga caagay bunka iyo haddii uu bunku wax faa'ido dhinaca caaafimaadka ah u leeyahay dadka cabba?
Hadaba waxaan jecelnahay in aan halkan ku soo qaadano warbixin kooban oo lagu daabacay warsjdaha maalinlaha ee Evening Standard ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Britain tirsigiisii soo baxay 09/12/03.

Wargeyska oo soo xigtay baaritaano iyo tijaabooyin badan oo lagu sameeyay dadka bunka caba oo ka dhacay meelo kala duwan oo adduunaka ka mid ah ayaa natiijooyinkii ka soom baxay ay noqdeen kuwo iska soo horjeeda oo muujinaya in bunku waxtar iyo waxyeelaba u geysan karo caafimaadka dadk cabba.
Baaritaanada qaarkood waxay sheegayaan in cabidda badan ee bunku ay ka dhalan karto halis dhinaca caafimaadka ah siiba wadnaha halka kuwa kalena ay sheegayaan in cibidda bunku ay balaayo xijaab kaaga noqon karto cuduro badan oo wax dila.

Bunka ayaa ay ku jirtaa walaxda lagu magacaabo caffeina oo iyadu sababta saamaynta uu bunku ku yeelan karo dadka cabba. Hadaba hadba sida uu ribta u yahay bunka aad cabbaysaa ayay ku xirantahay saamaynta uu kugu yeelanayaa.

Bal hadaba aan soo qaadano tijaabooyinkaas bunka lagu sameeyay iyo natiijooyinkii ka soo baxay qaarkood:-

-Hal koob
Xataa hal koob oo bun ah oo aad maalintii cabtaa waxa uu saamayn ku yeelan karaa xaaladda wadnahaaga sida ay xaqiijiyeen baaritaanada qaarkood.
Aqoonyahano Giriig ah ayaa waxay shaaca ka qaadeen caffeinada ku jirta hal koob inay adkayn karto xididada wadnaha muddo dhawr saacadood ah ka dib markii aad bunka cabtay. Haddii aad tahay qof fayaw oo xaaladdiisa caafimaad fiicantahay arrintani ma aha mid dhibaato keeni karta, hase yeeshee haddii aad qabtid dhiig kar ama hore wadne xanuun lagaaga daweeyay arrintan waxaa ka iman karta halis muddada dheer.

Dhanka kale waxoogaa yar oo bun ah oo aad cabtid maalin walba waxay xoojisaa awoodda dhalmada ee raga waayo caffeinadu waxay firfircooni gelisaa manida raga sida ay jirka intiisa kaleba firfircoonida u galiso.

-laba koob
Saynisyahano Swiss ah ayaa ayaguna waxay ogaadeen haddii aad cabtid laba koob oo bun ah ka hor inta aanad samayn laylis jireed(exercise) ay halis u keeni karto wareega dhiigga. Mutadawiciin ay tijaabadan ku sameeyeen ayaa waday baaskiilka layliska lagu sameeyo muddo 5 daqiiqo ah meel joogeeddu la simanyahay xariiqa badda.
Hadaba waxaa la arkay in 50% uu hoos u dhacay dhiigii ku qulqulayay wadnahoodu dadkii ay caffeinadu ku jirtay jirkooda. Arrintani ma keeni karto dhibaato weyn oo caafimaad laakiin qofkii wadne xanuun hore u qabay waa inuu ka taxadiraa.

Laba koob oo bun oo aad maalin walba cabtaa waxay yaraysaa isku buuqa (depression) iyo isdilka (suicide). Baaritaan ay iyana maraykanku sameeyeen ayaa lagu ogaaday in caffeinadu caawiso degenaanta maskaxda qofka(mood), hase yeeshee waa dadka sida joogtada ah u cabba bunka ee ma ahan dadka mar marka cabba.

-Saddex koob
Aqoonyahano reer banii Israa'iil ah ayaa iyaguna waxay shaaca ka qaadeen in dhawr koob oo bun ah oo aad cabtid galabtii ay khalkhal kaa gelinayaan hurdada waayo caffeinadu waxay kala bar dhintaa melatonin oo ah dheecaanka habeeya hurdada. Tijaabadan ayaa lagu ogaaday in bun cabbayaasha ay ku qaadato labalaab marka loo fiiriyo dadka aan bunka cabin inay ku gam'aan.

Dhanka kale 3 koob oo bun ah ood maalin walba cabtaa waxay kala bar dhintaa halista aad ugu jirto inaad u dhimato beer xanuun. Dhawr baritaan ayay arrintani ka soo if baxday hase yeeshee dhakhaatiirta ayay yaab ku noqotay maadaama bun cabayaashu u badanyihiin sigaarya cab aanu aad u sareeyo dufanka ku jira dhiigoodu (cholesterol).

-Afar koob
Wakaaladda ilaalisa heerka cuntada (food standard agency) ee Ingriiska ayaa waxay kula talisay in haweenka uurka lihi aanay cabin wax ka badan afar koob maalintii maadaama ay arrintani kordhin karto khatarta ay ku dhali karaan ilmo uu miisaankiisu yaryahay ama uuba ilmuhu ka soo dhici karo.
Baaritaan ay samaeeyeen aqoonyahano Danish ah horaantii sannadkii aynu soo dhaafnay ayaa ay ka soo baxday in cabidda 4 ilaa 7 koob oo bun ah maalintii ay kordhin karto 80% khatarta ay haweenku ku umuli karaan ilmo mayd ah.
Waxaa loo malaynayaa in caffeinadu giijiso xididada dhiigga u gudbiya ilmaha ayna xidho ogsijiintii uu heli lahaa cunuga uurka ku jira.

Dhanka kale 4 koob oo bun ah maalintii waxay dadka qaarkii siiba dumarka ka difaacdaa inuu asiibo cudurka gargariika keena(parkinson's disease).

-Shan koob iyo ka badan
Baarayaal ka tirsan jaamicadda Edinburgh ee dalka Scotland ayaa iyana dhawaan shaaca ka qaaday in cabitaanka 5 koob oo bun ah maalintii ay sababi karto koritaanka qarsoon ee cadaadiska dhiigga. Markii cadaadiska dhiigga laga cabiray halbawlayaasha gacmaha wax isbedel ah kama muuqan, hase yeeshee markii laga cabiray cadaadiska dhiigga agagaarka wadnaha waxaa la arkay inuu aad u kacay.

Cabidda 5 ama 6 koob oo bun ah maalintiiba waxay kala bar dhimi kartaa halista aad ugu jirto inay kugu dhacdo kaadi macaanta nooca 2 (type two diabetes) sida ka soo if baxday daraasad uu sameeyay Harvard public school of medicine.

Hadaba guud ahaan waxaa cad in bunku uu waxtar iyo waxyeelaba u yeelan karo dadka cabba, waxaana haboon inay taxadar sameeyaan dadka qaba wadne xanuunka iyo dhiig karku maadaama cabidda badan ee bunku ay dhibaaato u keeni karto, waxaana jirtay dhawaan markii uu ra'iisal wasaaraha dalka Britain Tony Blair uu ka cawday wadnaha in dhakhaatiirtu kula taliyeen inuu yareeyo cabitaanka bunka siiba ka aan caanaha la isaga barxin.


Ismail A.Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003 

CUDURKA AIDS-KA IYO ERGADA SHIRKA NAIROBI

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD