SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Janaayo 15, 2004

MAXAA DHICI KARA HADII SHIRKA NAIROBI BURBURO?

JABARTI OSMAN
JABARTI2020@HOTMAIL.COM

 

Waa su’aal u baahan in jawaabteeda la isla eego, waa xaajo u baahan in la isla gorfeeyo inta aysan talo far ka haadin, waa arin ay dhici karto inay timaado oo u baahan in loo diyaar garoobo wixii ka iman kara.

Hadaba qormadeenan akhristow waxaan waxyar isla eegi doonaa ama jawaab u raadin doonaa arimahan:

  • Ma dhici kartaa in shirku burburo?
  • Hadii uu burburose makaa ka dhalan kara, mase jiri doontaa wax loogu yeero Soomaaliya?
  • Kuwa isku haysta meeshase xagee bay ku danbayn doonaan?
  • Inaga shacab ahaan maxay noqon kartaa ciribteenu?
  • Sidee lagu badbaadin karaa in shirka burbur ku yimaado?

MA DHICI KARTAA IN SHIRKU BUBURO?

Jawaabta oo gaabani waa haa, maxaa yeelay tobanaan shir oo kan ka horeeyay ayaa burbur ku danbeeyay, shirkasta oo soomali isugu timaadona waxaynu isugu sheekaynaa kan haduu burburo waa bes, shir danbe ma dhici doono iwm

Hadaba hadaan soo koobo qodobada shirkaan burburin kara waa sidan:

1- Qabqablayaasha meesha ugu muruq kuusan oo waaya waxay doonayeen, (waa kursiga’)

2- Waa Qolyasha sirka wada oo la soo baxa ajende ama qorshe ka duwan kan ay doonayaan aqlabiyada qabqablayaashu. (taasina waxaad moodaa mid hada soo ifbaxaysa inay tahay oo aadba moodid in marhoreba qorshe hoosaad Ugandha iyo Maraykanku iyo kooxo kale oo ay ka mid yihiin afraad Soomaaliyeed oo u janjeera ama jajaban danaha Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya ay isla soo gaareen, oo ayba xaajadu tahay (geeljire isagoo geedka meeshu ka goynayo yaqaan ayuu ku yiraahdaa xagee ka gooyaa).

3- Iyadoo shirku isgacan qaad iyo Soomaaliyeey toosa uu ku dhamaado kadib markii gudaha la isugu tagona ninba meeshiisii ka sii miiso xaajada oo balan fur la yimaado.

4- Iyadoo shirku isgacan qaad iyo Soomaaliyeey toosa uu ku dhamaado kadib markii gudaha la isugu tagona ninba meeshiisii ka sii miiso xaajada oo balan fur la yimaado.

5- Iyadoo wadamada deeqda bixiya iyo dunida nabada jeceli ay ka soo bixi waayaan balantooda ah taageerada dowlada cusub, dib u dhiska dalka, hubka dhigista burcada iyo jabhadaha qabiil iwm.

6- Iyadoo hardankii iyo u adeegii danaha shisheeye sii socdo sida Masar iyo Itoobiya iyo qolyaha u adeega danahaas ama howfuliyayaasha u ahba hadaan iraahdo.

Arimahaas ayaad moodaa inay ugu waaweynaan karto waxa Burbur ku keeni kara Dib u heeshiisiinta Soomaaliya ee ka socota Nairobi.

MAXAA DHACAYA HADII SHIRKU BURBURO.?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (samo wax kaama dhimee shar u toog hay). Marka way dhici kartaa in shirku burburo maxaayeelay waxynu naqaanaa in dadka meesha la isugu keenay ay yihiin kuwii burburiyay shirarkii hore , kuwii ku balan furay tobanaan heshiis oo ay saxiixeen, sidoo kale dowladaha shisheeye ee maanta shirka hormoodka u ahina waa isla kuwii hubka iyo munaafaqada kula dhex wareegayay Soomaaliya, adeeg sanayayna siyaasada (Divide and Rule) .

Marka hadii burbur uu shirkan ku yimaado waxaa dhici karta dhorkaan arimood:

1- In Magacii Soomaaliyeed meeshaas lagu aaso.

2- In dowladaha dhulbalaarsiga wata ee darinku kala googoostaan dalka ayagoo si lama filaan ah oo aan la dareemayn ku soo fidi doona gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo sabab uga dhiganaya argagixis baa nooga soo diilay waa sida Kenya iyo Itoobiya labaduba ku andacoonayaane, markaa sidii yuhuudu ay koonfurta Lubnaan 20 sanno u haysatay oo kale u qabsadaan gobolo dalka Soomaali ka mid ah kadibna ay sidaa ku xalaalaystaan ileen cid kaga daba hadli oo damiir wadaniyadeed iyo dal jacayl ku hartay wuu ka dhamaaday dalkee.

3- In Maraykanka oo istaraatiijiyad dheer ka leh Soomaaliya uu ku soo duulo isagoo leh intii meeshaani ahaan lahayd lamagalaan argagixis u noqota hulal iyo meelo ay ku dhuuntaan waa inaan qabsadaa oo ku soo daraa dowladaha Dimoqraadiyadu ka fusho ee Nabada jecel (international community and peace loving nations). Sidaasna ay Soomaaliya ku noqotaa meel uu khayraadkeeda bad, xoolo, iyo badroolba u daldasho ilayn kuwii ku noolaa ayaa garan waayee, sidoo kalena uu uga dhigtaa xero ciidan (military Bases) uu u adeegsado ku duulista dalalka Carabta iyo Islaamkaba.

Dhorkaas qodob ayayna noqon kartaa meesha ay ku danbaynayso Soomaaliya waa hadii ay tashanwaydee.

XAGEE AYAY KU DANBAYN DOONAAN KUWA ISKU HAYSTA MEESHA?

Iyadoo kooban waxay ku danbayn doonaan ama mari doonaan jirkii Ina Siyaad, Caydiid, iyo Cigaal.

Waxaaba dhici karta in dowladaha ku adeeganaya maanta ay qabqabtaan oo soo xidhxidhaan amaba dilaan mariyaana jidkii kuwii adeegayaasha ahaa ee iyaga ka horeeyay sida Noriyeegihii Panama, Sadamkii Ciraaq, Markoskii Filibiin iwm.

Amaba waxaa dhici karta midkastoo maanta jira dhowr bilood kadib in gacan yarihiisu ka hoos qaato oo meeshaba ka carsado sida ku dhacday Shaatiduud, sida ku dhacday Yalaxow , Sida ku dhacday Ina Caydiid , Cismaan Caato, Cali Mahdi, Ina Biixi, Cabdirahmaan tuurkii Hargeisa iwm. Dhamaan ragaas ama ku xigihiisii ayaa burcadnimadii kala wareegay oo eryaday ama awoodiisii ayaa wiiqmatay ilaa badan kood ayba maanta qaxooti ku jihiid dalalka deriska ah oo aysanba cagta soo dhigi Karin meeshii ay mar ka talin jireen, oo ka atoorayn jireen.

XAGEE AYAYNU SHICIB AHAAN KU DANBAYN DOONAA?

Shicibka Soomaaliyeed maanta waa laba qaybood kuwo ku sugan DALKA iyo kuwo ku sugan DIBADA.

DALKA:

Xaaladda qalafsan ee shaqo la’aaneed, nabadgelyo xumo, caafimaad daro, dowlad la’aaneed , waxbarasho daro, iyo handadaada , afduubka , kufsiga, dhaca, xabsiga, iyo dilmada ay ku hayaan mooryaantu, jiridu, daydaygu, iyo weliba mida ka sii xun ee ay ku hayaan askarta xabashida iyo kuwa sawaaxilugu ayaa sii socon doonta halkaasna waxaa ku dhiman doona sharaftii, diintii, dadnimadii, damiirkii, iyo dowladnimadii Soomaaliyeed iyo Haykalkii looga baqijiray in lagu xadgudbo shacabka sharafta leh ee Soomaaliyeed.

Intaa waxaa sii dheer cunaqabatayna dhaqaale ee khaliijka, sun ku aasida xeebaha dalka, xaalufinta khayraadka badda, gubista dhirta, dhoofinta xoolaha dhedig, iwm

DIBADA:

Dadkasta oo caalamka saaran waxaa lagu xurmeeyaa dowladooda , dad aan dowlad lahaynina waa duul dayacan, waakaas oo sharaftee hablaheenu dhimatay, waakaas oo caruurteenii xabsiyada laga buuxshay, waakaas oo waayeelkii iyo waalidkii asaasaqay oo tumashada iyo mukhaadaraadka meherada ka dhigtay, waakaas oo cartu faanka noqotay, waataas oo durta aynu ka darnay falastiintii oo noqonay dibadyaalo aan cidina u aaba yeelin , mid badi cuntay, mid askari toogatay, mid buufis ku dhacay iyo mid duran ayay u bateen dadkeenii dibedaha ku noolaa ilaa dawladnimadii soo noqotana Sharaftoodu way sii dhiman mooyee kama soo raynayso.

HADABA SIDEE LAGU BADBAADIN KARAA SHIRKAAN SI LOO BADBAADIYO JIRITAANKA IYO AAYAHA SOOMAALIYA?

Aniga aragtidayda shirkaani wuu ka duwan yahay kuwii hore, sababtoo ah, waxaa jooga dhamaan qabqablayaashii dagaalka, qolyihii shicibka madaniga ah, aqoonyahano iyo cuqaalba, sidoo kale waxaa u dhan dowladihii dariska ahaa, ugu danbaysna waxaa jooga oo xiisaynaya in shirka wax ka soo baxaan dowlado dano kaleh sii jiritaanka Soomaaliya.

Taasi waa mid aad moodid inay suurto gelin karto miro dhan ka yimaada shirka.

Waxaa kaloo badbaadin kara shirka , in la isasa soo horfariisiyo qolyaha shirka ugu muruqa kuusan, kuwaas oo aad moodid hadii ay isku waafaqaan qaybsiga inay inta kale saamayn ku yeelan karto, waxaanan u danleeyahay waa Abdulahi Yusuf iyo Cabdi Qasime.

Sababta aan taa u leeyahayn waxay tahay inaan anigu aaminsanayn sheekada raqiiska ah ee aynu niraahno qabiil baynu isku diidanahay, haa oo qabiil qabiil baa la isku dilay, laakiin qabiil qabiil iskuma diidanine qabqab dhaafay, qof jeclaysi iyo kursiga cidii ku fariisan lahay weeye meesha xaajadu ka qurunsan tahay, marka aniga rayigayga waxaan isleeyahay hadii Cabdulahi Yuusuf oo ugu muruq kuusan Daarood, ama qolyahaya ku bahoobay SRRC iyo xulafadooda 20 dhan oo dhinac ah Iyo Cabdiqaasim oo Hawiye ugu tugtug roon maanta iyo Xulafadiisa cusub ee Yalaxow horkacayo, iyo kooxdiisa dhulbalaarsiga wada ee reer Galgaduud waxaan isleeyahay haday labadaa nin heshiiyaan inta kale way ku dabasafan lahaayeen, oo awood ayay labadaa nin u yeelan karaan inay dalka islaaxiyaan , dowlad ilaa raas kanbooni ilaa raas casay midaysana weykeeni karaan ayaan aaminsanahay.

Sidoo kale waxaan isleeyahay hadii lagu heshiin waayo in kursigaas qof keliya ku fariisto , maxaa diidan in la sameeyo sida Bosniya ama Ciraaq oo ah in madaxweynuhu wareegto noqdo ilaa inta duruuftaan laga baxayo oo bal markale dib ay dadku u dhadhaminyaan macaanka dowladnimo , kadib markay bislaadaana doorasho lagu kala haro.

UGU DANBAYSTII WAXAAN ILAAHA AWOODU GACANTIISA KU JIRTO KA BARYAYAA INUU ISLAAXIYO DALKA, ISKU SOO DUMO QULUUBTA, DAREENSIIYO QOLYAHA SHIRKA JOOGA DANTA GUUD EE SHACABKA IYO AAYAHA UMADA SOOMAALIYEED.

MAANTA BAAL BAA FURAN AY KU QORMI KARAAN QOLYAHAASI AMA MID DAHAB AH AYUU NOQON AMA MID DHIIG, IYO DAXAL KA SAMAYSAN OO MUGDI AH AYAY GELI LABADA TAY NOQOTANA SHACABKA SOOMAALIYEED WAY EEGI BAL KAY DOORTAAN.

JABARTI OSMAN

JABARTI2020@HOTMAIL.COM

Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD