SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Janaayo 17, 2004

War-1-17-Janaayo,Nairobi.
Ambasator William Bellamy :- Dab Ridka iyo wada shaqeynta la dagaalanka Argagixisada.........
Xuduuda Soomaaliya iyo kenya oo Ciidanka Mareykanka iyo Ciidanka milatariga Kenya ....


Ciidanka badda ee dawlada Mareykanka ayaa bishii juun ee 2003 ilaa iyo hadda marba tagaya magaalooyinka ay soomaaliya xuduud kala leedahahay dawlada Kenya.

Ciidanka mareykana ayaa joogay sanadkii hore magaalooyin ka min gobolada waqooyi bari ee Kenya oo xuduud dhuleed la leh somaaliya gaar ahaan gobolada Jubada hoose iyo gobolka Geddo.

Ciidanka Mareykanka ayaa Magaalada LAMU oo xuduud dhuleed iyo badeed la leh Somaaliya Ciidanka Milatiriga dawlada Kenya shaley ugu furay tababar ku saabsan habka loola dagaalamo Argagixisa caalamiga iyo daruus kale oo ku saabsan dab ridka hubka mareykanka sameeyo sida loo isticmaalo.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya William M. Bellamy ayaa shaley furey tababarkaasi waxa uuna sheegay in ay Ciidanka Dawlada kenya ka faa,iideystaan daruus la barayo oo isugu jirta mid hadal, qoraal iyo mid ficil ah, safiirka ayaa sheegay in ciidanka mareykanka Joogayaan xuduud ilaa waqti.
waxaa kaloo uu sheegay ambasatorka in ciidan mareykanka qabanayaan hawlo dayactir iyo caafimaad.
ciidanka mareykanka ee tagey shaley magaaladda LAMU ayaa durbadiiba waxay dayactir dhismo ku bilaabeen dugsiyada magaalada lamu ,waxay shaley baaritaan caafimaad mariyeen ilaa dhawr boqol oo qof iyagoo ka baarayey cudurka kaneecada oo ay dad badan u le`daan.

Wasiirka amniga ee dawlada kenya Mr.Chris murangaro ayaa isna ka hadlay xaflaasi oo sheegay in Dawlada mareykanka gacan weyn ka siinayaan shacabka kenya la dagaalanka Argagixisada caalamiga oo ku dhuumaaleysanaya xuduuda u dhaxeysa kenya iyo Soomaaliya.

Labadasaasi masuul oo ka hadlayey telfishanada dalalka kenya ayaa dadweynaha ka codsaney in ay la shaqeeyaan oo ay garab ku siiyaan barnaamijkaasi la dagaalanka argagixisada Caalamaiga oo ay wado dawlada Mareykanka.


dhamaad.
Abdi karim Aden Hussein
Nairobi.Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

SomaliTalk.com | Jan 17, 2004

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....
 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD