SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Janaayo 26, 2004  

SRRCda oo Beeniyay in ay heshiiskii dhowaan ay ka laabanayaan.

Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com

Isniin 26/1/2004

Nairobi, Kenya.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Iyadoo maalamahan ay soo baxayeen warar sheegaya in Dawladda Itoobiya ay kulamo gaar gaar ah la yeelatay hogaamiyayaasha kooxaha ee SRRCda si carqalad ay ugu abuurto shirka soomaalida ayaa maanta golaha SRRCdu ay beeniyeen arintaas, waxaana ay sheegeen in ilaa hadda wax kulan ah ayna la yeelanin wasiirka arimaha Dibadda ee Itoobiya Seyuim Misvin.

Arimahan waxaa ay kusoo beegmeen iyadoo maalmaha soo socda lagu wado in dhamaan hogaamiayaashu ay ka qayb galaan xaflad lagusoo afjarayo Wajiga labaad ee shirka soomaalida isla markaana ay goobjoog ka noqon doonaan madaxwaynayaal iyo xubna ka socda beesha caalamka.

Jeneral Morgan iyo Col Shaarti Gaduud oo ku hadlayay Magaca Golaha SRRCda ayaa labudaba beeniyay wararkaasi, waxaana ay sheegeen in heshiiskii dhawaan la gaaray aan dib looga noqnayn isla markaana ay soo dhowaynayaan heshiiskii lagaaray Mudadii wada hadalada hogaamiyayaashu ay ka socdeen Safari Park.

Waxaase Golaha SRRCdu ay muujinayaan In ay tuhun ka qabaan in golaha Samata bixintu ay qayb ku yeeshaan qaybinta Xubnaha Baarlamanka oo horay aan qoraalka axdiga aan loogu xusin hase yeeshee ay tuhun ka qabaan magacoodana lagu daray qodobka xulashada xubnaha Baarlamanka. Isla markaana ay doonayaan in ay kala hadlaan arintaan wasiirka Arimaha dibadda ee Kenya Kalonzo Musyoka.

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la sheegay in uu wufuud carbeed u sheegay in baarlamaanka Soomaaliya loo dhisidoono heshiiskiisa la gaari doono Arbacada... Dhegeyso VOA... Jan 26, 2004

Dhinaca kale Golaha SRRCda ayaa waxaa ay su’aalo ka waydiiyeen Col Cabdulaahi Yusuf Axmed waxa uu ku saabsanaa dhowr kulan oo qarsoodi ahaa oo uu la yeeshay Madaxcwaynaha Dawladda Kumeel gaarka Cabdi Qaasim Salaad Xassan iyadoo maalmahanna SRRCdu ay shaki ka muujinayeen kulankaas oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen in uu ahaa mid ay heshiis ku kala saxiixdeen Cabdi qaasim iyo Cabdulaahi Yuusuf inkastoo labadan hogaamiye ay sheegeen in ay ka wada hadleen oo kaliya arimaha Nabadda soomaaliya.

Mid shakigan lamid ah waxaa laga dhex dareemi karaa xataa qaar kamid ah golaha samata bixinta ee ay isku xulfadda yihiin madaxwaynaha Dawladda Kumeel gaarka oo iyagana tuhun lamid ah kan SRRCda ay ka muuqanayso.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad oo qof walba uu dareemi karaa in siyaasiyiinta soomaalida badankoodu aysan lahayn wax mabda’ ah taasi oo sababatay in koox walba dhexdeeda xataa aanayn daacad isku ahayn oo mid walba midka kale uu ku dangaarayo iyadoo laga sii hordhacay waxyaabo wali aan la gaarin xiligan.

Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2004

 Heshiis Buuxa oo Lagu Gaaray Shirkii Soomaalidda
Waxaa lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo Guji... 23/1

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD