SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Janaayo 23, 2004 | Updated | LABA WARBIXINOOD OO KU SAABSAN SHIRKA

Heshiis Buuxa oo lagu gaaray Shirkii Soomaalidda.

Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com

22/1/2004, khamiis.

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 Waxaa galabta lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo ah in qodobadda Khilaafka uu ka taagnaa ee axdiga meel dhex dhexaad ah ay ku wada heshiiyaan hogaamiyayaasha ku loolamaya siyaasadda soomaaliya.

Mas'uul ka tirsan Dawladda Kenya oo isagu ku hawlanaa kulanka showrka ee safari parka ayaa goor dhowayd ii xaqiijiyay in Golaha Samata Bixinta oo kaligood harsanaa ay aqbaleen hindisaha cusub ee lagu mideeyay Hogaamiyayaasha soomaalida dhamaantood.

Safiirka kenya ee arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa isaguna sheegay in IGAD ay qorshaynayso dayuurad loo diro maalmaha soo socda hogaamiyayaasha ay ka mid yihiin Muusa Suudi, Barre Hiiraale, Cusmaan Caato iyo Cabdirisaaq Biixi si ay uga qaybgalaan xaflad balaaran oo Isniinta lagu wado in lagu qabto Nairobi ayna ka soo qaybgali doonaan madaxwaynayaasha Kenya iyo Uganda.

Ing Maxamed Xuseen Caddow oo kamid ah xubnaha Samata bixinta ee Nairobi ku sugan ayaa ii sheegay in ay aqbaleen heshiiskaas inkastoo uu ka gaabsaday qaabka loo qanciyay maadaama ay horay u codsadeen in Golaha Samatabixinta lagu xuso qodobka xulidda Xubnaha Baarlamanka.

Horay waxaa heshiiskan Cusub qalinka ugu duugay Madaxwaynaha TNG Cabdi Qaasim Salaad Xassan, Hogaamiyayaasha kooxaha ee horay shirka usii joogay iyo Ururadda Bulshada Rayidka.

Waxaana shirka dib uheshiisiinta Soomaalidu u muuqdaa in uu ugudbay wajigii Sadexaad ee awood qaybsiga inkastoo rasim ahaan aan loogu dhawaaqin.

Heshiiska la gaarayna waxaa uu yahay:

1-Magaca Buuga Axdiga iyo dastuurka waxa uu Noqonayaa Buuga Axdiga iyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Soomaaliya.

2-Magaca Dawlada waxa uu noqonayaa
Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya .

3-Jamhuuriyada Domoqoraadiga Federaalka Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa Dastuurka KMG, Beesha Caalamka waxay ka taageereysaa dhinac Farsamo iyo Mid dhaqaale.

4-Baarlamaanka Ku meel gaarka ah waxa uu noqonayaa tirada xubnaha xildhibaanada 275 xubno oo 12% boqolkiiba tirada xubnaha Baarlamaanka waa haweenka.

5-Xulida xubnaha Baarlamaan waxaa soo xulaya :-
A- hogaamiyayaasha siyaasada ee Dawlada KMG,
B-Maamulada Gobolada iyo degmooyinka.
C-Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirku aqoonsanyahay iyadoo ugu danbeynna ay ansixinayaan Hogaamiyayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.

6-waqtiga Dawlada.

Jamhuuriyada dimpoqoraadiga Federaalka KMG Ee Soomaaliya waxa uu noqonayaa 5 sano.

7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar Muslimiinta.

8-shirweynaha lagu ansixinayo qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka waqtiga waxaa sheegi doona Guddiga Hawl fududeynta IGAD.

Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com

<><>WARBIXINTA LABAAD<><><>

War-1-23-Janaayo,04,Nairobi.
Golaha samata bixinta oo saxiixaya qoddobadii lagu.................................

Xubnaha Golaha Badbaada Qaranka ee ka qayb galaya kulanaka wada tashiga ee ka socda safari park hotel ee magalada Nairobi ayaa xaley saxiixay qoddobadii ay ka biya diidanayeen ee ku saabsanaa Qoraalka Buuga Axddiga iyo Dastuurka Soomaaliya ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda wadanka Kenya.

Golaha Badbaadada Qaranka ayaa IGAD iyo Beesha Caalamka u balanqaadey in ay ka mid yihiin xunbaha siyaasiyiin beelaha Sopomaaliya ee awooda u leh xulitan xubnaha baarlamaanka ee beeshiisa qof waliba.
qoddobkan oo ahaa mid kaliya ay diidanayeen ayaa si cad ah loo ogeyn habka iyo darajada ay uga mid noqonayaan xubnaha golaha badbaadada qaran ee aan aheyn 4-hogaamiye ee ku maqan soomaaliya kuwa soo xulaya ee kala ah siyaasiyiinta, hogaamiyayaasha ama maaamulka la sheegay in ay ka mid yihiin dad xulida xubnaha baarlamaanka awooda u leh ama odoyal dhaqameed oo iyagu ansixinta leh.

Xubnaha golaha Badbadada qaranka mid ka mid ayaan xaley kula xiriiray telfoon in kastoo ka gaabsadey qabka loo qanciyey ayaa hadana waxa uu ii sheegay in ay ogolaadeen oo ay saxiixeen.

Dhanka kale safiirka dawlada kenya ee Soomaaaliya Mohamed Cabdi Afey ayaa sheegay in hogaamiyayaasha Soomaaliya ku maqan iyo madaxweynayaasha Gobolka maanta Isniinta ka soo qayb galayaan xirida wajiga labaad ee shirka iyo furida wajiga seddexaad ee awood qaybsiga ee wada hadalada Nabada ee Soomaaliya oo 14-bil ka socda dalka kenya.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2004
<><><>

WARAKII HORE EE SHIRKA

Golaha Badbaadada Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Iyo Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta... Guji... 22/1/04

SOMALIA: Maadooyinka iyo Manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta: Waa dastuurka la isku raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Guji...

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

NAIROBI: Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey Somaliland iyo Puntland.. Guji 19/1

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]