SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Janaayo 15, 2004

WARARKA SHIRKA NAIROBI

Shirka oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10-Beri ee Gooni u Faqa
 

. IGAD iyo Beesha Caalamka :-tirada hogaamiyayaasha Soomaalida ee Kulanka wada tashiga ......
. SRRC oo ku ka qaybsan Goaanka IGAD iyo Beesha Caalamka................

 

kulanka wada tashiga ee hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee ka socda Safari Park Hotel ayaa maanta galaya maalinta shanaad ee wada tashiga 10-kii maalmood oo loo qabtey in xal kama danbeysa ah ku gaaraan hogaamiyayaasha Soomaalida ee ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo 14-bilood ka socda waddanka Kenya.

wasiirka arrimaha dibada dalka kenya muddane Kolonzo Misayoka ayaa shaley u soo bandhigay goaankii kama danbeysta ee IGAD iyo beesha caalamaka oo ah tirada ka qaybgaleysa kulanaka wada tashiga oo ah 42-qofood.

Go`aankana ayaa wasiirka sheegay in horey loogu gaarey shirkii wasiirada arrimaha dibada IGAD ee kamabala 22-Oktober, shirkii wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ee Nairobi,8,November iyo kuwa kale .
waxaa kaloo uu sheegay wasiirka in ay marnaba IGAD iyo beesha caalamka ka laabaneyn goaanka cidii diidaana waxaa loo aqoonsanayaa NABAD DIID ,warkan aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahayl ayaa sheegaya in go`aanka loo soo bandhigay hogaamiyayaasha Soomaalida gooni gooni. ( XUSUUS: Waa tii wasiirka arimaha dibada ee Kenya Soomaalida hogaamiyayaasheeda ku amray in aan warfaafinta war la siin 10 maalmood).

kooxda Golaha badbaadinta ayaa horey u ogoglaadey go`aanka inkastoo lagu xujeeyey in ay keenaan hogaamiyayaasha ku maqan soomaaliya.
kooxda cabdiqasim ayaa iyagu horey u ogolaadey goaanka IGAD oo ku yimid casuumaad 42-qof.
kooxda G-8 ayaa iyaga si caga jiid ah ku ogolaadey go`aanka IGAD.
kooxda SRRC iyo TNG-da Mbagathi ayaa wali diidan in kastoo khilaaf dhexdood soo kala dhex galey,
qaar ayaa aaminsan in ay ka qayb galaan kulanka wada tashiga madaama looga hadlayo maxsaxada iyo danaha shacabka soomaaliyeed oo iyagu cid ka xigin,SRRC ayaa ragood u muhiimsan isku haysta ogolaashaha tirada dadka ka qayb galaya kulanaka wada tashiga oo 5-maalmood ka hartey waqtigii loo qabtey iyagoo waxba qaban.


war naga soo gaaraya Safari Park Hotel oo aan telefoonkula xiriirnay ayaa tibaaxaya in ay SRRC qaar ka mid uun diidan tahay Ogolaashaha tirada dadaka ka qayb galaya kulanka wada tashiga Nabada ee haatan ka socda Safari Park Hotel.

wasiirka ayaa u sheegay in goaanka uu yahay mid kama danbeysa oo iyaga uun laga sugay in ay ka qayb galayaan iyo in loo celinaayo Soomaaliya goobihii laga soo qaadey.
hadalka celinta ayaa Rag ka mid SRRC culeys ku noqdey oo goob lagu celiyaa iyo meel ay hadda ka taliyaan jirrin ,hadalkana ayaa SRRC si weyn isugu khilaafsan tahay oo ilaa saacado goaan kama danbeysa IGAD ka sugeysa in ay kulanka ka qayb galayaa iyo in lagu celinayo soomaaliya.

MAXAA DHICI KARA HADII SHIRKA NAIROBI BURBURO? [faallo]

Dhanka kale warar naga soo garaya Beesha Caalamka iyo IGAD ayaa sheegaya in haddii uu kulanka qabsoomi waayo oo 10-berri wax natiijo laga waayo hogaamiyayaasha soomaalida lagu celin doono soomaaliya ,shirkana la joojinayo ilaa dhawr bilood.

warar aanlagu kalosooneyn oo ka imanaya IGAD iyo Beesha caalamka ayaa sheegaya in liiska kama danbeysa ee tirada dadka ka qayb galaya tahay 42-qof,oo u kala qaybsan sidan:-
20-hogaamiye Mbagathi.
10-hogaamiye ee Golaha Badbaadada.
9-dawlada KMG ee Cabdi qasim
3-qof oo kala ah mid haween,mid culimo ah iyo siyaasi oo wali lasoo gidbin magac yadooda.
liiska ayaa dib looga saarey ragii Mbagathi loogu darey ee kala ahaa:-
1-Xasan Maxamed Osmaan Bayloote USC/ASILI.
2-Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen SAMO/SNA.
3-Xuseen maxamed Muuse SAMO/BANTU.
4- Saciid Bulbul USC/SNA.
5-Dr.Mohamed Siidow SDM.
in kastoo aan si sax loo hubin magacyada dadka ka qayb galaya kulanka wada tashiga ayaaha Nabada soomaaliya ayaa hadana la sheegaya in ay ugu danbeyn tirada dadka iyo magacyada ka qaybgalaya yihiin kuwa aan kor ku soo sheegay.
dhamaad.
Abdikarim Aden Husein.
Nairobi ,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:  

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD