SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Janaayo 19, 2004

War-1-19-Janaayo,04,Nairobi.
Hogaamiyayaasha Siyaasadda Soomaalida oo ku hesh.................

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


Abdiqassim Salad Hassan, iyo Abdullahi Yusouf Ahmed oo gacanta is haysta, kulankii Nairobi ee  January 9, 2004 (Sawirka: Reuters)


WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

wararka ka imanaya Safari Park hotel ee magaalada Nairobi oo uu ka socda kulanka wada tashiga ee tobanka maalmood ee siyaasiyiinta Soomaalida ayaa sheegaya in ay wali wax go'aan ah gaarin hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida ee ka qayb galaya kulanka wada tashiga ee looga hadlayo ayaaha Nabada iyo maslaxada shacabka Soomaaliyeed ee dagaalo sokeeyo ku soo dhex jiray 14-sanno ee ugu danbeeysay.

MAXAY WARGEYSYADA ADDUUNKU KA QOREEN SOOMAALIDA

3-maalmood ka hor ayaa hogaamiyayaasha siyaasada Mbagathi Magacaabeen Guddi 3-qof ah oo wada xaajood la yeesha wafdiga Cabdiqasim iyo ergada Golaha badabaada soomalida ee ku sugan safari Park Hotel si ay uga wada hadlaan arrimha la isku maandhaafsan yahay ee Qoraalka Buuga axdiga iyo Dastuurka KMG ee lagu dhisi rabbo barlamaan KMG iyo Dawlada KMG 4-sanno soo socota oo laga dhalinayo shirka wadahadalada Nabada soomaalida ee 14-bilood ka socdey waddanka Kenya.

Hogaamoyayaasha siyaasada Soomaalida ee Mbagathi ayaa 3-maalmood ka hor waxay go`aansadeen in ay la wareegaan shir guddoonka shirka wada hadalada Nabada Soomaalida oo kol hore shir guddoonka wadey IGAD .

Dabayaaqada Sanadkii 2002 wajiga Labaad ee wadahadalada Nabada Soomaalida ayaa qaybsiga Ergada iyo Shir guddoonka shir dib u heshiisiinta Soomaalida hogaamiyayaasha Soomaalida IGAD ka Codsadey in shir guddoonka iyo qaybsiga Ergada IGAD lagu wareejiyo Soomaalida si ay iyaga u qaybsadaan ama uga wada hadlaan danahooda taasina hogaamiyayaasha Soomaalida waa ay ku heshiin waayey, waliba uu ka dhacey dagaal gacan ka hadal ah oo dhex marey Mawliid Macaani iyo Prof.Gandi oo gaarey in hogaamiyayaasha qaar la dhigo xabsiga Boliiska ee magaalada Eldoret.

Hogaamiyayaasha Siyaasada Soommaalida ayaa IGAD iyo Beesha Caalamka ka sugayaan go'aan kama danbeysa oo ku aaden tirada dadka ka qaybgalaya kulanka wada tashiga oo ka harey 2-maalmood.

IGAD iyo Beesha Caalamka ayaa horey ugu sheegtay in hogaamiyihii oggolaan waaya tirada dadka ka qayb galaya wada tashiga aayahaha mustaqbalka shacabka soomaaliyeed loo aqoonsanayo NABDDIID oo mar uun la hor taagi doono Maxkamadaha Adduunka .

Dhan kale hogamiyayaasha siyaasada Soomaaliya ku maqan ayaa maanta la dhawrayaa in ay soo gaaraan magaalada Nairobi si ay uga qayb galaan Kulanka wada tashiga Soomaalida oo ka harey muddo laba maalmood.

Lama yaqaan IGAD iyo Beesha Caalamka talaabada ku xigta ay qaadi doonaan in kastooy horey u carab ugu dhufatey si aan officcial ahey in ERgada dib loo celin doon shirka wadahadala Nabada Soomaalida, shirkana uu hakad gali doono dhawr bilood (Waa haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo.)

<><>

War-2-19-Janaayo,04,Nairobi.
Kolonzo Misayoka oo baaq nabadeed u jeediyey dagaalka u dhaxeeya..........

Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa saakey shir jaraa'id ku qabtey Safari Park hotel oo ka socda kulanka wada tasahiga Soomaalida ee tobanka maalmood .

Shir jaraa'id ayaa wasiirka waxa uu baaq nabaded u soo jeediyey dagaalada u dhaxeeya Soomaali Land iyo Puntuland in ay si sharuud la`aan ah xabada ku joojiyaan madaama shir nabadeed ka socda kenya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri looma baahna dhiig kale in uu daato ,qofkii wax tabanaya ha soo fariisto goob wadahadalada Nabada ee la fadhiyo.

IGAD iyo Dawlada Kenya Arrimaha soomaaliya waa ka dhex dhexaad ,cid nagu eedeyn kartaa in aan soomaali kala xigsaney ma jirto. Soomaalida dhex deeda in uu dagaalka kale ka dhaco waa mid aan aad iyo aad uga xun nahay,waxaana rajeynayaa anigoo ku hadalaya magaca dawlada Kenya iyo kan urur goboleedka IGAD in ay na yeeli doonaan Baaqa aan u soo jeedinay Soomaali land iyo Puntuland ayuu yiri wasiirku.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlayey arrimha kulanka wada tashiga ayaa waxa uu sheegay in uu gaarey horumar wanaagsan ,wixii faafaahina 10-maalmood markii laga baxo ayaa sheegayaa ayuu hadalka ku gaabsadey wasiirka arrimaha dibada dawlada Kenya.

-dhamaad-

Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

. WARARKII HORE CABDIKARIIM AADEN

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

SomaliTalk.com | Jan 19, 2004

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04
 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD