SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
SHIRKII 9/1/2004 ee NAIROBI
  • Itoobiya oo Aan Soo Xaadirin Shirkii 9/1/4
  • Soomaalida oo is cafisey oo is gacan qaaday
  • Kenya oo Soomaalida xusuusisay in ay shirka ka yihiin Caawine
  • Talyaaniga oo muujiyey sida ay ugu riyoodaan Soomaaliya oo Dawlad iskood u dhista

War-1-09,Janaayo,Nairobi.Kenya.
Yuweri Mosseveni:-waxaa Bislaanaya maanta Nabada iyo Dawl.........................


shaley duhurnimadii ayaa garoonka diyaaradaha ee jommo kenyatta Air-port waxaa ka soo degay madaxweynaha dalka Uganda Yeweri Mossaveni oo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ee sanadka 2004. Ujeedada imaatinka Madaxweyne musaveni ayaa ku saabsanaa in uu wada tashiyo goono goono ah la sameeyo hogaamiyayaasha soomaalida ee wadahalada Nabada uga socdo magaalada Nairobi.

safari park Hotel oo ku yaala meel 20-km u jirta magaalada Nairobi dhinaca qorax u dhaca ayaa wada tashi dheer iyo wadahadalo qaatey muddo 12-saacadood ka badan dhex marey madaxweyne Mussaveni , hogaamiyayaasha soomaalida ee madasha shirka ku sugan, Madaxweyne Cabdi qasim salaad xadsan iyo hogaanka golaha badbaadin oo shaley soo gaarey magaaladan Nairobi.
is qab-qabsi iyo go`aano kala duwan ka dib ayaa hogaamiyayaasha siyaasada ugu danbeyne madaxweyne musaveni ka codsadey in la keeno hogaamiyayaasha ku maqan soomaaliya ama qoraalo cadeynaya wakiilnimo raga ay soo wakiisheen oo ku saxiixan magacyadooda.
4-hogaamiye ayaa kala ah 1-Muuse Suudi Yalaxoow 2-Barre hiiraale 3-maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Cusmaan xasan cali caato.
ugu danbeyn hogaamiyayaasha soomaalida ayaa wada ogolaadeen in ay meel wada fariistaan oo ay kawada tashadaan aayaha shacab soomaaliyeed ee dagaalo sokooye ku soo dhex jiray 14-kii sanno ee ugu danbeeyey.
dhamaad.

war-2-09,Janaayo,04,Nairobi.
Mwaki Kibaki:-walaahayga waxaa maanta u dhashey waa............

Madaxweynaha dalka kenya Mwaki Kibaki ayaa maanta qaddo sharaf ugu sameeyey Safari Park Hotel kadib markii ay ogolaadeen dhamaan Hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida in ay wada fariistaan miiska wadahadalada Nabada ee gogoshiisa fidisay dalka kenya.
Qada sharafta ka dib ayaa waxaa la isugu tagey hoolka shirarka ee Safari Park Hotel, furitaanka shirka ayaa ugu horeyn waxaa hadalo furitaan iyo soo dhaweyn ka soo jeediyey wasiirka aarimaha dibada dalka kenya oo hadalkiisa ku bilaabey Madaxweynaha Dalka Kenya Heybadle Hon. Mwai Kibaki,Madaxweynaha dalka Uganda Heybadle Hon. yuweri Moseveni, Madaxweynaha Dawlada KMG Soomaaliya Haybadle Hon.cabdiqasim Salad Xasan , Hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaaliya,IGAD, wakiilada Beesha Caalamka ,Midawga Yurub ,Midawga Afrika ,Jaamicada Carabta ,wakiilada wadamada yurub iyo Ameerika dhamaan tiin waa salaaman tuhiin, kuna soo dhawaada mar kale dalka kenya magaalada Nairobi.

intaa ka dib waxaa halkaa wasiirku ka jeediyey horudhac yar oo ku saabsan arrimaha shirka ee heerka uu marayo ,ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey wakiilka Dawlada Talyaaniya iyo Midawga Yurub ambasator Carlo Ungaro oo sheegay in shir uu guulaysatey ,waxaa kaloo uu yiri walaalaheyga soomaaliya waxaan maanta aad ugu faraxsanahay in aad isu timaadeen miiska wada tashiga iyo wadahadalada Nabada ee dhexdiinta laakiin waxaa iga sii farax badnaaan laheyd walaaheyga Soomaaliya oo maanta iyaga iskood u dhista dawlada ay raali ka wada yihiin ,taasi waa mida aan wax badan ku riyoon jiray waan ogahey maalin in aad riyadeyda run aad iga dhigi doontaan ,dadaalka Nabada iyo taageerada Dawlada waa mid aan mar walba idinla garab taaganahay .

ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dalka Kenya Hon.Mwaki Kibaki waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey ,waxaan marka hore mahad halkan ugu jeedinayaa dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida oo ogolaadey gogosha ay fidisay Kenya,waxaan kaloo u mahad celinyaa dad iyo hayadihii isku gacan dhaqaale iyo mid garab ah siiyey shirka wadahalada Soomaalida iyo wakiilada caalamka oo caawin joogta ah la garab taagan shirkan ka socda kenya 14-bil.

Hon.Kibaki ayaa mahad gaar ah u soo jeediyey saxiixayaasha baaqii xabad joojinta ee 27-Oktober,2002 iyo heshiisyasii ka danbeeyey ee wajida kala duwan ee wadahalada Nabada Soomaalida.

waxaa kaloo uu sheegay in dawlada kenya shirka ka tahay caawiye ,dadka go'aanka iyo talada iska lehna yihiin hogaamiyayaasha Soomaalida ee horteyda fadhiya ilaa la hello dawlad Soomaali waanu idin garab taagan nahay .

Madaxweynaha Dalka Uganda Hon.Yuweri mosaveni oo sheegay in ay aad aad ugu mahadsan yihiin hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida in ay ka wada hadlaan Nadada iyo aayaha Soomaalida.
waxaa kaloo uu xusay taariikhdii wadanka uganda iyo jabhadii uu ka tirsanaa ,dawladii IIdi Aminn Daada iyo taariikhda soomaaliya , xukunadii kala duwanaa xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Uganda.
Hon.yuweri mosaveni ayaa ugu danbeyn si xushmad uga codsadey in ay is cafiyaan oo isa salaamaan dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida iyo Madaxweyne Cabdi qasim ,waa la isa salamey mid waana la is cafiyey.

shirkaasi ayaa waxaa ka maqnaa dawlada Itoobiya oo ka mid aheyn dawladadaha safka hore ee shirka Nabada Soomaalida, lama yaqaana sababta ay ugu maqney halka dawlada jabuuti iyo dawlada IGAD ay joogeen wasiiradooda arrimha Dibada.

Madaxweyne Yuweri Mosaveni ayaa ku laabtey laabtey dalkiisii ka dib markii uu dhamaadey shirkii.
dhamaad.

war-3-09.Jnaayo.Nairobi.
Cabdiqasim Salaad:- waxaan ku heshiinay in ............

Madaxweynaha Dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa shaley soo gaarey magaalada Nairobi oo lagu qabanayey kulanka hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida.
saakey mar aan kula kulmey baarka Safari Park hotel ayuu ii sheegay in isaga iyo Madaxwene musaveni wada kulmeen.
cabdiqasim Salaad ayaa ogolaadey in uu wada tashi la galo hogaamiyayaasha Soomaalida oo ay isku maandhaafeen ansixintii Axdi qarameedka shirka Nabada Soomaalida ee 15-Septembar ,taasoo laga diidey in la siiyo 2-maalmood oo uu ku soo akhriyo buuga Axdiga Iyo Dastuur .
kulanka wada tashiga hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida ayaa wali la xaqiijin goobta uu ka dhici doono iyo in qof ka qayb gali doonto,walow uu shaley safiirka Dawlada talyaaniga sheegay in kulanka gooni u baxa ka dhici dhoono magaalada Mombaasa Xaafada Diana oo la sii kireeyey hotelka kulanka ka dhici doono.
dhamaad.
Abdi karim Aden Hussein
Nairobi,Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 9, 2003 

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD