Waxaa maanta aqalka madaxtooyada dalka kenya ka
dhacday xaflad lagu saxiixay heshiis cusub oo colaad joojin ah kaas oo la
magac baxay 29ka Jauary ee 2004, Waxaa kaloo munaasabadan lagusoo gaba
gabeeyay wajiga labaad ee shirka soomaalida kadib markii xalay heshiis buuxa
laga gaaray qodobkii xulashada xubnaha baarlamanka.
heshiiskaan ay maanta hogaamiyaasha somaliyeed wada
saxiixeen ayaan waxaa goob joog ka’ahaa Madaxweynaah Dalka Kenya Mwai Kipaki
iyo mash’uuliyiin sar sare oo socday Uruu goboleedka IGAD Iyo waliba beesha
Caalamka.
Markii ugu horaysay waxaa qalinka ku duugay colaad
joojinta Muusa suudi oo matalayay goalaha samata bixinta , waxaa ku xigay
Maxamed dheere oo ku saxiixay maamulkiisa Jawhar, kooxda SRRC waxaa u
saxiixay Sheekh Aden Madoobe, G8ka waxaa u saxiixay Maxamed Qanyare Afrax,
Puntland waxaa u saxiixay Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Dawladda kumeel
gaarka waxaa u saxiixay Raisul wasaare Maxamed Cabdi yuusuf, halka bulshada
rayidka ay u saxiixeen Shariif saalax, Caasha xaaji Cilmi iyo Jaamac maxamed
qaalib.
Hogaamiyayaasha oo maanta ay ka muuqatay farxad iyo
damaashaad waxaa ay sheegeen in ay ku dadaalayaan in ay halkan ku dhistaan
dawlad loo dhanyahay iyadoo ay dhabanada iska dhunkadeen hogaamiyayaasha mid
mid waxaana ka mid ahaa Muuse Suudi iyo Col Cabdulaahi Yuusuf oo is gacan
qaaday.
Kalonzo musyoka oo ah wasiirka arimaha dibada ee
Kenya ayaa manta isna halkaasi ka sheegay in xalay lagu heshiiyay in
baarlamanka ay soo xulaan TNG,Maamulada gobolada iyo dagmooyinka,SRRC,Samata
Bixinta, G8 iyo Bulshada Rayidka iyadoo ay ansixin doonaan odayaasha dhaqanka
ee shirku aqoonsanyahay.
Waxaa kaloo kalonzo uu sheegay in sabtida la ansixin
doono Axdiga federaalka kumeel gaarka ee soomaaliya si loogu gudbo wajiga
sadexaad ee awood qaybsiga oo baarlamanka ay beeluhu soo qaybsan doonaan mudo
30 maalin gudeheeda, kadibna loo gudbi doono qaybaha kale ee shirka
soomaalida.
Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo isna
xafladaas goob joog ka ahaa ayaa sheegay in hogaamiyayaashu ay dhamaystiraan
heshiiska ay gaareen oo meel dhexe ayna kaga tagin, isagoo sheegay in gobolka
ay danaynayaan xasilooni ka dhalata dalka soomaaliya.
Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com