SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Janaayo 29, 2004  

War-1-29-Janaayo,04,Nairobi,Kenya.
Sideed Hogaamiye oo Saxiixdey Heshiiska Qodobada Lagu Dhisayo Dawlada iyo Barlamaan Soomaali

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Hogaamiyayaasha Soomaalida ee ka qayb galaya shirka nabada ee haatan ka socda Dalka Kenya ayaa maanta waxaa munaasibda balaaran oo lagu soo afjarayey khilaafka hogaamiyayaasha Soomaalida lagu qabtey Guriga Madaxtooyada ee dawlada Kenya STATE HOUSE.

Qabashada Munaasibadan ayaa maalmo badan dib u dhacdey taasoo ugu wacney iyadoo la sugayey Madaxweynaha Dawlada UGANDA Yuweri Musaveni oo ah Guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ee sanadkan, dhan kale maalmihii ugu danbeeyey ayaa iyana hogaamiyayaasha Soomalida khilaaf soo kala dhex galey taasoo ku saabsaney hogaamiyaha saxiixaya iyo mid aan saxiixeen.

IGAD iyo Beesha Caalamka ayaa dadaal dheeri ka muujiyey isusoo dhowaanshaha fikradaha kala duwan ee hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida oo aad iyo aad u kala duwanaa.
maanta ayaa waxaa saxiixay hogaamiyayaasha Soomaalida ee kala ah:-
1-Cabdullaahi yuusuf Axmed .... Maamulka Gobolada Puntuland.
2-Muuse Suudi Yalaxoow ........ Golaha Samata bixinta.
3-Sheekh Aden Madoowe ........ SRRC.
4-Maxamed Cumar Xabeeb ....... Gobolka Shabeelada Dhexe.
5-Maxamed Qanyare Afrax ........ G-8.
6-Maxamed Cabdi Yuusuf ......... Dawlada KMG ee Cabdiqasim.
7-Shariif Saalax Axmed ............ Ururada Bulshada Rayidka.
8-caasho Cilmi Xaaji ............... Ururada Bulshada Rayidka.

Saxiixa maanta ayaa lagu heshiiyey Qadiyadii Sideeda ahaa ee lagu dhisayo Baarlamaan KMG iyo Dawlada Dimoqoraadi Federaal ah KMG.

Hogaamiyayaasha kale ee Soomaalida ayaa ka qayb galey xafladaasi oo saxiixa Goob joog ka ahaa, waxaa kaloo Goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawlada Kenya Mwai Kibaki, Wasiirada Arrimaha Dibada ee Dawladaha URU Goboleedka IGAD, Wakiilada Beesha Caalamka.

Hogaamiyayaasha Soomaalida ee ka qayb galaya ayaa maanta u ekeyd kulankii wada tashiga ee ka socdey Safari Park Hotey Muddo 20-maalmood ah.

Maanta ka dib ayaa shirka waxaa uu geli doonaa wajiga Seddexaad ee Awood Qaybsiga Qabiilada Soomaalida waloow aan si rasmi ah wali loo xirin Wajiga Labaad ee shirka oo qaatey Muddo sanad ah
marka laga reebo 14-bil oo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ka socdey Dalka Kenya.


Dhamaad.


Abdikarim Aden Huissein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 Faafin: SomaliTalk.com |Jan 29, 2004 

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

 

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD