SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2003
 SANADKII TAGAY IYO KAALINTA HAWEENKII KA QAYB QAATAY SHIRKA KENYA.

Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com

Sanad walbiba hoodo iyo ayaan leh,waa dhab in sanad walba uu leeyahay wax yaabo lagu soo xasuusto, dhib iyo dheef, farxad iyo naxdin.soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa allow sanadki tagay haraatidiina nadhaafi kan soo socdana hirtidiisa na mooti Aamiin.haatana aan usoo daadago ujeedada qoraalka.

Sida la wada ogyahay haweenku waa udub dhexaadka bulshada waana kuwo aan sinaba looga maarmin markay noqoto isku keenida bulsho kala luntay una baahan badbaadin iyo ka fakarid mustaqbalkooda dambe,waxaana intaa u dheeraa iyagoo dhibatooyin badan kala kulmay dagaaladii, dhibtaada ugu xooga badana ay ku dhacday walow dhibku uu wada saameeyay hadana si culus uu haweenku u taabanayay,sidaa si la mid ah ayay dhib ugu jiraan raadinta nabada.

Hadaba ilaa intii uu furmay shirka dib u u heshiisiinta soomaalida uga socda kenya haweenku waxay wadeen olole nabadeed iyagoo ka qaatay kaalin lama ilaawan ah soona gudbinayay fariimo iyo talooyin wax ku ool ah iyo sidii meel laysugu keeni lahaa dhamaan hogaamiyayaasha si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dambe ee dalkooda shirkuna u noqdo mid dhinac walba ka dhisan si loo gaaro xal nabadeed.

Haweenka soo gudbiyay talooyinka dhaxal gal ah sanadkii tagay ayaan qaar ka xusi doonaa waxyaabihii ay soo gudbiyeen iyo saamayntoodiba.

Maalin maalmaha ka mid ah intii uu socday shirka waxaa dhacay ansaxintii dastuurka federalka iyadoo xligaas ay dhacdayna ay nairobi ku sugnaayeen hogaamiyaal ka baxay shirka kana biyo diidsanaa qaabka uu u socday shirku,

Ayaan Xirsi Cali Ikraam Cali-kaar
Waa laba gabdhood oo Soomaali ah oo labaduba jooga qurbe, gaar ahaan Yurub. Hadaba akhri qoraalkii ay qortay Ikraam kana qortay Ayaan Guji....

HADALO AY YIRAAHDEEN LABADAN GABDHOOD:
Ayaan: waxay sheegtay in diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka".
Ikraam: waxay tiri "waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina faraha lagashay Diintii Ilaahey." [Tixraac...]

Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta.[ceynte]

»Ayaan Xirsi Mirihii ka Dhashay Dagaalka Sokeeye [Dhegocade]

Suxufinimada sanadkan, kaalinteeda 1aad, Ikraam Cali-Kaar [c/waxid]

Dadki soo jeediyay talooyinka wax ku oolka ah waxaa ka mid ahayd Caasho Xaaji Cilmi hadana ka mid ah shanta gabdhod ee ku jira liiska hogaamiyaasha ahna gabar leh damiir soomaalinimo,hadaladeedi waxaa ku jiray in ansaxinta dastuurka dib loo dhigo maadaama ay hotel ku yaal nairobi ku sugan yihiin siyaasiyiinti kale oo aan looga maarmin talada codsayna in la siiyo wax ku kooban maalmo,hadii aan loo tixgalinina ay iman karto dhibaato ka wayn mida hada jirta.hadaladaas oo ahaa kuwo dhaxal gal ah waxay isoo xasuusiyeen ama dad badanba oo maalintaas goob jooga ahaa ay ogaadeeen hadii la qaadan lahaa taladas caaha xaaji wax badani hagaagi lahaayeen arrimuhana fududaan lahaayeen maantana ay qaadatay isku keenidooda oo kaliya waa siyaasiyeentee mudo dhan afar bilood ilaa hadana aanan la haynin wax xal ah oo muuqda.

isla talo kale waxaa soo jeedisay Qamar Aadan oo ahayd gudoomiyaha mid ka mid ah lixdi gudi ee loo diray in ay soo diyaariyaan documtiyada,maalin laga hadlayay fereralka waxayna soo jedisay in soomaalida aanu xiligan ku wanaagsanayn in ay qaataan federaalka maadaama ay yihiin dad isku diin, luqad, dhaqan iyo afba ah ayna wanaagsan tahay in si fiican looga doodo waxa uu u keeni karo ummadda ka hor inta aan la ansaxinin,figradaas gabadha ayaa dhalisay buuq iyo in aan la siinin tixgalin loona gaystay aflagaado,iyadoo markaan dib ugu laabano nidaamkana uu yahay mid ay horay uga soo hadleen aqoon yahaniin siyaabo kala duwana uga hadlay taasna waxay ku tusinaysaa in mar walba ay haweenku soo gudbinayeen talooyin wax ku ool ah wax badana badali lahaa laakiin nasiib daro waxaa yaraa xil iska saaristooda.

Muuse suudi oo yimid maalin madasha shirka ayaa sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo dib u heshiisiin Axdigan uusan socon doonin hadii aan si dhab loo heshiinin doodi daxtuurka oo xiligaas socotayna iskaga soo baxay, waxaaana kursigiisi kusoo celisay caaasho xaaji iyadoo ka codasatay in waxa uu qabo uu ka sheegto madashada shirka si looga doodo, aqbladaas muuse ee gabadhu ay suurta galisay ayay dad badan uga mahad celiyeen sida ay ugu guuleysatay dadaalkeedaaas oo suurta galiyay in muuse soo laabto.

Dhamaan talaabooyinkaas waa kuwo bilow fiican u ah isku keenida dhinacyada hogaamiyaasha waxaana suurta galin kara haweenka inkastoo aan la wada amaani karin haweenka oo dhan hadana waxaa tusaale fiican u ah in haweenka dadaalkooda laga soo qaato gabdhahan aan ku xusay qoraalka aana dhihi karno waa kuwo ka dhex muuqday haweenka waana kuwa aan u doortay inaan ku xuso sanadkii tagay ilaa intii aan ku dhex jiray shirka soomaalida gaar ahaan dhinaca haweenka,balse ogow aqriste in ay jiri karaan haween kale oo muujiyay dadaalo fiican oo ku dayasho mudan.

ugu dambayntii waa muhim in tusaale loo soo qaato waxyaabihii uu la tagay sanadkii hore shar iyo kheyr taariiqda ayaan xusi doonta wax walba maadaama la yir taariiqdu ma diidi waxna ma doonto ee dantey dacalka haysaa hadaba si kan cusub looga gaashaanto waa in lagu dadaalo waxyaabaha wanaagsan,waxaan leeyahay dhamaan aqristayaasha sanad wacan oo wanaagsan,waxaan idiin rajyanyaa inaad ku gaartaan sanadkan kiisa kale bash basha barwaaqo, nabad, horuamar iyo cadaalad Aamiiiiiiiiiiiiiiiin..

Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 2, 2004

QORAALADII HORE EE CANAB MUMTAZ 

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]