Janaayo 31, 2004
Xarun
Ka Hortagta Argagixisada oo Laga Furay Nairobi
Faysal Ciise Saleebaan.
Nairobi, Kenya
faisalisse@yahoo.com
Waxaa Magaalada Nairobi ee Wadanka kenya laga furay xarun cusub oo loogu magac
daray Xarunta ka hortaga argagixisada .iyadoo madax looga dhigay taliyaha
amaanka qaranka iyo sirdoonka Kenya ee Michael Gichani .
furitaanta Xaruntaasi waxaa ka soo qayb galay madax ay ka mid ahaayeen wasiirka
ammaanka gudaha ee qaranka Dr Chris Murungaro oo sheegaay in ay guulo ka soo
hooyeen la dagaalanka argagixisada ,kadib markii ay ka hortageen weeraro la soo
abaabulay oo ay
argaixisadu la damacsanaayeen danaha reer galbeedka iyo daahfuridii waxa uu ku
tilmaamay janadii aragagixasa ee Mombasa. Dr Murungaaro waxa uu carrabka ku
adkeekey baahida loo qabo xeer argagixisada la dagaama oo laga anisixiyo
Wadanka kenya kaas oo ay kal hore aad uga qayliyeen muslimiinta ku dhaqan
Kenya.
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxuu sheegay in aanu xeerka noocaas ahi
diirada saaraynin bulsha gaara oo ka mid ah dad weyanaha Kenya ,isagoo intaa ku
daran in aysan cidna u qaadan in dadaalada ka hortaga argagixisadu ka dhan
yihiin. islamar ahaantaa wuxuu wasiirku si kulul u sheegay in argagixisada loo
fahmo sida ay tahay oo ah kuwo maskaxda ka buka oo aan wax xushmada u hayn
nolosha.
Wasiirka arimha dibadda ee wadanka Kenya Kalonzo musyoka oo isaguna ka hadalay
furitaanka xaruntan cusub ayaa rajo iyo saadaal wanaagsan ka muujiyey soo gaba
gabynta warbixintii sedexaad ee argagixisada ee kenya ,loogana fadhiyo inay
ugudbiso gudiga golaha amaanka ee qaramada midoobay ugu qaabilsan ka hortaga
argagixisada kaas oo uu sheegay in la soo gunaanadaoa dhawaan .
labada wasiirba waxay si wada jira u sheegeen in ay dawalada kenya ka
go'antahay kaalmo dhaqaale oo loogu deeqo xaruntan.
Ka sokow madaxda reer Kenya waxaa iyaguna ka soo qayb galay furitaanka xarunta
argagixisada ee nairobi danajirayaal iyo dublamaasiyiin reer galbeed ah.
Hadaba mar aan wax ka weydiiyey furitaanka xafladaas dad kala duwana xagga
diinta ,dhaqanka, aqoonta iyo heerka nolosha kana kala yimid gobalo kala fog
waxaa ii soo baxday in ay ku kala duwanaayeen arigtida ku aadan xarunta ka
hortaga argagixisada laakiin waxaad moodaysay in badan oo ka mid ah dadkaas
ay isku waafaqsanaayeen ka soo horjeedka xeer argagixisada khuseeya oo la
hirgaliyo , kaas oo ay ku tilmaameen in uu beegsan karo bulshooyin gaara oo lagu
wax yeeleeyo xoriyadooda.
Wadanka Kenya waxaa ka dhacay filico argagixiso 7 August 1988 markii weerar lagu
qaaaday safaaradii maraykanka ee magaalda xarunta u ah Kenya ee Nairobi oo ay
ku naf waayen in kabadan 200 qof oo ubadan muwaadiniin kenyan ah waxaana ku
jiray dadka goobtaas ku qudhbaxay12 ruux oo maraykan ah ,markale ayaa weerar
argagixiso lagu qaaday
28 november, 2002 hotel ku yaala Mombasa iyadoo isla
maalintaas la isku dayey laguna guul dareystay in dhulka la soo dhigo diyaarad
ay lahayd Israel oo ka haadaysay garoonka diyaarada ee Moi International
Airport.
| Kalluumaysatadii Soomaalida iyo
Pakistan-ka ahaa oo lasiideynayo, ayadoo kenya cadaysay in aysan wax
lug ah kulahayn Qaraxii Mombasa
December 15, 2002 |
Ururka Al-qaacida ayaa qirtay in ay
qirtay
xubno ka tirsan fuliyeen weeraradaas.
Dawlada kenya ayaa mar walba sheegta in Soomaaliya laga soo abaabulo weerarada
argagixiso ee laga fuliyo wadankeeda , dabayaaqadii kal hore waxaa Soomaalida
wadanka kenya gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Garissa ee waqooyi bari ee
kenya ka caraysiiyey joogi taanka ciidamo maraykana ah oo barnaamij daaweyn ah
ka waday aagaas igagoo su'aalo ka keenaya sababta loo la soo doonta barnaamijkan
daaweynta iyaga ayadoo la ogsoon yahay in malaayiin Kenya ay cudur kula il daran
yihiin gobalada kale ee wadanka kenya.
Faysal Ciise Saleebaan.
Nairobi, Kenya
faisalisse@yahoo.com
MAGAC WEYN IYO MASKAX WEYD AH !!!!!!!!!! DAD DHISA
DABEEDNA DAWLAD:
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004
Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog
Macquul ah
Guji..
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|