SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 Wareysi Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee jabuuti.

Cali Cabdi Faarax

"Ciyaartii Waa ay Dhammaatay"

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jabuuti Mudane Cali Cabdi Faarax ayaa waxaa uu waraysi siiyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo kamid ah suxufiyiinta ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee ay ka socdaan wada hadalada soomaaliyeed, waxaana waraysigu uu u dhacay sidatan:


suaal:- adiga iyo wasiirka arrimha dibada dawlada kenya maxaa ugu waaweynaa arrimiha shirka aad kawada hadasheen ?

jawaab :-shirka waa caadigiisa wax waliba sidii loogu tala galey bay u dhici doonaan, 8-da (bisha) Madaxweynaha Ugando ,ahna gudoomiyaha IGAD wuu iman, waxa uu la shiri doonaa hogamiyayaasha siyaasada soomalida , wada tashi la yeelan doona ,ka bacdi sagaalka waxaa dhici kulanka 9-aalka.

suaal:-kullanka wasiirada iyo hogaamiyaasha ee wada tashiga kulanka ka hor cidii ka soo qayb gali waydo maxaa qorshe ah ama talaabo noocee ayaa la qaadi doonaa?

jawaab:-waa nasiib daro ,waa arrin soomaaliyeed waxaa laga hadlayaa, Ummada soomaaliyeed oo calankeedii dhacay in boorla laga hurgufo, oo karaamada ummada soomaaliyeed dib loogu soo celiyo, waa nasiib darro dad leh masuuliyiin soomaaliyeed baa nahay in la baryo oo qadiyadoodii tii ummadaooda saameyneysay, tii ummadooda mustaqbalkooda soo celineysay in loo baryo waa wax laga yaq-yaqsado, koleyse in la daawan karo waa la daawadey rag iyaga is doortey ,waxay ka dhigteen keyk weyn ama doolshaha weyn oo la sameeyo caruusyada ,xafladaha iyo maalmaha ciida ah oo qof waliba in yaha uu goostey, international cammunity way ku daawatey, waa laga daaley rag leh masuuliyiin baanu nahay, ummadii soomaaalidana sidaa ugu ciyaraya ,oo nin waliba in yar goostay, iska yaaba oo xishooda ayaan leeyahay oo damiir yeesha ,koleyba cidii iman weyd oo leh intaa baan heystaa waan heysanaa koley waxwaliba waqti ay lee yihiin,qaraar waa laga qaadan, beesha caalamka iyo golaha amaanka ciyaarta waa ay dhamaaatey.


Ridwaan Xaaji oo Waraysanaya Wasiirka Arimaah dibada Jabuuti

suaal:-marka aad eegto hogaamiyayaasha ku sugan shirka qaar waxay eedeynayaa dawlada jabuuti adiga aragtidaada sidee kula tahay ?

jawaab:-anagu cid jabuuti tiri ma aanan maqal, ninkii wax sheegaya si cad in uu u hadlo weeye,Jabuuti jabuuti ayaa la yiraa dawlado lama yiraahdo, haddaba waxaa u jabaabeynaa qofka si cad magac baan lee nahay umad magac leh oo qaran baanu nahay magacayaga inta uu sheego waxna naga sheegto waan u jawaabeynaa ,laakiin ninka is qarinaya waxna doonaya in uu yiraahdo dhulkalana soomar maraya jawaab ma istaahilo ayaanu lee nahay,markaa waxba uma jawabno,waxaa kaloo nasiib darro ah oon la yaabo ama wax lala yaabaa ay tahay wax kale nama wadaane waxaa na wada dad jaceyl oo dadkaa soomaali aan wadaagno dhiig iyo af aan wadaagno ayaan anagu daba ordeynaa,cid kasta uga weycan meyno magacuu doonaya ha lahaado ama magacuu doonya hala yiraahdo,anagu umada soomaaliyeed danteeda iyo mustaqbalkeeda iyo karaamadeeda jeebada ama jeebtuuga rabta in ay ku ridato ma hishiineyno meel walba ka xishoonmeyno meelwaba waaan ku jiireynaa ,halkana waan ku jiireynaa .

suaal:-maadama uu socdo shirkan muddo sanad ka badan rajada aad ka qabto muxuu yahay ?

jawaab:-aniga haddii an ahey wasiirka arrimha dibada jabuuti waxaanu jecelnahay qadiyada soomalida cid waliba ka lee yahay waayo qadiyadeedii dhiig shaley daadanaya ,maantan daadan doona haddii mustaqbalka goaan la gaari waayo berri daadan doona waa dhiigeygii qofwalba wuxuu doonayaa ha ku hadlo dad ugama aamuseyno cidna uguma hareyno,haddii dadka qaarkood shirka u dhamaada waxa la doonaya waa qaranimo Ummada iyo Dawlad soomaaliyeed oo dalka ka wada shaqeysa oo maanta qof waliba qarar yar buu heystaa ,gurubadan laysku geegeeyo ma aha ,haddii dee ay run tahay talada aan geeyney waa taa,shaley aan jeedinay maantana aan jeedineynaa waa taa ,berrina aan jeedineynaa waa taa qofka kaligii uun waxaan baan ahey madaxweyne soomaaliyeed igu dul dara dee naf ma noqaneyso anaga waxa nahay,ninka soomaliyeed ee masuul ka ah ,ciduu u yahay waa reerkiisa haddii u badan yahay ama dhul yar buu heystaa dee tani qaran laguma sameyn karo, soomaali oo dhan ha isku timaado, soomaali iyada ha doorato madaxweyne,oo nin waliba in yar buu heystaa oo isku kaalaya dawlada halkaan lagu dhisaa ha noqoto,mid soomaaliya ka shaqeysa oo qaranka soo celin kartaa taa baan lee nahay cid ugama aamuseyno cidna uga foorarsan meyno,waa lee nahay waqti waliba rajada mar waan lee nahay on qaranimada soomaaliya dib u soo kacdo in kastoo maanta la kala had-hadlayo berito waa la isku imanayaa, raga damiir bey yeelanayaan oo aniga iyo aniga way iska dhaaafi doonaaan ee danta guud ayey ka hadlayaaan.

suaal:-ugu danbeytii maxaad u soo jeedineysaa hogaamiyayaasha soomaalida ?

Jawaab :-kuwa jooga jooga ayaan lee yahay ,kuwa maqan imaada ayaan lee yahay.


dhamaad.

Waxaa waraysiga qaaday

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji@yahoo.com 

7/1/2004

Waxaana waraysiga soo tebiyey abdikarim hussein   abdikarimhussein@hotmail.com

 SomaliTalk.com | Jan 7, 2004 |  

Ali Abdi Farah Djibouti Foreign Minister

 

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD