|
Socdaalkii Hadraawi ee Umeå, Sweden
Hargeysa Online: -Waxaa dabayaaqadii bisha December nagu soo booqday magaalada
Umeå oo ku
taala waqooyiga dalka Sweden, abwaanka soomaaliyeed ee caanka ah Maxamed
Ibraahim Warsame
(Hadraawi).
Hadraawi oo booqashadiisani la xidhiidho socdaalkiisii wacyigelinta, waxaa
magaalada Umeå
loogu soo dhaweeyay si weyn oo dadweynaha soomaaliyeed ee halkaas degani aanay u
kala
hadhin. Saddexdaas habeen ee uu Abwaan Hadraawi nala joogay wuxuu halkaas ka
jeediyay
saddex muxaadaro, mid dumarka u gaar ahayd iyo laba ragga u gaar ahaa.
Muxaadarada koowaad, oo ku saabsanayd beelaha la hayb sooco (Midgaha, Tumaasha,
Yibraha,
iyo i.w.m) waxaa abwaanka hortii halkaas ka hadlay Axmed Maxamed Muuse (Daakir),
Gudoomiyaha U S R. (United Somali Roots) oo ka sheekeeyay cadaadiska soo
jireenka ah ee
lagu hayo dadkaas soomaaliyeed ee aan waxba kaga duwanayn walaalahooda kale.
Daakir waxa
kale oo uu halkaas ka xusay in Hadraawi yahay ninkii soomaaliyeed ee ugu
horeeyay ee dood
ka fura quudhsiga lagu hayo beelahaas soomaaliyed.
Hadraawi waxa uu hadalkiisii ku bilaabay in musiibada soomaalida haysataa aanay
meel kale
ka socon ee ay la xidhiidho takoorkaa ay walaalahood ku hayaan, ilaa ay arintaas
wax ka
qabtaana aanay dhibaatada soomaalidu dhamaanayn. Hadraawi isaga oo ka
sheekaynaya sababta
loo yaso beelahaas soomaaliyeed waxa uu sheegay in aanay jirin wax raad ah oo
taariikhda
laga helayo oo tilmaamaya ama ka sheekaynaya arintaas laakiin uu isagu u
malaynaayo in
beelahaasi ay berigii hore ahaayeen beelo xoog badan oo boqortooyo ah, maadaama
ay
farsamada gacanta ay ku keliyaysteena (samaynta hubka, midiyaha, gudinta, kabaha
iwm) ay
sidaa ku guumaysan jireen (ku yasi jireen) soomaalida inteeda kale, waayo
soomaalida kale
waxay ahaayeen xoolodhaqato aan xataa middida ay xoolaha ku gawracdaan samaysan
karin.
Berigii dambe markii laga xoog roonaaday beelahaasna (midgaan, Yibir, Tumal iwm)
waxaa
dhacday in wixii ay soomaalida kale ku guumaysan jireen iyagii lagu gumaysto (oo
gun lagu
sheego). Hadraawi waxa uu sheegay in aragtidiisan ay ka markhaati kacayaan
magacyo badan
oo la yidhaahdo meelo dhulka soomaaliyeed ka mid ah.
Muxaadaradaasi oo ahayd mid soomaalida lagu dareensiinayo dhibaatada ay arintani
leedahay
iyo baahida loo qabo in laga hadlo oo laga doodo oo la faafiyo, markii ay
dhamaatay waxa
dadkii halkaas joogay ay dhamaantood isla qireen in ay xaqdaro tahay yasida lagu
hayo
beelahaas soomaaliyeed, loona bahan in wax laga bedelo.
Muxaadarada labaad, waxa ay ku saabsanayd socdaalkii uu Hadraawi ku soo maray
dhulka
soomaalidu degto ( Somaliland, Somalia iyo Djibouti). Abwaanku waxa uu ku
adkeeyay in
socdaaladiisa aanay ujeedo kale ka dambayn aan ka ahayn xoojinta nabada iyo
wacyigelinta
dadka iyo isaga oo ilaashanaya shacbiyadiisa iyo taageerayaashiisa. Abwaanku
waxa uu
sheegay in markii uu Ingiriiska, oo uu mudo degannaa, ka noqday, uu socdaalkiisa
ka
bilaabay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ku qabtay baraamijyo kala duwan
Jaamacada
Hargeysa, Hotel Maansoor iyo Hotel Ambassador. Ka dibna uu u sii gudbay
magaalada Gebilay
iyo magaalada Boorama. Markii uu Hargeysa ku soo laabtayna uu halkii ka si waday
baraamijyadii. Intaa ka dib waxa uu abwaanku u sii gudbay magaalada Burco isaga
oo uga sii
talaabay xagaa iyo magaalada Ceerigaabo. Ceerigaabo-na uu uga sii gudbay ilaa
magaalada
Berbera isaga oo dhinaca xeebta maray. Markii uu Somaliland dhameeyay waxa
abwaanku uu u
gudbay Djibouti halkaas oo uu uga tii gudbay koonfurta soomaaliya. Dadka
badankoodu way ka
dharagsanaayeen socdaalka Hadraawi ku soo maray koonfurta soomaaliya laakiin
waxa
badankooda war cusub ku ahaa socdaalka Hadraawi uu ku soo dhexmaray Somaliland
gudaheeda.
Hadraawi isaga oo ka hadlaaya dhibaatooyinka soomaalida haysata maanta kuwa ugu
waaweyn,
waxa uu sheegay in dadka kalsoonidii ka dhimatay, oo dadkii dibada uun wax ka
sugayaan. Ha
ahaato iyaga oo somalida qurbaha jooga talo iyo waxqabad ku tuhmaya ama iyagoo
nin cad
kaalmo iyo waxqabad ka sugayaba, laakiin aanay isu haysan inay yihiin dad iyagu
waxqabsan
kara oo xal u heli kara dhibaatooyinka haysta.
Shaqo la’aanta ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu waayen ee dadka haysta. Iyada
oo shaqo
la’aantaasi jirto ayaa haddana waxa shaqooyinkii yaraa ee dalka ka jiray
cidhiidhi geliyay
oo soomaalidii suuqa ka saaray dad tiro badan oo ka yimi wadanka Ethiopia ,
kuwaas oo
marwalba diyaar u ah inay ku shaqeeyaan sicir ka jaban ka soomaaligu ku
shaqaynayo.
Dhibaatadaasi waxay si gaar ah u saamaysaa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Qaadka ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dadka haysta. Abwaanku waxa
uu ka
sheekeeyay sababta uu isaga joojiyay cunida qaadka, waxaanu yidhi markaan arkay
dhibaatada qaadka, dadkiina aanan ka wacdiyi karahayn in ay joojiyaan cunida
qaadka
maadaama anigiiba aan cunayo ,ayaan go’aansaday horta anigu inaan iska joojiyo.
Abwaanku waxa uu ka hadlay arimo kale oo badan oo ay ka mid ahaayeen
dhibaatooyinka la soo
darsa qoysaska soomaaliyeed ee qurbaha degen iyo sidii looga gudbi laha
dhibatooyinkaas.
Ka dib markii dhawr su’aalood la weydiiyay waxa abwaanku uu ku soo khatimay
hadalkiisii in
uu halkaas ka akhriyo mid ka mid ah gabayadiisa dambe ”Rag Siyaasi wada noqoay”.
Kullanka saddexaad waxa uu abwaanku la yeeshay dumarka soomaaliyeed ee degen
magaalada
Umeå, kulankaas oo aan ragga u furnayn wixii lagaga wada hadlay kama warhayno.
Cabdirisaaq X. Cali Cadib
Tafatiraha Hargeysa Online
Maamulka Hargeysa
Online
contact@hargeysa.org
SomaliTalk.com | Jan 7, 2004 |
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|