SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN

SOMALILAND OO IS DANQAYSA BOOGTII GUDAHA IYO DIBADDA

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Jan 8, 2004

 

shucuubta degen gobolada woqooyigalbeed,togdheer,iyo saaxil oo hadhsada Dawlad lamagacbaxday "SOMALILAND"waxaa ay horay uga tirsadeen soomalida ku nool qaarkamida goboladii soomaaliya sida "Bari,somalida galbeed,gedo,shabeelooyinka qaarkood,ssool iyo sanaag,

in iyakoo adeegsanaya jiritaankii dawladii soomaaliyeed ee madaxweyne alle hawnaxariistee maxamed siyaad barre ay si naxariis daro ah ugu tunteen xuquuq ay lahaayeen,

1991 ayay u qaoonsadeeen shacbigaasi sanad ay la soo noqdeen xornimo 1960 kii ka marin habawday.

waxaa ay marar kala duwan si xiisadleh ugu dabaldageen xornimadaasi,markasta oo uu dabaldagga caynkaas ahi dhacayo,waxaa ay madax dhaqameedyada iyo masuuliyiinta dawladuba qudbadaha ay ka jeedinayaan ku cabiraayeen in ay bogsatay boogtii ay dhaawaceeda lahaayeen shacabka soomaaliyeed ee gobolada kabaxsan "saaxil,Togdheer,iyo woqooyi galbeed,"

waxaa haatan ay biyo kaga burqadeen dalka gudihiisa,waxaa ay kaloo biyo kaga soo fateheen dalka dibadiisa taasoo aad u danqaysa boogtaas ay dhaymadeeda u xayd xayteen,

waa dhanka guda ha ee.

waxaa dhowaan soo baxay arin naxdin iyo argagax aan lasookoobi karin ku dhalisay shacabka iyo siyaasiyiinta dalkaasi ,kadib markii uu wasiir sare oo karirsan xukumada somaaliland shaaca ka qaaday in gudoomiyihii hore ee ururkii hubaysna ee SNM Mujaahid Axmad maxamad maxamud"siilaanyo"ahna haatanGudoomiyaha xisbiga awoodda balaaran ee mucaaradka ah ee KULMIYE uu shirqool aan naxariislahayn ku dilay labanin oo dadka dalkaasi degen u ah labanin oo "MUQADAS"ah

beerkoodana si aan la qiyaasi karin u dhex jiifa,labadaas nin oo kala ahaa,

1-colenel cabdulqaadir Koosaar.

2-colenel AXMAD SHIINE

alle hawnaxariistee Colenel Cabdulqadir Koosaar oo ahaa gudoomiyihii SNM,waxaa u rag u koosaar ka kow yahay ay mudane Axmad siilaanyo Uga yeedheen sanadkii 1985 tii dalka ingiriiska oo u markaas baxsad kujoogay,waxaa ayna ka codsadeen maadaamo u markaas ahaa ninka kali ah ee aadka ugu dhundaloolay siyaasadaha madaxweyne siyaad bare muddo 13 sano maadaamo u wasiir u ahaa,oo beeshaasi kadhashay uu u yimaado Hogaamiyana u noqdo,iyakoo u arkay in koosaar askari fiicanyahay balse loo baahanyahay siyaasi ruug caddaa ah oo la jaanqaadi kara siyaasadaha madaxweyne BARRE,halkaasi oo u colenel koosaar ku wareejiyay jagadii shir lagu qabtay magaalada jigjiga ka dib.

hayeeshee colaad xoogleh oo sookala dhex gashay siilanyo iyo gudoomiye ku xigeenkiisii Cali Cosobleh "CALI WARDHIIGLAY" iyadoo ay aloosantahay ayaa waxaa koosaar loodiray gobolka mustaxiil si u usoodajiyo beelaha hawiye ee taageersan wardhiiglay laguna soo qanciyo in aysan colada wardhiiglay iyo siilaanyo darteen uga bixin ururka SNM,

hawlgalkaas isgoo ku jira ayaa latoogtay koosaar,waxaana loo aaneeyay markaas laba arimood.

1-in madaxweyne siyaad barre rag soo diray halkaasna lagu dilay

2-waxaa kaloo lays tusay in cali wardhiiglay iyo maxamed faarax xalane oo markaas ahaa wasiirka gaashaandhigga ee ururkii SSDF ay dilkaas ka danbeeyeen,

ninka labaad waxaa u ahaa wasiirkii gaashaandhigga ee SNM AXMAD SHIINE o isna lagudilay magaalada jigjiga,isgoo habeen soo qayilay ayaa majliskii uu kasoo kacay mel u dhow luuq loo galay sideed xabadoodna dhinaca bidix lagaga dhuftay,illaa haatan meel loo aaneeyo oo aan ahayn maamulkii magalada hargaysa aan ka hayn ma muqanin.

waxaa u markaasi taliyihii ciidanka nabadsugida ee ethiopia GEneral Asafe amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lasameeyo .

hayeeshee waxaa markaas si ku meel gaar ah u joojiyay gudoomiyhii snm AXmad siilaanyo,waxaa uu joojintaas sabab uga dhigay maadaama lagu jiray degaal la rabay in hawshiisa ladedejiyo,

waxaana uu siilaanyo ku gabagabeeyay dilka ragaasi in uu siyaad barre ka danbeeyay.

haatan ayaaa waxaa magaalooyinka somaliland hadheeyay war isasoo taraya oo sheegaya in siilaanyo dilkaasi abaabulay,

qoyskii u ka dhshay alle hawnaxariistee cabdulqaadir koosaar ayaa waxaa ay haatan mudo ku siiyeen dowlada riyaale in ay ku soo acdeeyaan warkan ay ugu eedaynayaan siilaanyo,iyadoo ay gabar uu dhalay mujaahid koosaar sheegtay in si maxkamad loo furo arinka dawladu war cad kakeento,inkastoo ay gabadha lafteedu u muqatay in dawlada ku eedaynayso warkaasi iyadoo leh"waxaa ay dawladu doonaysaa in ay aabeheed ku gabato,oo rag ay doonayso in ay shaadhkooda wasaqaso aabaheed dhiigiisii la marmarinaayo.

si kastaba ha ahaatee taasi waxaa ay shacabka soomalilan ku noqotay boogtii guadaha ee ladhayay oo marlabaad la danqaayo,taasoo aan muuqanin sabab illaa xadkaas gaarsiisan oo ay dawladu dadka dacarta noocaas ah ugu kiciso.

dhinaca kale dibada ayaad moodaa in boog kale oo laysmoodsiiyay in ay bogsatay marlabaad danqatay ,kadib markii gobolada sool oo ay somaaliland u taqanno"bariga somaliland"ay colaadi kasoo naasacadaatay,

ragga ugu cad cad ee haatan colaaddaasi buunbuuninaaya ayaa kala ah.

1-colenel cabdulaahi yusuf oo ay saraakiisha somaliland ku eedaynayaan in uu doonaayo in u wiiqo aqoonsiga ay caalamka ka doonaayaan oo ay u arkaan in aqoonsi lasiiyo uu ku xiranyahay oo kaliya nabad galyada dalkaasi oo si buuxa loosugo,

2-axmad siilaanyo, oo isnna ay waligood xataa xiligii ay kala xukumijireen labadii xisbi ee hubaysnaa ee SSDF iyo SNM ay aad isaga soo horjeedeen iyadoo midba kan kale halgaad la gaadaaay.

3.-Fu,aad aadan Cadde"Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reermiyiga" oo dhanka siyaasada soomaaliya ka ah "lama yaqaan luqun madaw"balse aad moodidi in uu haatan doonaayo in uu si gaara uga dhexmuuqdo siyaasada(waxaa jagadan xiligii siyaad barre hayn jiray adeerkiis oo ahaa ina jaamac jangali).

4-Axmad Maxamed Aadan (QAYBE)Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

oo laf ahaantiisa aansi aad u sii ridan looga aqoonin soomaaliya,

balse haatan aad loogu tuhnsanyahay is u doonaayo in uu beeleha somaliland isku baraayo siyaalo kala duwan,

waxaa mdane qaybe hadda ka hor kala noqday kalsoonidii uu horay u siiyay Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Mudane Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac

XAGAR YARE

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk.com | Jan 8, 2004 |

 QORAALADII HORE EE XAGARYARE



XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD