SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
 Mijailo Mijailovic oo qirtay dilkii wasiiraddii arimaha dibada Sweden


Nin dhalinyar oo shan iyo kabaatan jir ah in dhawaalana loo heystay inuu ka danbeeyey dilkii wasiiradii arimaha dibada Sweden ee geeriyootay Anna Lindh, ayaa waxaa uu qirtay inuu isaga ka danbeeyey dilkii wasiiradda. Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Mijailo Mijailovic ayaa maalintii isniintii waxa uu u qirtay qareenkiisa oo u sheegay in dilkii uu geystay wasiiraddu aanu aheyn mid ku lug leh arin siyaasadeed.

Xeer ilaaliyaha maxkadamadda sare ee Stockholm ayaa sheegay maanta oo arbaca ah inuusan wax tafaasiil ah ka bixin karin qirashada uu qirtay gacan ku dhiiglihii lug tuhunsanaa dilkii wasiirada, balse waxa uu sheegay in toddobaadkan la soo bandhigi doono. Iyadoo dhamaan markale la gudo geli doono cadeymihii ay booliska hayeen ee la xirriiray dilkii wasiiradii geeriyootay ee Anna Lindh.
Bishii september ee sanadkii hore markii ninkan 25 jirka ah gacanta lugu dhigay, ayaa tan wixii ka danbeeyey waqtigaasi waxaa uu dafirayey inuu wax lug ah ku leeyahay dilkii wasiiradda. Iyadoo meeshan aysan ka marmeyn cadeymihii booliska iyo xeer ilaaliyaha ay keenayeen taaso muujineysa in ninkaasi geystay dilkii wasiiradda.

Waxaana ay arintani kaliftay in muddo dheer ku qaadato booliska denbi baarista xaqiiqda ku saabsan dilkii wasiirada, ugu danbeyntiina waxaa ay keentay in dhiiga loo yaqaan DNA-ga ay ka qaadaan ninkaasi laheystay una diraan sheybaar ku yaala dalka Ingiriiska oo lugu baaro denbiyada waa weyn, si loo soo cadeeyey dhiigagii laga qaaday wasiirada iyo ninkasasi. Jawaabtii laga filaayey sheybaarka ayaa noqotay mid aan xaqiiqda diirka ka qaadin oo shaki ka bixisay.

Qirashada uu gacan ku dhiiglahan qirtay inuu ka danbeeyey dilkii wasiiradii arimaha dibadda ayaa waxey booliska iyo guud ahaan dalka oo dhan ku noqotay arin kedis ah oo aan la sugeynin.
Booliska iyo xeer ilaaliyaha gobolka ayaan iyagu wax tafaafiil ah ka bixin arintan qirashada ah. Balse toddobaadkan gudihiisa ayaa haddii Alla idmo si rasmi ah shaaca looga qaadayaa warbixin ku saabsan arintaasi.
Afar iyo tobanka bishan janaayo ee aanu ku jirno ayaa maxkamad lasoo tagayaa gacan ku dhiiglahan isagu ka danbeeyey dilkii wasiiradda Arimaha Dibada ee Anna Lindh. Sida uu maanta sheegay xeer ilaaliyaha maxkamada Stockholm isagoo maanta u waramayey warfidiyeenada.

Anna Lindh ayaa ninkan oo aan la garaneyn sababtii uu ku weeraray waxaa mindi caloosha ka geliyey 10- september sanadkii ina dhaafay goor galabnimo ah iyadoo ka adeeganeysay dukaan ku yaala bartamaha magaalada Stockholm ee caasimada dalkan Sweden. Anna waxaa lugu waday maalintii mindidu ku dhaceysay iney ka qeybgasho barnaamij dood ah oo ku saabsan u diyaar garowgii doorashooyinkii dalka ka dhacay ee ku saabsanaa codbixnta qaadashada lacagta EURO-da ee telefeyshinka channel 4-ka soo diyaariyey dalkana si weyn ugu diyaar garoobayey.
Anna Lindh ayaa kahor intii aysan dhiman waxaa ay dhinaceeda kaga jiray da daal xoog leh oo ay ku dooneysay in dadku u codeeyaan qaadasha lacagta lacagaatis ee alka looga dareeray sanadkii ina dhaafay. Nasiib darrase Anna Lindh waxey maalintii taariikhdu aheyd 11 septermber ee sanadkii hore u geeriyootay dhaawacii kasooo ka soo gaaray mindida caloosha looga dhiftay.
Sidoo kale Anna Lindh waxey noqotay siyaasigii labaad ee ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee Socila- demokraat-ka ee lugu dillo goob waddo ah oo dadku badnaayeen.
Ra'iisal wasaarihii hore ee dalkan Olof Palme ayaa sanadkii 1986-dii, ayaa lugu dilay meel aan sidaasi ugu dheereyn goobtii lugu dilay wasiiradii geeriyootay ee Anna Lindh.

Wixii ka danbeeyey dilkii ra'iisal wasaarihii hore ee dalkan waxaa xukuumadda Sweden ilaa waqtigan xaadirka ah u suuragelin iney gacanta ku soo dhigto cidii dishay ra'iisal wasaarihii hore ee Olof Palme.
Hase ahaatee talaabadan ay horey u qaadeen denbibaarista dalkan Sweden ayaa noqotay guul weyn oo ay gaareen iyadoo ilaa hadda dalkan Sweden lugu tiriyo dal degen oo siyaasadiisa qunyar socod ah oo wax kasta cago jiidmaan.




Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden 
ikraam@journalist.com 

SomaliTalk.com | Jan 8, 2004


 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD