Portland – Maine. Gobolka Maine oo ku yaala cirifka bari ee waddanka
Mareykanka wuxuu kamid yahay gobollada eey Somalidu ku soo badaneysay
waayahan danbe. Markii ugu horeysa ee aan tagay, waxaan isweydiiyey: Tolow
yaa markii ugu horeeysay soo sahmiyey in Somali eey halkan ku noolaan karto?
Maine waa gobol yar oo aan sidaas uga dhex muuqan qaarad weynta Mareykanka,
wallow uusan baaxad ahaan yareyn. Somali meesheey ku badataba dheef lagu
sheegyee, Somalida Maine oo u badan qoysas wexeey helaan taageero dowladeed
oo dhinac u ridda. Waxbarashada gobolkuna waa mid loogu xilan karo.
Waagii kowda bisha kowbaad ee sanadkan cusub
waxaan kula kowsaday magaalda Portland ee gobolka Maine. Intii aananba meel
kale ku leexan, waxaan ku hormaray xarunta Radio-ga WMPG ama Waaberi radio oo
eey Somalidu saacado hawada ku leeyihiin. Radio-gani waxaa laga dhageystaa
hirarka FM-ka iyo AM-kaba. Sidoo kale, marka uu hawada ku jiro waxaa lagala
saanqaadi karaa lingaxdooda shabakada caalamiga ah ee Internetka oo
cinwaankeedu yahay
www.wmpg.org. Radio-gan waxaa iska leh Jaamacadda UMS ee Portland.
Somalidu wexeey soo galaan maalin kasta oo khamiis ah, saacadda bariga
Mareykanka markeey tahay 10:30 subaxnimo iyagoo muddo saacad iyo bar ah
hawada buuxiya. Wariyaha Somaliyeed ee Radio-gaas, Mr. Saadaq Ayanle ayaa
kamid ah Somalidii ugu horeysay ee soo daga Maine ku dhawaad 10 sano kahor.
“Dhowr qoys ayaan ku daganeyn Maine markii aan nimid “ ayuu yiri, isagoo ku
qiyaasay Somalida gobolku ineey hadda gaarayaa ilaa iyo 5000 (shan kun) amaba
xitaa 6000 (Lix kun). Walow uusan tirakoob rasmi ah jirin, haddana Somalidu
wexeey ku badan yihiin Portland iyo Lewiston oo ah labada magaalo ee
gobolkaba ugu weyn. Mudada uu Radio-gani hawada ku jiro, wuxuu soo daayaa
wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo kuwa caalamkaba, iyagoo wariyayaashu
eey si toos ah wararkaas uga soo daabacdaan bogagga Internet-yada Somalida.
Maadaama eey yihiin kuwa si bilaash ah oo iskaa wax u qabsa ah wax ugu
qabanaya umadooda, wexeey dhalinyaradani isku dayaan ineey sida ugu sahlan ku
soo helaan wararkii ugu danbeeyey. Sidoo kale, waxaa raadiyaha ka baxa heeso
Somali ah oo intii aan joogay eey soo dalbadeen dhageystayaasha Somaliyeed ee
Maine oo aad moodo ineey si gaar ah ugu xiran yihiin raadiyahooda. Riwaayado
iyo majaajilooyin ayaa iyana si taxane ah uga baxa radiyaha. Markii aan ka
dhaqaaqay xarunta radiyaha waxeey dhagaheygu u bogayeen radio Somali ku
hadlaya oo ka shidan gaarigii aan saarnaa. Intaas kaliya kuma ekaane, markii
aan tagay gurigii aan u socdayna, isla idaacadii oo maqal kaliya ah ayaa ka
dhawaaqeysay taleefishinka kanaaladiisa gudaha (local) ah! Maalintii aan
tagay, waxaa Saadaq barnaamijka la daadihiniyey wiil dhalinyaro ah oo C/lahi
Yare la yiraahdo oo maraan sidaas u fogeyn loo tababaray inuu howsha radiyaha
qabto. Isla dhalinyaradan ayaa sidoo kale ka shaqeeya taleefishinka Somalida
oo isna dhowr goor todobaadkiiba soo gala.
Sida uu Saadaq ii sheegay, sida caadada ahba, dhowr
xafiis jaaliyadeed ayaa u furan Somalida tirada yar ee Maine. Nasiib xumo,
hal jaaliyad oo Somalidu ku mideysan tahay kama jiro Maine, sida uusanba meel
kale – inta aan ka warhayo – uga jirin. Qoysas-ka Somalida ah intooda badan
wexeey ka soo guureen magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, wexeeyna dowladda
ka helaan taageero dhanka guryaha ah iyo waliba mid dhaqaale oo u badan
kaararka cuntada lagu iibsado. Maine dhan hadii laga eego, waa meel la dhihi
karo weey deggan tahay oo caruur korsi ku fiican, marka loo barbardhigo
Minneapolis, Atlanta iyo Columbus oo kale. Falalka danbiyadu aad beey ugu yar
yihiin guud ahaan gobolka, taas oo tub toosan u horseedi karta caruurta soo
koreysa. Dhanka kale marka laga eego, Maine waa meel eey Somalidu qeyb ahaan
joogitaankeeda usoo jihaadeen. Sanad kahor ayeey aheyd markii uu duqa
magaalda Lewiston ee gobolka Maine uu lahaa Somalidu meelihii eey ka
yimaadeen haku laabtaan. Iskaba daa ineey ka joogsadaane, tirakoob madax
banaan ayaa tibaaxaya in Somalidu soo laba jibaarmeen tan iyo intii uu duqa
magaalada Lewiston hadalkaas yiri. Todobaad kadib ayeey Somalida iyo ururo u
dooda xuquuqda beni-aadamku u dabaal dagi doonaan sanad-guuradii koobaad ee
dhacdadii Lewiston. La qabsi kaliya ma ahane, Somalidu dukaamo iyo makhaayado
ayaa uga furan magaalda Portland ee Maine.
Dhanka waxbarashada, gobolku wuxuu leeyahay
jaamacado iyo kuleejooyin tayo ahaan meel dhexaad ah. Ha yeeshee, wuxuu
saacad iyo bar kaliya u jira ‘xarunta waxbarasha dunida’ oo ah magaalada
Boston ee gobolka Massachuasats, halkaas oo inkabadan 300 oo jaamacadood eey
ku xayn-daaban yihiin. Sida lawada ogyahay, Boston waxaa ku yaal jaamacadda
dunida ugu qaalisan ee Hardvard iyo machadka dhanka tiknoolajiyada ugu heysta
ee MIT loo yaqaan. Si kasta oo arrinku ahaadaba, Maine waxaan kula kulmay
arday dhigata koleejooyin kala duwan. Qaarkood xitaa wexeey ii sheegaan ineey
u dhaxaan koleejooyin magaalada Portland dhowr saacadood u jira.
C/raxman Ceynte
Portland, Maine
abdirahmanceynte@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003