SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Janaayo 23, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaal ka dhacay Jaamacada Adis Ababa.
  • Ø Itoobiya oo uu ergay dawlada Igriiska ka socday u digay
  • Ø Eritrea iyo Masar oo heshiis dhinaca saxafada ah kala saxeexday
  • Ø Heshiis laga gaadhay shirkii soomaalida ee Nairobi.
  • Ø Faalo kooban oo aanu kaga hadlayno taya xumida saxaafada Hargaysa.
  • Ø Qayb ka mid ah Riwaayadii ay dhawaan ugu deeqeen halganka Ogaadeenya kooxda waaberi ee kaftan ma aha kulanka waabari ee horta maxaa isu keenay iyo waliba suugaan halgameed.
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 Dagaal ka dhacay Jaamacada Adis Ababa.

Wariyaha wakaalada wararka Ogaadeenya u jooga magaalada Adis Ababa ayaa
sheegaya inuu dagaal khadhaadhi ka dhacay kuliyada Kilo 6 ee magaalada Adis Ababa.

Dagaalkan ayaa waxa u ka bilaabmay kadib markii ay dhawr arday oo Oromo u dhalatay
kanatirsan ururka OPDO oo ka mid ah isbahaysiga EPRDF ay qabteen shir ay kaga hadlayeen xaalada magaalada Adis Ababa oo baryahan uu buuq xoogan ka taaganyahay, kaas oo ku salaysan awooda ay ku leeyihiin dadka ka soo jeeda qoomiyada Oromada oo ayagu sheegta magaalada Adis Ababa..

Shirkaas oo ay ardayda Oromadu kaga hadlayeen sidii xal loogu heli lahaa hindisaha Xukuumada TPLF ay rabto in ay awooda magaalada Adis Ababa kula wareegto, ayaa markiiba waxaa soo fara galiyay Nabad sugida maamulka Melis Zanawi oo ardaydii si xoog ah ku kala diray, taasina waxay dhalisay rabshado gacan kahadal keenay, waxaana jaamacadii ka baxsaday ardaydii ka bad baaday qab qabashadii ciidamada nabad sugida.


Itoobiya oo uu ergay dawlada Igriiska ka socday u digay

Wariyaha wakaalada wararka u jooga magaalada Adis Ababa ayaa noosoo tabiyey in u shir jaraa’id qabtay agaasimaha arimaha Afrika u qaabilsan wasaarda arimaha dibada ee Ingriska Mr. Chris Mullin.

Shirkaas jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Adis Ababa ayuu agaasimuhu ku sheegay in ay bulshada caalamku ka soo cajisayso dadaalkii loogu jiray in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea.


Mr. Chris ayaa intaa raaciyay in ayna dawladaha reer galbeedku wali go’aansanin in ay cuna- qabatayn ku soo rogaan dawlada Itoobiya, sababtuna waxa weeye iyada oo wali rajo laga qabo in ay dawlada Itoobiya ku dhaqmi doonto go’aankii ay soo saartay gudidii loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea.

Waxa kale oo uu Mr. Chris yidhi isaga oo hadalkiisii siiwata “aad bay u adag tahay in dunida laga dhaadhiciyo in laba dal oo sabool ahi ay ku dagaalamaan meel cidla ah oo ay islamarkaa ku kala dhintaan dad kabadan 100,000 oo qof laguna baabiyo Malaayuun Dollar.

Mr. Chris oo muujiyay in uu ku kalsoon yahay dawlada Eritrea ayaa waxuu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyay in uu uga digayo dawlada Itoobiya in ayna mar labaad halkaas dagaal ka ridin, isla markaasna ay labada dawladoodba ladagaalamaan cadawgooda kaliya oo aha Saboolnimada ku habsatay shacabkooda.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa wel wel xoog leh ka muujiyey colaad hore leh oo ka dhex bilaabata wadamada Itoobiya iyo Ereterea,Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Washington ka wel welsan tahay dagaal laga yaabo inuu dhexmaro labadda dawladood ee Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo ay warbixintu sheegtay inuu dhibaato weyn ku reebi doono dadyawga labada dal iyo xiriirka labada maamul ay la leeyihiin wadanka Maraykanka.

Eritrea iyo Masr oo heshiis dhinaca saxafada ah kala saxeexday

wararka naga soo gaadhaya magaalada Asmara ee caasimada wadanka Ererteria ayaa sheegaya in ay heshiis iskaashi ah oo dhinaca saxaafada ah kala sixiixdeen wadamada Masar iyo Eritrea

Heshiiskaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha xisbiga wadaniga ah ee dimoqraadiga Eritrea Sefwet al-sherif iyo Xogahayaha xisbiga dimoqradiga iyo cadaaladaa wadanka Masar Mr. Al-amin Mohammed iyo agaasimayaasha wakaaldaha wararka ee labada wadan.

Heshiiskan ayaa waxay labada dawladood iskaga kaashan doonaan dhinaca horumarinta saxaafada iyadoo wadanka Eritrea uu dhinaca geeska Afrika ka caawin doono wadanka Masar, halka uu wadanka Masarna ka caawin doono wadanka Eritrea horumarinta warbaahinta, sida TV, Joornaalada iyo Idaacadaha.

Heshiis laga gaadhay shirkii soomaalida ee Nairobi.

Wariyaha Wakaalada wararka ee Ogadenya u jooga magaalada Nairobi ayaa soo xaqiijiyey in inta badan hogaamiyayaashu ka heshiiyeen lagana gudbay khilaafaadkii ugu weynaa ee hor taagnaa horay u dhaqaajinta shirka somalida.

Qodobada ugu waaweynaa ee xalka loola,aa ayaa waxa kamid ahaa, Axdiga iyo dastuurka kumeelgaadhka ah,magaca dowlada dhalandoonta,mudada uu madaxweynuhu xilka hayndoono,tirada golaha baralamaanka iyo Cida awooda uleh inay soo magacawdo Mudanayaasha baarlamaanka, arimahaas oo dhan ayay qalinka ugu wada duugay si niyad sami leh, inkastoo weli aysan sixiixin heshiiskaas golaha samatabixinta,iyagana rajo weyn laga qabo inay ogolaadaan,sixiixaana heshiiskaas.

Wararka kale ka dhegeyso halkan...

23.01.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD