SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Janaayo 27, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay


  • Doorashooyin ku-sheeg Ogadenya laga sameeyay.

  • Dagalo dhex maray ciidamada wadaniga xoraynta Ogadeneenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

  • Inkabadan 300 oo arday oo ayaa laga eryay Jaamacada Addis Ababa.

  • Hantidii warshada sibidhka ee Addis Ababa oo la boobay.

  • Dawlada Ingriiska oo ku soo rogatay in faro laga qaado madaxda Itoobiya.

  • Jaaliyada Anayuwak oo wadanka Marykanka mudaharaad ku qabtay.

  • Barnaamukii aragtida halgamaaga oo aanu ku eegeezno halkudhaga JWXO.

  • Qayb ka mid ah barnaamujkii kaftan ma` aha kulanka waabari ee horta maxaa isu keenay
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 Doorashooyin ku-sheeg Ogadenya laga sameeyay.

Maalintii axadda ahayd ee taariikhdu ahayd 25/1/04, waxaa dalka Ogadenya laga hirgeliyay wax lagu tilmaamay doorashooyinkii degmooyinka ee dawladaha hoose lagu dhisi lahaa. Hase yeeshe dadka loogu talagalay inay doorashooyinkaas ku soo baxaan waxaa liiskooda la diyaariyay mar hore, doorasho ku sheegtanina waxay ahayd mid magaca u-yaal ah oo ra’yul-caamka lagu khaldayo.

Waxay sido kale wararku sheegayaan in xarunta maamul ku-sheegga Ogadenya ee Jigjiga ay maalmahan ka socdaan qorshayaal lagu abuurayo xisbi oo lagu magacaabo Xisbiga Demoqoradiga Somali Galbeed, kaasoo lagu wado inuu ka qayb galo doorashooyinka uu gumaysigu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo. Abuuridda xisbigan cusub waxaa si wayn uga soo horjeestay xisbigii daba-dhilifka ahaa ee talada kililka horay u haystay.

Dhinaca kale iyadoo waayahan laga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka dhex qarxo, Itoobiya Eritereya, ayaa todobaadyadan dambe ciidamo badan laga qaadayay dalka Ogadenya. Toddobaadkii hore waxaa Qabri-daharre iyo Godey laga qaaday in ka badan 20 baabuur oo ciidan ka buuxo oo dhinaca Itoobiya loo qaaday.


Gumaysiga Itoobiya wuxuu sidoo kale dalka Ogadenya ka qoraa ciidamo cusub oo loogu talagalay dagaalladaas la filayo inay Itoobiya mar kale ku billowdo dalka Eritereya. Gobolka Afdheer waxaa ilaa hadda laga qoray 300 Askari. Degmada Shaygoosh waxaa laga qoray qiyaastii 50 Askari.

Dagalo dhex maray ciidamada wadaniga xoraynta Ogadeneenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

8/1/04, Dagaal gaadmo ah oo ciidamada wadaiga xoreeynta Ogadeemya ku qaadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya ee degan Gosolaley, oo ka tirsan degmada Dh/Buur, waxaa cadowga laga dilay 3 askari, 4 kalana waa laga dhaawacay.

11/1/04, Dagaal gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamada wayaanaha ah ee Dhagaxbuur dhexdeeda degan, gaar ahaan xerada loo yaqaano “mishinka” waxaa gumaysiga laga dilay 4 askari iyadoo kuwo kalena laga dhawacay.

Inkabadan 300 oo arday oo ayaa laga eryay Jaamacada Addis Ababa.

Wariyaha Wakaaladda Waraka Ogadeniya ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in laga eryay arday ka badan 300 waxbarshadoodii Jaamacada Addis Ababa, ka dib markay diideen go’aankii maamulka Meles Zenawi ee ka dhignaa in xafiisyada Ismaamulka Oromada laga raro magaalda Addis Ababa.


Ardaydan wxay ka mid ahaayeen 500 arday oo todobaadkii hore ay xidhxidhay nabad sugida TPLF. Xaqa uu ardaygu u leeyahay inuu waxbarto waxay ku xidhan tahay sida uu u taageersan yahay siyaasada maamulka Meles Zenawi.


Arday badan oo ka mid ah ardayda xabsiga loo taxaabay ayaan la ogayn meel la geeyay, dibna loo arag sidii loo xidhay.

Hantidii warshada sibidhka ee Addis Ababa oo la boobay.

wariyaha Wakaaladda Waraka Ogadeniya ayaa sheegaya in hantidii warshada sibidhka ee magaalada Addis Ababa la lunsaday.


Dhacan oo ay ku lug-leeyihiin madax sare oo maamulka Meles ka tirsan ayaa waxaa loo xidhxidhay ku xigeenkii warshada sibidhka Wandhimu Taganye, Madaxa waaxda maaliayda Malikta Kifle, madaxa waaxda farsamada Tadhase Tasfaye iyo madaxa waaxda ganacsiga Xasan Cali.

Baryahan waxaa soo kordhay boobka hantida dadwaynaha oo laga akhrisan karo burburka ku gedaaman taliska TPLF.

Dawlada Ingriiska oo ku soo rogatay in faro laga qaado madaxda Itoobiya.

Wararka naga soo gadhaya magalada Adis Ababa ayaa sheegaya inay dawlada Ingriisku ay ku soo rogatay sharci cusub oo dhigaya in faro laga qaado madaxda dawlada Itoobiya, ka dib markii ay aad u badatay baxsiga saraakiisha Itoobiyaka ah ee magangalyada siyaasadeed waydiisanaya dawlada Ingriiska.

Sharcigan farha lagag qaadayo madaxda Itoobiya ayaa waxa u soo baxay todobaadkan, wuxuuna dhaqan gali doonaa bisha Marso ee soo socota .

Dhinaca Safaarda Maraykanku uu ku leeyaha waddanka Itoobiya ayaa horay u joojisay inay Fiiso siiso madaxda Itoobiyaanka ah.
Baxsiga madaxda Itoobiya ayaa noqday mid joogto ah siina badanaya maalinba maalinta ka danbaysa.

Jaaliyada Anayuwak oo wadanka Marykanka mudaharaad ku qabtay.

Radyowga Oromoda ee SBO ayaa sheegay in Jaaliyda qabiilka loo yaqaano Anyuwaaka, oo ka mid ah qabiilladii dhawaan lagu xasuuqay gobolka Gambeella, ee ku dhaqan wadanka Marykanku ay dhawaan mudaaharaad wayn ku qabteen waddanka Maraykanka.

Mudaharaadkan waxaa lagu hor-qabatay safaarda ay xukuumadda Itoobiya ku leedahay magaalda Washington ee wadanka Marykanka.
Mudaharaadkan waxaa lagaga soo hor-jeeday xasuuqii ay dhawaantan xukuumadda wayaanhuhu u gaysatay dadka Anyuwaka.

Dadkii mudharaadkaas ka soo qayb galay oo cadho aad u ballaadhan ay ka muuqatay waxaa ka mid ahaa hal-ku-dhegayaadii ay ku dhawaaqayeen
· Meles waa dilaa
· Meles waa caruurlays
· Wayaanhu ha dhaco
· Meles Hague hala keeno oo maxkamad hala saaro


Dhinaca kale warar kale oo arrimhaas la xidhiidha oo Radio Xorriyo soo gaadhay ayaa sheegay in dawlada Marykanku ay qabatay guddi gaar ah oo soo baadha xasuuqaas ay dawlada kalgii taliye Meles u gaysatay dadka rayadka ah ee ku dhaqan gobolka Gambella.

27.01.2004
Dhiidhi Nuur

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]