SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Janaayo 30, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Itoobiya oo la cadeeyay in ay ku jirto wadamada dadka xasuuqa.
  • Dagaal dhexmaray ardayda magaalda Waliiso iyo ciidamada Itoobiya.
  • Meles oo gatay hanti ay kiniisada Axum lahayd.
  • Dad badan oo Geeska Afrika ku tabaalaysan.
  • Eritereya oo dhaleecaysay mawqifka Maraykanka.
  • Faalo aanu ku eegayno faragalinta Itoobiya.
  • Qayb ka mid ah barnaamujkii kaftan ma aha kulanka waabari ee horta maxaa isu keenay iyo suugaan halgameed.
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Itoobiya oo la cadeeyay in ay ku jirto wadamada dadka xasuuqa.

 

Shir aad u ballaadhan oo lagag hadlayay xasuuqa loo gaysto dadka, oo dhawaan ka dhacay magaalada Stockholm ee wadanka Sweden ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ka mid tahaya wadammada looga baqayo inuu ka dhaco xasuuq dadwaynaha lagu baabi’iyo.

 

Shirkan oo aad u balaadhnaa waxaa ka soo qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, siyaasiyiin, diplomasiyiin, aqoonyahano iyo ururro bulsheed oo aad u badan.

 

Shirkan waxaa ka soo baxay daraasado lagu muujinayo wadammada laga yaabo inuu xasuuq dadwayne ka dhaco, waxaana wadammadaas lagu soo daray dalka Itoobiya, oo la sheegay inay xagga hore kaga jirto dalalka xasuuqa u gaysta dadyowga ka soo hor jeeda ee xorriyad u dirirka ah.

Arintan waxaa shirkaas ka caddaysay Brabra Harff oo ka socotay xarunta horumarka iyo maaraynta khilaaafaadka ee Marykanka( US Center for Development and Conflict Management), taasoo sheegatay in loo baahan yahay in la sameeyo digniin loo adeegsan karo ka hortegga xasuuqa inta uuna dhicin.

 

Dagaal dhexmaray ardayda magaalda Waliiso iyo ciidamada Itoobiya.

 

Radyowga Oromda ee SBO ayaa sheegay in bishan 26dii u dagaal aad u wayni dhexmaray ardayda magaalda Waliiso iyo ciidamada Iihadhiigta ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalkan ayaa billaabmay, ka dib markii ay ardaydaasu isku dayeen inay taageero u muujiyaan ardayda walaalohood ah ee ay xukuumada Addis Ababa dhawaan xabsiyada u taxaabtay.

 

Khasaaraha uu isku dhacaasi labada dhinac soo gaadhsiiyay wali wax faahfaahin buuxda lagam hayo.

 

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in 14 arday oo ka tirsanaa ardaydii Jaamacada Addis Ababa ee dhawaan ay nabad sugida Meles xidhxidhay la horkeenay maxakamad ku taalla magaalda Addis Ababa.

 

Meles oo gatay hanti ay kiniisada Axum lahayd.

 

Wariyaha wakaalda wararka Ogaadeenya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in warar laga helay ilo aad muhiim u ah ay caddeeyeen in Meles Zenawi iyo taliyihiisa nabad sugida Getajaw Assefa ay si qarsoodi ah u galeen heshiis ay ku gadeen hanti taariikhi ah oo  kiniisada Axum ay lahayd.

 

 Heshiskas waxay la galeen wasiirka arimaha dibada ee wadanka Isreal mar uu dhawaan booqasho 3 bari ah ku yimid waddanka Itoobiya. Wararkani waxay intaas ku dareen in Isra`el ay keligii taliye Meles Zenawi u ballanqaaday inay magangalyo siyaasadeed siinayso haddii ay xukuumaddiisu dhacdo.

 

Dad badan oo Geeska Afrika ku tabaalaysan.

 

Ugu yaraan 12 milyan oo qof oo dhawr waddan oo kala duwan u dhashay ayaa macaluul ba’ani ku haysaa gobolka Geeska Afrika, kuwaasoo sannadkan u baahan cunto iyo gargaar kale labadaba, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ay hay’ado kala duwan soo saareen oo ku saabsan baahida cunto ee ka jirta gobolka Geeska Afrika.

 

Dadka ay dhibaatadu sida u wayn u taabatay waxay kala yihiin ugu yaraan 7 milyan oo qof oo ku dhaqan dalka Itoobiya, 2 milyan oo reer Tanzania ah, 1,2 milyan oo reer Kenya ah iyo 1,2 milyan oo reer Eritereya ah. Waxay kaloo dhibaatadani taabatay dadka reer guuraaga ah ee Soomaaliya u dhashay. Dhibaatadan macaluusha ah waxaa keenay roobabka oo sannadkii 2003 ku yaraa gobolka Geeska Afrika.

 

Warbixintani waxay si gaar ah u tilmaantay in dalka Itoobiya ay muhiim tahay in gargaar lala gaadho, si loo badbaadiyo dad aad u fara badan oo dhimasho qarka u saaran.

 

Meelaha ay macaluushu ka jirto waxaa ka mid ah Ogadenya oo sannadihii ugu denbeeyay oo dhan ay roobabku ku yaraayeen. Roobabka baaqday ee biyo iyo baad la’aanta keenay, waxaa u weheliya xayiraadda dhinac walba ah ee Itoobiya ay ku hayso dadka somaalida Ogadenya oo ay ka joojisay guud ahaanba xidhiidhkii ganacsi ee ay la lahaayeen dalka Soomaaliya.

 

Eritereya oo dhaleecaysay mawqifka Maraykanka

 

Dawlada Eritereya ayaa arbacadii sheegtay inay mawqifka Maraykanka soo dhawaynayso, hase yeeshee waxay ku dhalliishay inaanuu tallaabadii loo baahnaa ka qaadin dawlada Itoobiya oo diidday inay u hooggaansanto go’aankii ay Qaramada Midoobey ka soo saartay soohdinta labada dal u dhaxaysa.

 

Wasaarada arrimaha dibada e Eritereya ayaa ka biya-diiday sababta uu Maraykanku hadda ka hor uga hadli waayay go’aanka soohdinta ee ka soo baxay ergada xallinta khilaafaadka soohdineed ee Itoobiya iyo Eritereya u dhexeeya.

 

Toddobaadkii hore ayay wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanku ku baaqday inay si wayn uga walwalayso sida ay suuragal u tahay in mar kale uu dagaal ka dhex oogmo labada dal ee Itoobiya iyo Erietereya, waxayna labada dhinacba ka codsatay inay u hooggaansamaan heshiiskii xabbad-joojinta ee waddanka Aljeeriya ay ku kala saxiixdeen.

 

Hase yeeshee wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanku waxay ka taxaddartay inay eedda dhinac gooni ah saarto, iyadoo waliba dawlada Itoobiya ay ku gacan saydhay go’aankii Qaramada Midoobey.

 

Mawqifka noocaas ahi wuxuu saamayn xun ku yeelan karaa qorshaha nabadda, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada ee dalak Eritereya, oo tilmaantay in Itoobiya go’aanka Qaramada Midoobey lagu oggolaysiin karo oo klaiya, haddii uu Maraykanku ka joojiyo taageerooyinka kala duwanee uu siiyo taliska Itoobiya ka jira.


 

Haddii ayna garanin dantooda yaa u garan doona?

 

Ummadda Somaliyeed wuxuu dagaal sokeeye oo lagu hoobto dhaxalsiiyey xukuumad dhexe la’aan  muddo 13 sano ah.

 

In kasta oon weli xal la helin sidii loo soo celin lahaa qaranimadii iyo xukuumad laysku raacsan yahay, haddana dadaalka in arrintaas lagu guulaysto heer caalami iyo mid Somaliyeedba way socotay 13 kaas sano.

 

Markii loo kuur galay sababta guul kama dambays ah looga gaadhi waayey waan waanta  joogtada ah waxay gabagabadeedii noqotay fara gelinta qaawan ee Itoobiya kula dhex jirto shacabka Somali iyada oo isu diyaarinaysa inay gumeysato; taasinawaxay ku suuro geli kartaa inay burburiso midnimadooda iyo isla weynaantooda.

 

Itoobiya iyada oo iska dhigaysa inay dhexdhexaadinaysa Somalida ayey haddana hubka isugu dhiibaysaa, xataa kuwa iyada inay dullaysato raaliga ka ah.

 

Waxaa tusaale fiican ah, Cumar Filish iyo Muse Suudi; Muse Suudi iyo Maxamed Cumar Xabeeb;SNF iyo RRA; labada garab ee RRA; iyo ugu dambaystii colaadda ay ka hurinayso labada maamul ee Garowe iyo Hargeysa.

 

Sababta labaad waa aragtida khaldan ee siyaasiyiinta Somali qaarkeed oo shisheeyaha ka xigsanayso walaalahooda Somaliyeed taas oo la xidhiidha sababta kowaad. Walaal ka fogaanshaha iyo shisheeye ku dhowaanshahu waa dariishadda ay Itoobiya ka soo gelayso arrimaha Somaliyeed.

 

Sababta saddexaad waa mawqifka aragtida gaaban ku dhisan ee  madaxda Woqooyiga Somaliya. Dad iyo gobol ahaanba Woqooyigu waa qayb ka mid ah laf-dhabarka Somaliyeed. Waxay ka seexatay waajibaadkeedii iyo kaalintii ay ku lahayd dhibu soo celintii midnimada qaranka Somaliyeed iyaga oo ku beddeshay gumeysiga cusub ee Itoobiya oo geed ku xidhay.

 

Waxayna garanaynin kuwa u horseedaya qaybsanka Somaliya ee ku nool Woqooyi Somaliya inayna jirin sifo lagu aqoonsan karo ooy kaga geddisan yihiin Somalida inteeda kale oon ahayn damaaciga kuwa yar ee madaxtinimada u buka.

 

Duruufaha iyo waxyaalihii Somali qaybiyey ee isku dilay (waa qabyaalad) inay iyana ka jiraanWoqooyiga hadday garan waayeen yaa u garan doona.?  Maslaxada iyo wanaaga Somalida Woqooyi inay ku jirto midda Somalida inteeda kale xataa kuwa ay dariska yihiin ee Itoobiya gumeysato hadday garan waayeen yaa u garan doona?

 

Jawaabtu waxaa weeye waqtigaa garansiin doona.

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD