SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKII MAANTA::: JULY 4, 2004
  • Dowlada KMG ah oo ku Dhawaaqday inay ka baxeeyso Shirka Somalida uga Socda Kenya.
  • IGAD oo diiday inay Aqbasho Liisaskii is khilaafsan oo ay u soo kala gudbiyeen Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye.
  • Ganacsade Bashiir Raage oo Beeniyay eedeeyta loo soo jeediyaya ee ah........
  • Maxay Maxkamadaha Islaamiga ah ka soo saareen Qofkii lagu helo inuu Qof Islaam ah Gaalo u Gacan galiyay?

IGAD oo diiday inay Aqbasho Liisaskii is khilaafsan oo ay u soo kala gudbiyeen Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Ganacsade Bashiir Raage oo Beeniyay eedeeyta loo soo jeediyaya ee ah........

Shir-weyne Islaami ah oo ka dhaci doona London... GUJI

Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo u waramayay qaarka mid ah Warbaahinta Muqdisho ka jira ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo dhawaan soo baxay oo sheegayay inuu Bashiir ku lug lahaa Weerarkii dhawaan lagu Dilay Nin Culummo ah. Isla markaana mid kale lagu afduubtay.

Bashiir Raage Shiiraar oo lagu eedeyay inay Maleeshiyadiisu fuliyeen falkaasi ayaa waxaa uu tibaaxa inay arintaasi tahay mid isaga lagu sumcad dilayo,isla markaasina waxaa uu eedeeynta arintaasi Dusha uga tuuray Dad uu ku tilaamay inay Cadow ku yihin jiritaangiisa,waxaana uu intaasi ku daray Bashir Raage inay Ciidamadiisa yihiin kuwo aan ka badnayn Ganacsigiisa Shaqsiyadeed ee uu ku leh leeyahay Magaalada Muqdisho.

Ganacsade Bashiir Raage waxa uu sheegay inuusan jecleeysan markii uu Maqlay Hadalada sheegaya Weerarka loo gaystay Culumadda Soomaaliyeed kuwaasoo hadana Marti ku ahaa Magaalada Muqdisho oo aan ka mid ahayn Dadka u dhashay Gobolka Banaadir,Wuxuuna Balan qaaday inuu dhankiisa diyaar u yahay sidii uu qeeyb uga qaadan lahaa soo qabashada Ragii ka danbeeyay Falkaasi Wuxuushnimada ah.

Maxay Maxkamadaha Islaamiga ah ka soo saareen Qofkii lagu helo inuu Qof Islaam ah Gaalo u Gacan galiyay?

Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa Qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegay in Koxdii ama Qofkii lagu helo inuu Qof Islaam ah uu u gacan galiyay Dad Gaalo ah uu Xukunkiisu noqonayo Dil toogosho ah oo aan ka laabad lahayn

Shiiq Xuseen oo ka mid ah Madaxda Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmadda Huriwaa ayaa waxaa uu nadar ku maray inaysan ka aamusnaan doonin Qolyaha Cadeystay inay ka Ganacsadaan Dadka Muslimiinta ah oo ay Gacanta u galiyaan Gaalada mayalkoodu Fogaaday oo uu sheegay inay ku wayn tahay Naceyb ka ay u qabaan Dadka Islaamka ah Meelkasta oo ay joogaan, Wuxuuna uu intaasi ku daray Shiikh Xusen in Diinta Islaamku ay wax walba ku kala cadeeysay Kutubka alle, taasi darteedna iyaga oo raacaya Awaamiirta Alle ay Go’aamiyeen Dil Toogasho ah lagu Xukumo Qofkii lagu helo Falkaasi Foosha xun ee ah in la afduubto Qof Islaam ah hadana laga gadayo Gaalo Ilaaheey Diinta u Hogaansami wayday.

Shiiq Xuseen Maxamuud Jimcaale waxa uu u soo jeediyay Umada Soomaaliyeed Meelkasta oo ay ka joogaan Muqdisho inay ku soo wargeliyaan Marka ay arkaan Xarumaha ay ku dhuumaalaystaan waxa uu ku tilaamay inay yihiin kuwo baadiyoobay, Mar uu ka hadlayay Arinta ah Ragaasi Qabiilada ay leeyihiin Sida ay ka yeelayaan waxaa uu sheegay inay la Dagaalami doonaan Cid kasta oo ay yihiin iyo Meelkasta oo ay Gabaad ka dhigtaan intaba Mar ay Noqotana ay hor keeni Doonaan Cadaalada Alle. 

Dadka Reer Muqdisho ayaa ah kuwo hadal heeyntoodu ay u badan tahay Weerarka loo gaystay Culumadda Soomaaliyeed ee ahaa Culumo aan Asal ahaan ka soo jeedin Muqdisho, waxaanay intooda badan ay dhaliil usoo jeediyeen Hogaamiyayaasha, Culumada, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Wada dagan Magaaladan Muqdisho oo ah Xarunta Wadanka Somaliya, ugu danbeeynti Waxay ugu baaqeen Dhamaan Dada Reer Muqdisho inay ka hor tagaan waxkasta oo Wax u dhimaya Sharafta Dadka Muqdisho.

BAYAAN: Daladda Culimada Soomaaliyeed

Dowlada KMG ah oo ku Dhawaaqday inay ka baxeeyso Shirka Somalida uga Socda Kenya.

  • Waa maxay Sababta ay arintaasi ugu dhaqaaqeyso Dowlada KMG ah?

Dawladda KMG ah ee Somalia ayaa ku Dhawaaqday inay isaga baxayso Shirka Mudada Dheer Soomaalida uga socda Kenya Waa haddii aan wax laga badalin Sida uu iminka ku socdo Shirka Soomaalida.

Mustaf Muqtaar Guudow oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa waxaa uu Cadeeyaya inuu Shirku uu ku dhacay Gacanta Hogaamiye Kooxeedyada ee Somalia. Taasina ay Macnaheedu tahay in aysan Dowlada KMG ah Ku sii Nagaan Karin Shir ku Socda Hal dhinac oo qura, Waxaa uu carabka ku dhuftay Mustaf Muqtaar Guudow inay Dowlada KMG ah ay Heshay hal Xubin oo Qura, waxaana uu taasi ku sheegay inay tahay Cadaalad Dari Wayn, isagoo intaasi ku daray inay arintaasi ka danbeeyaan Rag uu sheegay inay yihiin Rag lacag ku soo qaatay inay Fashiliyaan Shirka Somalada ugu Socda Kenya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Somaliya waxaa uu sidoo kale sheegay inaysan Sharci u lahayn Hogaamiyayaasha Dagaalka inay iyaga soo xushaan Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka KMG ah ee Somalia loo dhisi doono, Isagoo sheegay inay gabi ahaanba Qaadici Doonaan Shirka Somalida ee Kenya waa hadii aan waxba laga badalin Qaabka uu Iminka ku Socda Shirkaasi.

Mar uu ka hadlayay Mustaf Muqtaar Guudow Hadalada ay ku celcelinayaan Hogaamiyayaasha Kooxaha ee ah inay iyaga soo Xulanayaan Xubnaha uga mid Noqonaya Baarlamaanka waxaa uu Yiri "Ninkii isiin lahaa Codka la’igu dooran lahaa ayaan soo Xulanayaa.taasi wali Caalamka kama dhicin waana taasi oo kale waxa ay wadaan Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaaliya", waxaan uu intaasi ku daray "insan u hogaansami doonin Awaamiirtaasi ay wataan Hogaamiyayaasha Dagaalka Soomaaliyeed".

Cali Khaliif Galeyr oo Nairobi Soo Gaaray 

HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
 

IGAD oo diiday inay Aqbasho Liisaskii is khilaafsan oo ay u soo kala gudbiyeen Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye.

Guddiga Howl Fududaynta IGAD ee Shirka Soomaalida uga socda Dalka Kenya ayaa Gabi ahaanba Qaadacay inay aqoonsadaan Liisaska Guddiyadda soo xulaya Xubnaha Baarlamaanka Beesha Hawiye oo ah kuwo uga kala yimid Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha Hawiye..

Guddiga Fududeeynta ee IGAD ayaa Go'aankan soo saaray kadib markii ay soo gaareen Labo Liis oo kala danbeeyay Maalmo Qura, iyagoo sidoo kale ay dib ugu celiyeen Qolo kasta Guddiyagdii ay u soo gudbiyeen,Waxaana loo sheegay inaysan IGAD ansixin doonin Liis aan la isku Raacsanayn.

Akhbaarta Guddiga Fududeeynta ee IGAD waxay akhbaar kama danbeeys ah taasoo loogu Cadeeyay in loo xuli doono Xubnaha Baarlamaanka uga mid noqonaya haddii aysan ku heshiin Xulidda Xubnahooda uga soo aaday Baarlamanka loo dhisi Doono Somalia,iyadoo ay taasi ku muransan yihiin sida iminka ku Cad Qoraalka IGAD Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Hawiye.

Maalinta Isniinta ah ee ah Maalinta Bariya oo ahayd Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay Guud ahaan Beelaha Soomaalida inay ku soo Xushaan Xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa Macquul ah inay ku timaado dib u dhac hor leh,ilaa iyo iminka ma jirto Beel soo Xulatay Xubno ay u dhan yihiin,iyadoo ay arinta iminka qarka u saaran tahay inay IGAD soo kala dhex gasho Soomaalida oo ay iyadu u qeeybiso Xubnaha Beelkasta uga mid Noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya loo soo dhisi Doono.

Affey: Dawladda Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqayaa 30 July 2004

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2004

Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan
iyo Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD