SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

March 10, 2004  

Hassan Salahuddin
Chairman
Global Media Group
Uk.
Tel: 00-44-7904830522

WAFDI UU HOGAAMINAYO MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND MUDANE DAAHIR RIYAALE OO BOOQASHO RASMI AH KU IMANAYA DALKA BRITIAN:

Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaalaa bixinaya dalkan boqortooyada ingiriiska maalinta arbacada ah ee bishan March tahay 17, sanadkan 2004.

Wafdigan uu hogaaminayo madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ay ku jiraan xubno sar sare oo ka tirsan golihiisa wasiirada, golaha baarlamaanka iyo golaha guurtidu waa kii u horeeyey ee noocisa ah ee madaxweyne ka socda Jamhuuriyada Somaliland ku yimaado dalkan boqortooyada ingiriiska mudo ku dhaw afartan sanadood.

Wafdiga uu madaxweynuhu hogaaminayo waxa la rajaynayaa in uu la kulmo ra'iisal wasaaraha dalkan ingiriiska Tony Blair, Ra'iisal wasaare ku xigeenka, wasiirka arimaha dibada iyo madax kale oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee dawlada ingiriiska, waxa sidoo kale uu khudbad saacad socon doonta ka jeedin doonaa aqalka loo yaqaano HOUSE OF COMMONS.

Inta uu wafdigu booqashada ku joogo dalkan boqortooyada ingiriiska oo ah muddo afar cisho ah waxa la rajaynayaa in uu la kulmi qaybo kala duwan oo ka tirsan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan boqortooyada ingiriiska.

Dhinaca kale waxa soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan qaban qaabada mudaharaadyo iyo banaabaxyo lagu taageerayo gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhici doona wadada loo yaqaano Downing Street ee uu ku yaala xafiiska Ra'iisal wasaaraha ingiriisku, isu soo baxaas waxa qaban qaabadooda ku mashquulsan jaaliyadaha reer somaliland ee ku dhaqan dalkan ingiriiska, waxa kale oo iyaguna aan meesha ka maqnayn abaabulka mudaharaadyo kale oo ay qaban qaabinayaan jaaliyadaha koonfurta iyo gobolada waqooyi bare ee Somalia oo lagaga soo horjeedo wafdiga uu hor kacayo madaxweyne Daahir Riyaale kaahin.

Isku soo wada duuboo sheekada ku saabsan booqashada Madaxweyne Daahir Rayaale ee dalkan ingiriisku waxay noqotay mid maalmahan dambe oo dhan aad loo hadal hayo, haddii aanu nahay bahda Somalitalk wararka uga soo tabiya dalkan ingiriiska iyo Ha'ayada balaadhan ee warbaahinta ee GLOBAL MEDIA GROUP oo fadhigeedu yahay dalkan ingiriisu waxaanu si toosa idiinku soo tabin doonaa haddii Ilaahay yidhaa wararka ku saabsan booqashada wafdigan ka socda Jamhuuriyada Somaliland ee dalkan ingiriiska ku soo jeeda.

Waa Walaalkiin


Hassan Salahuddin
Somalitalk
Global Media Group
Leicester
United Kingdom
Telephone: 00-44-7904830522
salahuddin100@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2004 

MAQAALADA DAD WEYNAHA EE MAANTA....

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]