SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEDO

March 10, 2004  

Go’aano ka soo baxay shirkii beelaha Sade ee Waqooyiga gobolka Gedo ee degmada Balad Xaawo


Balad Xaawo: Mar 9, 2004 Ka dib markii laga baxi waayay qalalaase Nabadgalyo xumo ,Dhaqaale, Siyaasad iyo mid arrimo bulshaba isugu jira Mudo 13 sano ah oo aan laga yeelan wax nidaam qoraal ah oo lagu kala dambeeyo, ayaa waxaa fadhi socday mudo 64 cisho ah oo ay ka qeybqaateen beelaha Deegaanka waqooyiga Gobolka Gedo Odayaashooda Sade ee dhaqanka , Aqoonyahanada , Culumaa udiinka , Siyaasiinta, Maamulka , Dhalinyarada , Haweenka iyo indheer Garadka intaba isugu jiro, Waxaana Looga Hadlay 4 Afar arrimood oo waaweyn oo taabanaya Bulshada Beesha Sade ee ku dhaqan Gobolka Gedo Sida .

NABADGALYADA
MAAMULKA
DHAQAALAHA
ARRIMAHA BULSHADA

Waxaana laga soo saaray xeer gaar ah oo ka kooban 50 konton Qodob oo dhaqan galaya maalinta ay saxiixaan Beelaha Sade oo dhan ee Waqooyiga Gobolka Gedo Shirkaas oo biloowday 15/1/2004 fadhigiisii ugu horeeyay .

Hadaba waxaa loogu baaqayaa dhamaan Beelaha Sade oo dhan iyo gaar ahaan waqooyiga gobolka Gedo In ay hirgaliyaan Xeerkaan .

Waxay si walaaltinima ah ugu baaqayaan xeerkan walaalahooda Kale ee Beelaha Sade ee ku nool Dibada iyo gudahaba in ay nala qaataan isla markaana nala hirgaliyaan xeer heshiiskaan Sade , isla markaana aanu isla sameeyno xariir nabadeed , Dhaqaale iyo dhaqanba , si loo bad baadiyo Bulsho weynta Sade ee ku baahsan Cirifyada Somalia , si loo yeesho tayo waxqabad leh , isla markaana looga qeyb qaato dib u dhiska dowlad Soomaliyeed oo dib u soo ceshata , waxaana soo dhaweynaynaa cid kastaa oo ka mid ah beelaha Sade oo nala soo sameeysa xariir Nabadeyn ah si looga gudbo Kala xayirnaanta iyo Kala qoqobnaanta Beelaha walaalaha ah ee ku abtirsada Magaca Sade .

Isla markaana aan kala maarmi karin marka laga fiirsho dhankasta in la isla qaata nabadgalyada deegaanada Sade , looguna dhaqmo sida uu xeerkani sheegayo .

Waxana si gaar ah ugu baraarujinaynaa Jaaliyadaha Beelaha Sade ee ku nool Dibadaha aduunka in ay dadkooda iyo dalkoodaba u soo gurmadaan , Si ay u hor

mariyaan dhismaha dalkooda ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo nabad galyadda, una soo maalgashadaan Deegaankooda ay barri u baahan doonaan .

GABO GABO

Waxaa Mahad is kaleh ALLIHII ina Waafajiyay in aan is tusno Wanaaga , iskana reebno xumaanta , waxaana halkaan mahad gaar ahaaneed oo aan la iloobi karin u gudbineeynaa Sh. Buule Faarax (Abaa Gado) oo ah Ninkii shirkaan abaabulkiisa lahaa, mudadii uu socdayna shirkaan oo dhameyd 64 casho u huray maalkisa iyo maskaxdiisaba . si uu shirkaan u noqdo mid mira dhala kana hogaaminayay kana taakuleeynayay Abuu Dubai Shirkuna uu ka socday waqooyiga Gedo .

Waxaan mar labaad Hambalyo aan u direeynaa asaga iyo cidii kala qeyb qaadatay waxaana ILLAAH uga baryeeynaa in uu ka siiyo ajar iyo xasanad aan la koobi karin anagana waxaan ku xusi doonaa taariiqda gobolka Gedo maadaama shirkaanuu noqday shirkii ugu faa’iido badnaa ee mar kali ah la isla ogolaado wax khilaaf ahna uu ka dhicin inta uu socday , Hadii ay ahaan laheyd Nabad galyo , Maamul , Dhaqan intaba taas oo aan horay u dhicin mudadii 13 ka sano aheyd ahna xeer dhaqanki ugu horeeyay ee qoraal ah ee lagu dhaqmo islana ogolaadaan odoyaasha Dhaqanka si wada jir ah ayaa loo ogolaaday ku dahqankiisa .

QODOBADA HESHIISKA

A: ARIMAHA NABAD GALYADA :

GUDAHA

1. In lagu wada noolaado Nabad Galyo Wada jir ah oo qofna uusan qof kale ku xad gubi karin

2. In aan la dhigan karin isbaaro aan mucayan ama aan maamulku jideeynin

3. In tuugada , Burcada iyo Kufsigaba Gacanta lagu dhigo isla markaana sharciga la hor keenaa si loogu abaal mariyo looguna qaado qof kastaa danbigii uu galay

4. in wada jir looga wada shaqeeyaa guud ahaan nabada oo ah asaaska nolosha dadka duunyada iyo degaankaba guud ahaan

5. in dhinac looga soo wada jeestaa waxii Sade u keeni karo nabadgalyo xumo ama dhaawac ku keeni kara nabadgeyada isla markaana u horseedi kara in ay keento Degenaansho xumo iyo aloosid dagaal dhici kara I WM

6. In loo sameeyo ilaalo koox gaar ahaaneed oo ciidamo nabad galyada suga , ee Hanan kara Nabada

7. In loo sameeyo jaangooye dhaqaale oo ku saleeysan xaalada nololeed ee deeganka ka jirta ciidanka nabad galyada .

8. in wax kastaa laga hor mariyo nabada taas oo ah Nabad La Helaa Nolol La Helaa

9. In aan la hor istaagi karin Hay’adaha Samafalka ee Deegaanka Sade ka howl gala Shaqadooda iyo Kormeeradooda ayna u fushan karaan si nabad galya leh

10. In la ilaaliyo Nabaad guurka Deegaanka Isla markaan aaan la jari karin Geedaha cidii lagu helana sharciga lala tiigasado

11. Qofkii qof dilaa oo kas u dilaa waa in la dilaa sida wafaqsan sharciga islaamka

12. qofkii qof hub ku weerara waa in laga warejiyaa hubka isla markaana laga qaadaa talaabo sharci ah hubna aan dib loogu arki karin beeshshana ay mas’uul ka tahay

13. waa in la mideyaa ciidamada Sade loona fura xeryo dhaqan celin iyo Tababaro ay ku bartaan xirfado shaqo ay kaga mid noqdaan bulshada .

14. In la ilaaliyo lahanshaha dhuleed ee Sade xuduudihiisa

15. waxii dhib ah oo ka dhex dhaca beelaha Sade sida dhimasho, dhaawac, dhac xoolo iyo khilaaf in si dag dag ah loogu soo celiyo gudiga nabad galyada beelaha Sade

ARIMAHA DIBADA

1- In la ilaaliyo Nabad ku wada Noolaanshaha Deegaanada Darisyada ah ee aan xaduudaha la leenahay sida Ethopia iyo Kenya.

2- In la yeeshaa wada shaqeyn ta nabad galyada xaduudaha si loo sugo xasiloonida daris ku wada noolaanshaha

3- In la isu soo celiyaa Tuugada , Burcada iyo danbiyada xaduudaha iskaga gudba iyo kufsiga u kala goosha darisyada dowladaha ah.

4- In 3 dii biloodba mar la isla yeesho kulan lagu sugayo Nabad galyada Darisyada uu ka dhaxeeyo Nabad ku wada noolaanshaha

5- In siminaaro loo sameeyo saleynta nabad galyada ay wadaagaan 3 da xaduud ee Kenya Somalia iyo ethopia si looga yeesho wada tashi iyo wax qabad howlaha kobcinta nabada

B: ARIMAHA MAAMULAKA

1. Maamulka ugu sareeya howlaha adeega siyaasada waa SNF /SRRC

2. Maamulka Guurtida

3. Maamulka Degmada

4. Maamulka Maxkamada

5. Maamulka Boliiska

6. Dhaman maamuladaas waa mid ay aqoonsan yihiin beelaha degaanka Sade

7. Maamul kastaa waxaa uu u shaqeyn doonaa qaab dhismeedka sida uu u kala sareeyo , ayadoo lagu tix galinaayo maamul kastaa sida uu deegaankiisa uu wax ugu qabtaa, uguna shaqeeyaa .

8. Maamul kastaa qaab dhismeedkiisu waa cad yahay , waana mid la wada og yahay inta laga helayo maamul dowli ah .

9. Maamul ku xad gudbi kara maamul kale ma jiri karaan

10. waxii la isku qabtaa waxaa loo celin shareecada islaamka ayada ayanaa lagu kala danbeyn

C: ARIMAHA DHAQAALAHA

1. Ilaha Dhaqaale ee deegaan kastaa waa in lagu maamulaa si habsami leh kaas oo loo sameyn doona shax qaabeed gaar ah

2. Dhaqaalaha waxaa uu ka koobnaan karaa

A) Baqaarada

B) Gadiidka Raashinka iyo Ganacsiga

C) Warshadaha iyo taleefanada

D) Hay’adaha samafalka iyo ururada samafalka

E) Xoolaha iyo gancsiga yar yar

3. Dhamaan qeybahaas Dhaqaale waa waajib Gaar ahaaneed Ilaalintooda guud ahaan iyo Gaar ahaan

4. In La sameeyaa santuuq Dhaqaale ee beesha Sade si loogu hor mariyo deegaanka sida waxbarashada , caafimaadka , biyaha wacyi galinta dhaqanka bulshada iyo sugida iyo dhisida kaabaha dhaqaale sida Airport Jidadka suuqyada ganacsiga masaajidyada , Dugsiyada quraanka , iyo guud ahaan Nadaafada deegaanka oo dhan

5. In la mideeyaa Dhaqaalaha dibada iyo tan gudaha

6. sameyn gudi dhaqaale gudo iyo dibad

7. In la sameeyo gudi kormer iyo xaqiijin howlahaas oo dhan

8. in la sameeyo xiriir waxbarasho dibadeed ilaa heer jaamacadeed si hor mar loo gaarsiiyo dhalinta u baahan waxbarashada

9. Ganacsiga gudaha iyo dibada waa in la is hor taagi karin mar kastaa iyo saacad kastaana uu socon karaa si nabad galyo leh isla markaana aysan jiri karin cid meel horan karto

10. Waa in la raadiyaa maalgalin shisheeye iyo mid gudo intaba si loo hor mariyo deegaanada beelaha Sade loona yareeya shaqo la,aanta faraha badan ee haysata deegaanadeena

11. In ganacsiga loo sameeyo Dabacsanaan lagu hor marinayo Isla markaana Lagu dhiira galinayo ganacsigooda dibad iyo gudaba taas oo ay xor u yihiin ineey maal gashadaan dalkooda

D: ARIMAHA BULSHADA

In la ilaaliyo Dhaqamada iyo caadooyinka wanaagsan ee deegaanada Sade
In la dhowraa dhaqamada darisyada ay naga dhaxeeyaan xaduudaha
In waxbarshada hay’adaha samafalka ay ka wadaan deegaanada Sade lagu sameeyaa boor ka qaadis iyo baraarujin lagu hergalinayo tayada wax barashadu ay u leedahay bulshada deegaanada Sade
in bulshada lagu baraarujiyo arimaha caafimaadka sida talaalka iyo Nadaafada guud ahaanba
In kor loo qaado aqoonta shaqaalaha caafimaadka lana siiyo tababaro tayo leh
in dhiira galin la siiyo waxbarashada gaar ahaaneed ee private ka ah taas oo ah qeybta ugu weyn ee hada jirta in la sameeyo gudiga dhaqanka wax barshada iyo hormarinta manaahijta heerarkooda kala duwan oo tayo wax barasho leh
In la sameeyo gudiga xariirka waxbarashada dowliga ah ee dowladaha ana dariska nahay sida Kenya iyo Ethopia
In la sameeya ayuto waxbarasho ee loogu daneeynayo ardayda dan yarta ah ee u gudbisa waxbarashada dugsiyada sare ee aan awood dhaqaale u heli karin in ay iska bixiyaan ( fee school) khidmo waxbarasho ee deganada Sade oo dhan wax ka barta

ODOYAASHA SAXIIXAY HESHIISKAAN SADE


1. Ugaas Sheekh Mohamed sh. Axmed (Xaadle)

2. Ugaas Xasan Sh. Cali Baroow

3. Wakiil Ugaas Muudeey Cusmaan Faarax

4. wakiil ugaas Faarax Xasan yarrow

5. Nabadoon macalin Cabdi Colaad

6. Nabadon Cusman Cabdulahi

7. Nabadon Xasan Ismaciil Cabdille

8. Nabadon Idirs Cabdi Aadan

9. Nabadon C/raxman Maadeey Maxamud

10. Maxamed Sheikh Maxamed

11. Cabdulaahi Cusmaan Xuseen

12. Nabadoon Cabdi Aadan Xasan

13. Nabadon Xasan Maxamed Mursal

14. Nabadon macalin Xasan

15. Nabadon Sheikh Yuusuf Barrow

16. Nabadon Macalin Isaaq Abuukar

17. Nabadoon macalin Cali Cabdille

18. Nabadon macalin Yuusuf Farax Colow

19. Nabadon C/llaahi barrow

20. Nabadon Dhaqane Qaasin Amiin

21. Nabadon C/lle Cabdi Ibraahim

22. Nabadon Ciise Muuse Cabdi

23. Nabadon Cusmaan Maxmaed Jaamac

24. Kaariye Cabdi Kubeey

25. Xuseen Cabdulaahi Daahir

26. Aadan Nuur Maxamed

27. Maxamed Maxamuud Sareey

28. Ali Bulxan Barre

29. Axmed Saneey Dhoonbe

30. Nabadon Maxamud afeey Faarax

31. Nabadon Maxamed Yaaquub

32. Nabadon Iftiin Maxamuud Cali

33. Cabdi Axmed Guure

34. Cusmaan c/Raxmaan Xaaji

35. Nabadon Kadiye Cumar cali

36. Cabdi Nuur Cilmi

37. Abuukar Sankuus Ibraahim

38. Nabadon Maxamud Aadan Cilmi (Sokorow)

39. Nabadon Aadan Canshuur Cabdille

40. Nabadoon Buule muumin duqoow

41. Nabdon Subeer Sh. Cali barrow

42. Isaaq Xasan Jiirow

43. Colaad Ibraahin Buule

44. Nabadoon Saneey Cabdi Biriq

45. Nabadoon Axmed Shaaciye Cabdulle

46. Ciid Cabdi Cali

47. Nabadoon Qaasim Guuleed Cumar

48. Cali Jaamac Cabdille

49. Hure Axmed Jaan go,an

50. Gaarane Adan Nuur

51. Nabadon c/Qaadir Shire Cigaal

52. Cusmaan Shire Cigaal

53. Cali Cabdi Axmed

54. Nabadon Sheikh Maxamed Jamac yare

55. C/risaaq Sh. Cumar gaduud

56. Maxamuud Cabdi Ducaale

57. Macalin Maxamuud Yuusuf Cali

58. Maxamed Maxamuud Yuusuf Owlibax

59. Macallin Maxamuud Muxumed

60. Cabdi Ibraahin Cabdiraxmaan

61. Nabadoon Macalin Xuseen Gooni

62. Nuur Faarax Cade

63. Nabadoon Dhuuboow urur

64. Aadan Dhaqane Cabdi

65. Sheikh Cabdi Axmed

66. Yarroow Maxamuud Cali

67. Jaamac Gudunle

68. Cabdi Shire Faarax

69. Yaasiin Sheikh Aadan

70. Cabdulahai Cali Kooshin

71. Sheikh Axmed Siraad

AGAASINKA SHIRKA BEELAHA SADE EE WAQOOYIGA GEDO


1- Ugaas Maxamed sheikh Axmed (Xaadle) Shir gudoomiye

2- Ku simaha Ugaaska Muudeey Cusmaan Faraax ku xigeen

3- Ugaas cumar Sh. Cali xasan barrow ku xigeen

4- Nabadoon Muxumed Afeey ku xigeen

5- nabadoon cismaan maxamed jaamac ku xigeen

6- Ciid Cabdi diini af hayeen tell: 254-734897365

7 - Cabdulaahi Cusmaan (c/laahi Somali) xog haynta guud

8- C/risaaq Sheikh Cumar Gaduud (xubin)

9- Mataan Aadan Faarax Xubin

Kala xiriir: aden7@msn.com

ISHA: www.allgedo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD