SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

March 12, 2004

TAARIIKH IYO TUSAALE (GABAY XIISO BADAN)

W/TIRIYEY:- ABWAAN AXMED-NUUR AW-MAXAMUUD JIRRAB
MUQDISHO-SOMAIA

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Karaloow damaaciga ayaan kaaga digeynaaye, naga daa gumeysigii daarraa wuu na daashadaye.

Dibindaabyadii iyo kolkii aan diidnay amarkiinna, Alleylehe dulqaadkaan ogaa kaa dafiri mayno.

Waa taa duqeydii la diray Maykal daba joogtay, waxa dibadda loo aadi waa inaan dacwoonnaaye.

Xornimo doonistii iyo kolkaan sheegnay danaheenna, saantii la daabacay kolkii lagula doodaayay.

Degennaanta waa lagu yaqaan dowladduu yahaye, ma uu diidin waxaan doonayniyo kheyrkii daalacaye, waa tii damaashaad xornimo loo dabbaaldagaye.

Idinkoo dad badan caawiya oo deeq u fidinaaya, uma baahnid duullaan haddaad magac ku doonayso.

Halladaayo dooxaa biyuhu way dur-durayaane, ciddina kuuma diidine wax badan waad daldalateene.

Haddurreyn dugaagnimada waa laga didaayaaye, macaamilo dadkoo lala socdaa lagu daneystaaye.

Dabcigaagii fiicnaa miyaad daysan kari wayday, maxaa lacagta kaa daadiyee dirirta kuu geeyay.

Dunidoo dhan baad garanaysaa dowga loo maro’ e, dabadhilif maxaa kaaga dana dowlad baad tahaye.

Ragga dayso waxaan donaynaa kii dulqad badane, dib u noqo gumeysigii dorraad doorkan socon mayo.

Deg-deg looma baahniyo fudeyd lagula soo doontay, degenaashahaagii maxaa adiga kuu diiday.

Diimaha ILAAH baa lahe daaya murankooda, dadkoo wada shaqeystaa ka roon dirir colaadeede.

Dilaalayntu waxay doonayaan diradirayn weeye, haddaan laga digtoonaan fidnadu way ka sii dariye.

Dadkeyagan is kala daadiyey ee waayo badan daalay, iyagaa daciifood cid kale lama dagaalaane.

Daalim baan ilaalini kalluun loo dal-dalanaayo, wax la loo danleeyahayba waa daya awooddayda.

Dadka xarigga lala doonayee lagu dambaabaayo, dibin daabyo kaan wadin ayaan daaya leeyahaye.

Waa maxay dareenkan batiyo qaylo dami wayday, Al-Qaacida la doonayee duurka lagu sheegay.

Dalkayaga ma joogaan kuway nagu dacweeyeene, dulmi looma baahnee haddaba beenta naga daaya.

Dunida ammaan noqota baa lagu duceystaaye, diin kale ma daandaansannee dirirtu waa caynma.

Dano gaar ah baa lagu fushaa damacii waallaaye, dadka lama kacshee nabadda waa lagu dadaalaaye.

Ducufada la sheeg-sheegayana waa la duufsadaye, dalkayaga ma soo gelin karaan dabinno sheydaane.

Dur waxaan lahayn iyo anfaco la igu dagi maayo, digrigani ALLAA soo dajoo waanu daaficiye.

Xaraf qurana lama doorin karo daa’in abidkiiye, waa waxa dubaaqiyo qalbiga noogu daabacane.

Iimaanka noo daahiray baan daaya leennahaye.

W/TIRIYAY: HALGAME: AXMED -NUUR AW-MAXAMUUUD JIRRAB

MUQADISHO - SOMALIA

XORNIMO (GABAY XIISO BADAN)

Waa taan xornimo doonistii daafaceed galaye, iminkaana dadkeenaan wixii daran u sheegaaye.

Dublamaasiygiisaan aqaan goor la doonaba’e, dibnahaaga waa laga jiraa dir-diraynta’e.

Daa lama fidneeyee wixii daran ha faaleyne, suugaanta yaaban lagu darin gabay la diidaayo.

Hoos looma daadago haddaad nabad la doonayso, dadku wuxuu u baahan yahay hanuun lagula daalaaye.

Dowyada inoo wada fura oo daaya magaceenna, iska diida kaan doonayn dib u heshiisiinta.

Dalku way isku wada baahanyahee nabadda deeqsiiya, dib dambeysa yaan loogu noqon dirirtii shaydaane.

Duufaanka yaan laga warramin daqarraduu geystay, haddii duumadii laga bogsaday dacar ha noo sheegin.

Duruufihii adkaa waa garteen in la daboolaaye, dushaa laga tilmaamaa waxaa daaya leedahaye, deeq badane waa eebbaheen khayr ha inoo dira’e.

Ma deg-dego ILLAAHEENNU wuu inoo dib dhigayaaye, Qur’aankuu inoo soo dejiyuu noogu digayaaye.

Dambigaan falaynuu khalkhiga ugu dulqaataaye, Culummada digriga haysa waa laga dambeeyaaye.

Dooqiisa kii aaminee xumaha deyn waaya, qof dayacay naftiisoow adaa diiday wanaada’e.

Dambigiyo waxyaalladuna way kaaga sii dariye, qaniimada dalkeennee dahsoon dayiba maayaane,

Wax yaroo daneysiya ayay darajo moodeene, dagaallada sokeeyiyo fidnadaan daaya leennahaye.

Dadkeennoow heshiiyaa ka roon dood la badiyaaye, damiirkii waddaniyaa xornimo doona weligiiye.

Nin kastoo dafiyayaana waa xaasid daalimahe, iimaankii soo dega qalbigu wuu ku daahiriye,

Dabeyl caafimaad iyo heshiis ha idin daaweeyo, dulqaad waxaa la farayaa inta samaha ku doodaysa, kuwa kheyrka loo diray ILAAH daa’imaa garane.

Dalka iyo dadkiisaba ninkii daacad u ahaada, dalacaad ayuu leeyahee nabad ha loo daayo.

Isagoo dareen qabin Bulshaday wada dakeeyaane, degmaduu fadhiyo kaasi waa lagu duceystaaye.

Waxa cadowga daafici karaa dowladnimo weeye, ka durkaannu leennahay qabiil waa daciifnimo e’

Daa dabin shisheeyuhu dhigtoo xoogga kala daadsha, daya dowladdeenni Cartee aanu doorashada siinnay.

damaashaadnay waa tii markii loo dabaal-dagaye, dalka iyo dadkaba waxaa la rabay inay daryeellaane.

Dulmi iyo dagaallaa ka kacay dagalladii qaare, dabadeedna loo diid inay wada dadaalaane.

Waa la soo dardaaraye miyaan waano laga daalin, RABBI nama dulleeyee maxaa nabad u diidaaya.

Danahooda mooyee xaqsoor daiyba maayaane, waa maxay dugaaggani shacbiga daaya laga waayay.

Dadkooday dhibaayaan ayay darajo moodeene, Cumar Geelle doorkii markuu dunida gaarsiiyay.

Quruummuhu siduu doonayay qalinka ku duugeenne, xornimo doonsiteennii iyagaa dowlad noo dhaliyay.

Maantana diyaar bay u yihiin dib u dhis-keennaase, Quruummuhu danteenay wadaan yaan la duudsiine.

Kuwii kuu damqday ee waqtigii adiga kuu daalay, bal ogow dadaalkii Carte ee doonay sharafkeenna.

Libaax dunida kaalmaysay oo daacadaa jira’e, geesigaa dalkiisii anfacee kheyrka nala dooni.

Doorroonaha Jabuutee na faray dib u heshiisiinta, kol hadduu fidnada nooga digay diidnay oran mayno.

Dafiraadda iyo beenta wax la iska daayaaye, kii kuu dadaalaba haddaad cay la daba joogto.

Danaheenna inaad caaridaan dowga maahayne, quursiga nin kuu diiday oo adiga kuu doodi.

Oo dowladdeennii adkayd dooni inay waato, RABBIGEY haddaayee maxaan ugu duceyn weynayn.

W/TIRIYEY:- ABWAAN AXMED-NUUR AW-MAXAMUUD JIRRAB

MUQDISHO-SOMAIA

Waano Guud: (Gabay)

Dad jeclaysigeennii hadduu dirir inoo keenay, waa wixii dorraad laga damqaday hebello soo daaya.

Dadkoo loo sinnaadaa ka roon duul la saacido e, kolba qaar durdurinaaya baa dayrka soo galaye.

Badowgii daboollani waxbuu dili yaqaannaaye, daneyste isku dirayay maqlaan oon dan ka lahayne.

Dadkooday dhibayaan ayaan daaya leenahaye, waxa lagu ducaystaa ammaan door la joogaba.

Dadkii calanka doonaa xornimo daacad u ahaaye, maba doonayaan oo kuwaa wayba ka dudayaane.

Kolkay dayiba waayeen kuwii doonay sharafkeenna, waa waxa dagaalka iyo fidnada loogu soo diraye.

Abidkood ma daayaan wixii loogu dowgalaye, dabarkii kuwii kaa jaraa laga ducaystaaye.

Doqonnimo waa tii mar hore la isku keen diraye, dabacsanaan dadkii lagu arkaa looga sii dariye.

Qaniimada dalkeennee dahsoon dayiba maysaaane, wax yaraa idiin daran ayay kugu dagaayaane.

Sharafkeenna kii diiddan iyo daalimka ilaasha, dadnimadeennu way fiican tahee nabad inoo daaya.

Dekedaha camiran xoolaha daarwaliba yaalla, nin dalkiisa aaminay ayuu kheyr ku soo dagiye.

Dibadahaad wareegtaan ayaan daaya leeyahaye, dalal kalaad u dhooftaan kolkaad keenna dumiseene.

Darbiyada shisheeyaha miyaad doorateen idinku, maxaa doonyo fuul iyo ka dana biimo lagu daalo.

Dagirtiyo galleydiyo hadhuudh doona waa dherege, macdantaa ka sii daran haddaan war iga doonayso.

Dalaggeena iyo beerahaa xoolahaa lagu dadaalaaye, dulli kii jeclaadoow annagu dowlad baan nahay.

Dusha sare ba eegoo haddaba daawo calankeenna, magaceenna kii diidayaad dabo ordaysaane.

Daciifnimada caynkaasi ah baan kaaga digayaaye, dacaayaadka beenta ah ayaad soo daldalaysaane.

Nin waliba kuwii diidayoow daaya madaxdeena, dadka caaya uun baad taqaan door la joogaba e.

Waxaad doonaysaa lama gartee beenta naga daaya, degenaanshahaa lagu helaa darajo waa weyne.

W/TIRIYEY:- ABWAAN AXMED-NUUR AW-MAXAMUUD JIRRAB

Muqdisho – Soomaaliya

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Mohamed Hussein Jim'ale
 jantiile12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD