SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 12, 2004

DHIBAATOYINKA TELPHONADA IYO DISHASHKA
[DHACDOOYIN KU WANO QAADASHO AH [K.S.A]

 abdisalam elmi   jamaame61@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

ALSALAAMU CALEYKUM.

Akhristayaal waxaan daba socdaa sheekadii fitnada iyo darsiga aheyd ee ku soo baxday boggaan SomaliTalk, 28feb2004.

Anigu shakhsiyan gabadhaasi miskiinta ah imtixaankuna uu ku dhacay[ALLAAH TOWBADDEEDII ha u aqbalo hana unaxariistee]soomalliyad umalayn maayo, sida iiga cad cinwaanka[Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah] haddii ay soomaaliyad tahay waxaa la dhihi lahaa:[DULMIGA WALAASHA SOOMAALIYADDA AH],iyo sida ay ula dhaqantay odaygeedii,iyadoo aan wax dhibaato ah ka sheeganayn, bal ku amaanaysana khuluqiisa iyo khalaqiisa wanaagsan, haddana sabab la 'aan isaga jeclaatay dad qal ugaarsade malcuuna ah,inkastoo dadkii gaalada noogu dhoofay ALLAAH ha noo ilaaiyee ay DIIN door soomid halis uyihiin, qof uun ALLAAH uu badbaadiyo maahanee, asagana is ilaaliya.

Sheekada aan sheegi rabo waxay ka dhacday SACUUDI CARAABIYA, waxaana lagu sooqaatay KHUDHBATULJUMCAH,waxayna ku tacaluqdaa dhibaatooyinka telphonada iyo dushashka, waana laba khudhbadood, sheekadiina sidaan ayuu khadhiibkii uga hadlay:Waxaanan ku hormarayaa mida telphonka:

Nin ayaa guursaday gabar da'yar oo guri joogto aheyd,markii ay guriga waalidkeed joogtay waxay isaga haasaawi jirtay telphonada,oo inta iska dirto ayey wiilasha iskala kaftami jirtay, ayadoo aan wax ujeeddo ah ka lahayn,nin ayaa guursaday,gurigii ayey ku cidlootay, inay marwo tahay way ilowday sideedii ayey telphon isaga hadalkii billowday,wiil odageeda la dhashay oo guriga qol ka dagganaa qolkiisana uu ku jiro telphon [prelal ah] ayaa la kulmay gabadhii oo nin sidii ay doonto isagala hadlaysa,cajalad ayuu sooqaatay wuu ka duubay wixii ay iskula hadlayeen,gabadhii ayuu yiri,ninkii maxaad u sheegaysay? waxay ku tiri waxba: wuxuu yiri wixii aad isku sheegayseen waan maqlayay waana kanaa hadalladiinnii oo cajaladdaan ku duuban!!!.

Miskiinah af libaax ayey ku dhacday, wuxuu ku yiri:haddii aadan isku kay dhiibin cajaladda ayaan odagaaga dhagaysiinayaa,wuxuu shaydaan ku xanbaaray inay fuxshi sameeyaan, ayadoo cabsidii ALLAAH SWT iska ilowday, laakiin odageega oo aan waxna cadaabi karin waxna jannayn karin aye ka cabsatay.

Wiilkii shaydaanku duufsaday shaqadii shaydaannimada aheyd ayuu iska watay, wuu ku caajizay, saaxiibkiis ayuu gabadhii ku yiri,haye asagana xasaabta ku darso,markii ay is tiri diid tahdiidkiisii ayuu billaabay, way aqbashay!!! laakiin akhristow maxaa dhici doona?

Saaxiibkii gabadhii wuu ka xaystay wuu soo dayn waayay,gabadha odageedii ayaa gurigii yimid,xaaskiisii ayuu ka waayay gurigii,reerkoodii ayuu la xiriray, waxayna ku yiraahdeen mahayno,meel walboo uu ku tuhmayay ayuu la xiriiray,wuuna ka waayay, magaaladii oo dhan ayaa baaritaan loogu dhaqaaqay ayadoo lala yaabbanyahay meesha gabadhii ka baxday!!!.

Wiilkii ninka la dhashay ee balada dhan billaabay saaxiibkiis ayuu ka raadiyay meeshii uu ku ogaa una sheegay inay arrini gacantooda ka baxday lana baadi goobayo gabadhii, kuna canaantay daahitaanka uu la soodaahay gabadha,wuxuuba ugu jawaabay,war naagtu mid la dayn karo maaha,shaydaan ayaa kula taliyay intaad isticmashaan labadiinnaba khaarajiya,intay isku dhiidhiibeen ayay qudhiina ka jareen!!!

Lawaa gabadhii warkeediina shaac,nin bolis ah dadkii wax ka raadinayayna ka mid ah oo meel buur ah iska maraya ayaa meeshii la duusantay,shaki ayaa galay, wuu qoday saa qof dumar ah oo si xun loo dilay ayaaba ku aasan,qaylo dhaan ayuu af labadii qayliyay,waa la isku soobaxay,maydkii baaritaan loogu dhaqaaqay,waxaa la ogaaday in la kufsaday kadibna la dilay[wiilkii hawsha ayuu geeskiisa uga jiraa,wax shaki ah lagama qabo,asagana wax cabsi ah maba muujin] manidii ayaa la baaray[shahwadii]ugu danbaysay saa ninkii ayaa la baaray shahwadiisii waaba isku mid,wiilkii walaalkii ahaa ayaa la qabtay jir dil ka dib wixii ay dhigeen ayuu sheegay,meeshii ayaana lagu dilay asaga iyo saaxiibkiisiiba.

Akhriste bal khasaarahaas fiiri xaas la'aan walaal la'aan.ALLAAHUMMUSTACAAN].

Sheekada kale waa mid gaban casharrana ka buuxaan:

Laba nin oo wadaaddo ah ALLAAH dartiina isku jeclaa ayaa mid geeriyooday,kii kale oo aad uga tiiraanyeysnaa geerida saaxiibkiis ayaa seexday,wuxuu manaam[ru'yo]ku arkay ninkii saxiibkiis ahaa ee jeclaa oo waxoogaa xaalad ciriiri ah uu ka muuqdo,wuxuu waydiiyay hebelow maxaa nooga kaa danbeeyay? wuxuu ugu jawaabay KHAYR,kaliya dishkii aan gurigaygii geeyay ayaa la igu haystaa.

Wadaadkii ru'yadii ayuu reerkii saaxiibkiis uga sheekeeyay kulana taliyay inay geedkaas sharta ah guriga ka fogeeyaan, waa ka yeeleen taladiisaas wanaagsan waana ka fogeeyeen xaaraankii reerkii.

Mar kale ayuu ku ru'yooday ninkii uu jeclaa oo loo raaxaynayo bushaaradaasna reerkiisii ayuu uga sheekeeyay,ayagiina waa ku farxeen.

Sheekh IBNU CUTHIIMIIN oo KHUDHBATUL JIMCAH uga hadlaya geedkaas wuxuu cinwaan uu uga dhigay YUKHRIBUUNA BUTUUTAHUM BI'AYDIIHIM.

H addaba waxaan iskula dardaarmaynaa inta ay goori goor tahay inaan SUNNAH AL XASANAH jidayno ee aynaan sunnah al sayyi'ah aynaan jidayn si AKHARADEENNA aynaan isaga cayaarin.

WALLAAHU ACLAM.

WALSALAMU CALEYKUM.

abdisalam elmi   jamaame61@hotmail.com

» Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD