SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 12, 2004

Cismaan kalluun oo dhexdhexaadinaya Beesha Dir koofureed iyo Safiirka Jabuuti

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Cismaan Jaamac Cali (Cismaan kalluun) oo hadda ku sugan Magalada London ayaa dhexdhexaadin ka dhexwada Safiirka dalka Jabuuti iyo Beesha Dir Koofureed,kuwaasoo isku khilaafay sidee loo qaybsan lahaa ergada kusoo aadatanta Beelwaynta Dir.

Siyaasiyiin iyo oday dhaqmeedyo ka tirsan beesha Dir koofureed ayaa dhawaan ka soo saaray shirka Mbgathi baaq ay uga dacwoonayaan safirka Jabuuti u qaabilsan ariimaha Soomaaliya, ayagoo ku eedanaya inuu soo faro gashaday arrimo ka baxsan howshiisa Diblumaasiyeed,oo uu wato bay yiraahdeen dad aan haysan kalsoonida dadkay magacooda sheeganayaan,taasoo loo malaynayo inay ula jeedaan Siyaasiyiinta rabta inay wax ku qaataan Degaanada kasoo jeeda Somaliland

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya inuu Cismaan kalluun Xiriir la soo sameeyay labada dhinac kana codsaday in arimaha la qaboojiyo oo ayna faraha ka bixin,waxaana dadkii uu la soo xirriray badiddodu ka codsadeen inuu dhaqso u yimaado Nayroobi,si uu yareeyo Mashaqada ka dhalatay Ergo qaybsiga uudhexeeya beesha Dir,waxaanse wali la xaqiijin inuu soo baxayo Cismaan iyo in kale.

Masuul ka tirsan Dowladda ku meel gaarka kana gabsaday in magaciisa la xuso ayaa ii sheegay in waxa la isku hayo ay ugu wayntahay cadaalad xumo ka dhacday qaybsigii shirkii Carta oo waa siduu hadalka udhigaye hadana la rabo in dulmigii ka dhacay Carta lagu dabakho Kan hadda ka socda Nayroobi oo ay ka dhiidhiyayaan Dir Koofureed.

Cabdi Xasan Somalitalk.Com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]