SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 12, 2004

Xil-korodhsiga Puntland Maxamed Vs Cabdillaahi

Cawl Mareero
Sultaankii Cal-Miskaad
cawl_mareero@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Waxaa beyhan socotay sheekada ah Cabdillaahi Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi oo isku khilaafsan xil korodhsiga. waxaase yaabka yaabkii noqotay halka Duq cabdillaahi Xil- korodhsiga dawladda iyo Baarlamaanka diiddan yahay in Oday Maxamed Cabdi Xaashi ku adkaysanayo.

Haddaba Waxaa laga yabaa marka Boqor hebel lagu yidha in aad Maskaxdaada ka sawirato Boqor Fahadka Sacuudiga o kale nin waddan dhan u taliya sidoo kale ha sawiran dawlad udbeheedii iyo dhigaheedii wadata markaad maqasho dawladda Puntland ama wasiir hebelka Puntland.

Markii dadkaa aaggaas deggani arkeen in aanu Hawiye weli dawladnimo diyaar u ahayn welina u sii hammuun qabo fawdada iyo is-dhexyaaca. Isaaqna xanuunkii kusii xumaanayo oo aan beryahan bogsasho laga filayn. ayey go'aansadeen bal wax uun ay ku meel gaadhaan in ay amaamudaan.

Dastuurka Puntlaandna inkstoo uu qoran yahay haddana waaba ay yartahay marka isaga dib loogu noqdo oo lagu kala baxaa. mar kasta arrimaha waxaa lagu dhammeeyaa odayeyn iyo maslaxaad. alloy majiraa Wasiir ama xubin Barlamaan oo akhriyey dastuurkaas. Ha layabin waa dad somaaliyeed.u qaado weliba kuwii ugu ilbaxsanaa in ay yihiin.

Ilaa hadda intii ay dawlad goboleedkasi jirtey wax doorasho ahi ma dhicin.

Waxaase is weydiin leh waayo? Mase loo baahan yahay? haadii Haa.

Sidee wax loo dooran? Yaa wax dooran?.

Malaha waxaaba ay ku fiicnaan lahayd intaannu Galkacyo, Burtinle, Balibusle iyo Bacaadweyn Sanduukhyo geyno dabeeddna nidhaahno 97% ayaa Cabdillaahi yusuf dooratay. looma baahna cidna been loo sheegi maayo waddamo shisheeyana la iska iibin maayo.

Waxaa jirtey khalad oo hore oo la smeeyey Markii Punland la asaasay kaas oo ahaa in Dawladda ugu horreysaa Dastuur qorto, dabeed dadku u codeeyaan, haddana doorasho la qabto xor ah xisbiyana la samaysto. mar dambe ayaa la dareemay in waxaas oo dhammi aanay suurta gal ahayn waxaanuna uu yahay Maamul Goboleed lagu gaadhayo dawlad qaran, dawladdaa qaran ee timaaddana ay ku xidhan tahay in maamul goboleedka la ictiraafo oo uu sii jiro ama aan loo baahnayan. waxaas oo hawl ah iyo dhaqaalena meel laga keenayo aan laga fiirsan.

Marxaladda hadda lagu jiro ma suuro galbaa in Puntlaand shir loo fadhiistaa? sow tan shirk Kenya waxii dhaqaale la hayey lagu bixiyo ma aha. Xaggee laga keenayaa Dhaqalaha dhawrka kumanaalka ergey la siinayo dhowrka bilood.

Sow tan dadkii abaartu laynayso oo wax la siiyaba la waayey maaha.

Sowtan duullaanka Isaaq soo yahay maaha. sow markii Caynaba iyo Ceerigabo looga daba hadli waayey midkale ma soo doonan.

Midda kale ma u malaynaysaa haddii inta shir loo fadhiisto, ergo la xulo dabeedna la yidhaa madaxweyne doorta. haddiiba ay dhacdo in ay nin aan Cabdillaahi ahayn doortaan cabdillaahin Xaggaas iyo Keenya ku soo hungoobo (Allow aanu ku soo hungoobine) uu aqbalo oo sidaa ku tago. ha sugin!!!!!!!!!!!.

Sow runtii arrika Cabdillaahi Yusuf Ha lagaa sheego ma aha.

Waxaa jirta in Baarlamaanka lagu qaybsado hab Qabiil. Haddaba qabiilkii doonaya in ay xubnohoodii beddelaan si dhib yar kuwo cusub ha u soo magcawdeen iyakoo aan wakhti iyo dhaqaale midna lumin.

Haddii wasiirada labeedlayan Dee Kolleyba Cabdillaahi ayaa magcaabi jireye hadduu doona maantaba ha beddelo giddigoodba kolley Xashiish ma waayayee.

Hadal iyo dhammaantiis Maxamed cabdi Xaashina Xaqiiqduu ogyahay Cabdillaahina Raad gadashuu wadaa..

waaxaba lagu sheekaystaa in ay tahay arrin ay isla ogyihiin oo dadka Riwaayad loo jilayo.

Cawl Mareero
Sultaankii Cal-Miskaad
cawl_mareero@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

 QORAALADII HORE EE CAWL

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD