SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB

March 13, 2004  

Jawaabta Qoraalkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen: Cabdirisaaq wuxuu doonayaa in dawadii bukootay uu Soomaaliya ku dabiibo!

Daabaco Boggan | Print
Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada ee Elman
» Soomaaliya:  intii u dhexayasey 10-kii maarso 2003, illaa 9 ka maarso 2004, waxaa la diley 1052 qof, waxa la kufsaday 61 dumar Soomaaliyeed, waxaa la afduubay 186 qof...
» Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey oo qiray in deegaanka lagu beero daroogada...
warbixinta oo dhan akhri

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

 Qoraalkan wuxuu falcelis u yahay Warqad Furan oo ku taariikhaysanayd 9-ka Maarso, 2004 oo lagu daabacay bogagga internetka Soomaalidq ee Somalitalk iyo Goobjoog oo uu mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar noqday ra'isul wasaarihii dalka Soomaaliya  (1964 -1967) uu ku soo tebiyay fikirkiisa ku aadan waxa xal u noqon kara hirdanka xagga awoodda iyo xukun ku dirirka ee dalka Soomaaliya ee ay horseedayaasha ka yihiin beelaha Hawiye iyo Daarood ee muddadii ka danbaysay curashadii qaran Soomaaliyeed oo madax bannaan oo sida talantaaliga iyo kaltanka ahna u wada ahaa hormuudka sed bursiga xagga talada iyo xukunka dalka oo wada alamsaday awoodihii wax ku oolka ahaa ee dalka ugu sarreeyay ayagoo cantuugadana kaga bogtay. Malaha waxay ku sifoobeen oraahdii Soomaalida ee oranaysay " Digaag qurun wuu wada cunaa balse aftirashaduu isku dhaama"!. Haddaba si loo bixiyo jawaab waafi ah oo ku haboon qodobbada iyo firkradaha uu Cabdirisaaq ku nuuxnuuxsaday ayaa qoraalkan jawaabta ah wuxuu si kooban uu diiradda u saari doona bidhaaminta dulduleelada iyo turxaanta ku jirta qoraalka Cabdirisaaq, wuxuuna ilays ku iftiimin doona cilladaha iyo naquska ay xanbaarsanyihiin fikradaha uu mudane Cabdirisaaq ku soo bandhigay qoraalkiisa.

Mudane Cabdirisaaq wuxuu qoraalkiisa ku billaabay su'aasha ah:  ..." ma rabtaa in nabad, xasillooni iyo midnimo lagu soo dabbaalo waddankaaga hooyo, Soomaaliya?". Dabcan jawaabta uu qof kasta oo Soomaali ah uu ka bixin karo su'aashan waa haaa, marka laga reebo qawlaysatada (buracadda iyo mooryaanta) wax ma garatada ah iyo kuwa tirada yar ee ku tanaaday, kuna hodmay dagaalladii sokeeye iyo burburkii dalka gaaray oo uu ka baaba'ay damiirkii beni'aadannimo, muslinnimo iyo kii Soomaalinimo mooyaane oo ay dan gaar ah ugu jirto fawdada iyo nolosha u dhiganta nolosha dugaagta iyo duur joogta ee ay Soomaalidu maanta ku nooshahay. Sidoo kale markuu sifaynayay qaabka iyo hilinka (wadada, dhabbaha) ugu haboon ee loo mari karo gaaridda arrimaha kor ku xusan wuxuu carabka ku dhuftay arrimo ay ka mid yhiin "madax daacad ah, karti iyo aqoon dhab ah leh, kasbi karta kalsoonida aqlibiyada dadweyneha". Sifaadkan iyo tilmaamahan waa sifaad aan muran iyo dood ka taagnayn oo dhammaan Soomaalida qaybaheeda kala duwan ay isku waafaqsanyihiin balse sida uu xusay ay adagtahay in la qeexo qofka madaxda ah ee buuxin kara sifaadkan. Maadama ujeeddada qoraalkan jawaabta ah ay tahay abbaaridda gun dhowida iyo qoto dheeraan la'aanta fikradaha uu soo jeediyay Cabdirasaaq Xaaji Xuseen marka la eego sida ay oogada sare oo keliyah ay uga salaaxaan dhibaatada gaamurtay ee la xiriirta isu dheelitir la'aanta xagga xukunka iyo awoodda dalka Soomaaliya ee muddada badan halka dhinac u janjeerayay waxay sadarrada xiga bidhaamin doonaan cilladaha ay xanbaarsanyihiin fikradaha Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Wuxuu yiri: "Inkastoo aan garan karo jawiga waqtigaas jiray, weli waxaan rumeysnahay in qalad weyn iyo aragti gaaban ayey ahayd markii shirkii Carta (Arta), ee Djibouti, lagu sharciyeeyey in talada ama maamulka qaranka saldhig looga dhigo fiiro qabyaaladeed (4.5)...dadkii shirkaas ka qayb galay waxay, si aan toos ahayn (indirect), muujiyeen in sababta dagaalladasi ku dhaceen ay jid/gar ahayd, ee sidaas darteed qabyaaladdu, hadda ka dib, noqotaa mitirka talo qaybsiga qarameed lagu jaangooyo. Si dhug leh ma loogu dhabba galay sida nidaam qabyaaladeed iyo mid qarameed ay u heshiin karaan?"

Ra'yiga iyo fikradda kor ku xusan ee uu qabo Cabdirisaaq waa danankii durbaantii Soomaalida loo tumayay muddadii ka danbaysay madax bannaanidii Soomaaliya. Waa isla fikradihii goboobay ee iska indha saabayay qaab dhismeedka iyo sifaadka mujtamaca Soomaalida. Waa isla fikradihii isku khaldayay is ururaysiga beni'aadamka  (human association) oo ah baahi uu beni aadamku  kala mid yahay naflayda koox kooxda iyo wadar ahaanta u wada nool. Wacdaraha bayolojiga (biology-cilmiga noolayaasha) waa mid wax lagu qaato. Bal eega oo u fiirsada sida shimbirba uu shimbirka ay isku jaadka yihiin uu ula duulo!. Qaran iyo qaabiil way is qaadi karaaan, waxayna isu qaadi karaan sida uu mudane Cabdirisaaq iyo Soomaalida kale ee u soo hayaamay wadamada Kanada , Australia. Maraykanka iyo Yurub ayan Soomaalinimadoodii sinna u wiiqin ama u baabi'n oo ayagoo hiddahoodii, dhaqankoodii, diintoodii, afafkoodii ay xor u ah haddana daacad u ah xeerka iyo nidaamka u yaalla wadamada ay ku noolyhiin. Bal qiyaas  haddii wadamada ay Soomaalidu ku noolyihiin ay soo rogaan tallaabooyin is dhexgal iyo isku milmid dirqi ah? Ma tahay cadaalad? Jawaabtu waa maya.Sow gef iyo khalad ma aha in halis loo arko Soomaalinimada ay ku dheggenyihiin Soomaalida dibadaha u soo haajiray? Muwaadinka Soomaaliga ah asagoo abtirsi, tol, qabiil, qowmiyad iyo gobolaysi ku dheggan  ayuu haddana qaranku daacad u ahaan karaa. Bil xaqiiqaha qabyaaladdu waxaa loo adeegsan karaa qaab faa'iido iyo manfac horseedi kara. Tusaale ahaan waxaa jira nadariyad la yiraahdo "Social Capital"-ra'sumaal bulshadeed. Ra'sumaal bulshadeed waa shabakadda iyo isku xirnaanta bulshada dhexdeeda oo ay ka mid tahay is tolaysiga iyo wixii la mid ah oo culimada cilmiga bulshadu ay xaqiijiyiin in ay wax wayn ka tarto la dagaallanka denbiyada magaalooyinka baaxadda wayn ee dadka ku nooli aanu ka dhaxaynin wax is xigsasho ah. Gunta dhibaatada Soomaaliya waa awood bursiga iyo si xun u adeegsiga qabiilka xaqdarrada ah ee ay beelo gooni ah fara maroorsadeen awood shacab malaayiin ah ka wada dhaxaysa tasoo loo aanayn karo qaran dunka ku habsaday Soomaaliya.

Waa khiyaali iyo hawaawi iyo is inkiraad u dhiganta qof muraayad isku eegay oo diidan muqaalkiisa iyo bidhaantiisa. Ma waxaa jira beni'aadam qaab dhismeedkiisa iyo sifaadka bulshadiisa ay isku mid yihiin? Xisbiyada iyo ururrada siyaasadeed ee maanta ka jira caalamka ugu horumarsan sida Germany iyo Japan ee  awoodda iyo xukunka dalka u baratama (u tartama, u loolama) oo markay doorashadu dhamaato xukunka ku qaybsada qaab wadaag  iyo isbahaysi ururro ah ee jagooyinka dawladda lagu beego xisbi kasta miisaanka codka uu doorashada ka helay  maxaa sal u ah?. Waxaa sal u ah wax loo yaqaanno "Cleavage". Waa erey micno badan leh balse cilmiga siyaasaddu uu ka soo amaahday cilmiga daraasaadka dhadhaabta iyo oogada dhulka (Geology). Waxaa loo adeegsadaa  sifaynta dildilaaca iyo tararka dhex gala dhadhaabta iyo dhagxaanta oo lagu tusaaleeyay misaalna looga dhigay oo lagu shabahay kala qaybsanaanta iyo kala dhantaalka ku jira danaha iyo masaaliixda beni'aadamka oo aan marnaba isku mid noqon karin. Waxaa la is waydiiyay maxay dhadhaabtan ama dhagxaanta isku midka ah ay u yeeshaan dildilaacyo  iyo qarqooryo marba dhinac isu raac raaca oo la moodo in ay is muhanayaan. Malaha waa sidii oraahdii "Webiyo isu ooman". Waxaa la isla gartay in waxa u keena dhadhaabta iyo dhagxaanta in ay marba dhinac isula dildilaacaan uu  beni'aadamkuna sidaa ookale uu yahay oo dano kala jaad ah uu isku raaco. Haddii webiyadu isu oomeen maxaa u diiday  beni'aadamku?. Xisbi kasta oo adduunka ka jira wuxuu leeyahay sal (cleavage ah) oo noqon kara sal diineed, dabaqad, isir (reer, qabiil, qowmiyad), aydiyoolajiyad, deegaan juqraafi ah (sida Maraykanka). Ma is waydiisay sababta xisbiga dimuqraadiga ah ee wadanka Maraykanka uu taageerada xagga doorashada ee ugu badan uu uga helo wilaayadha koonfurta dalka Maraykanka ku yaaalla?. Qofka codeeynaya marka uu galo goob cod bixineed murashaxa uu dooranayo muxuu ku dortaa?. Wuxuu ku dooranayaa sababaha kor ku xusan mid ka mid ah ama kuwo kale oo asaga (iyada) u gaar ah. Waa beeralay oo xisbiga murashaxa ayaa u ballanqaaday in haddii uu xukunka la wareego uu meel marin doono sharciyo faraya kabid iyo baritaar loo fidiyo beeralayda. Ama waa ganacsade, waa xoogsade, waa qof madow ah, waa qof cadaan ah, waa qof u dhashay dadka laga tirada badanyahay, waa qof diin gooni ah leh, waa qof xagga aydiyoolajiyada ay bahwadaag yihiin ama dano kaloo gaar ah ayaa ugu jira. Qofka codeeyaha ah qaabka uu codkiisa u dhiibto kama dhigayso mid halis uu ku geliyo qarannimada dalka. Masalan codeeye  weligiisa u codayn jiray xisbiga dimuqraadiga ah ee wadanka Maraykanka sinna looguma tilmaami karo muwaadin aan wadani ahayn oo koox gaar ah oo bulshada ka tirsan u heelan. Ileen dastuur iyo nidaam  si takoor la'aan ah xuquuqda muwaadin kasta  u damaanad qaadaya ayaa jira oo abuuray xuquuq lama taabtaan ah oo ood dastuuri ah lagu hareereeyay oo xisbi kasta oo dalka qabta ka mamnuucaya inuu ka soo tallabo ayaa jira. Haddaba waxaa is waydiin mudan maxaaa Soomaalida ku dhejiyay qabiilka oo ay u xajisanayaan oo aysan u daynayn?. Jawaabtu waa mid iska cad. Bulshada Soomaalida weli ma helin wax badiil ah oo ay ku doorsadaan qabiilka marka laga hadlayo is abaabul siyaasadeed. Qarankii u horseedi lahaa marxalad qaab qabil aan lagu cabirin  danaha siyaasadeed oo masalan ay aydiyoolajiyaddu sarrayso oo aqoontii iyo horumarkii bulshada Soomaalida heerkaas gaarsiin lahaa u guntan lahaa ayaaba noqoday dab dhaxmooday iyo dawo buukooytay oo awood qaybsi qabiil oo dhinac u xagliya loogu wanqalay. Midda kale waxaa la is waydiin karaa  ma dhab baa mise waa dhalanteed halista la huwiyay qabiilka? Xaqiiqda dhabta ah waa: Halista qabilka kama wayna halista ka imaan karta kala qaybsanaanta kale ee beni'aadamka ku dhex jirta sida kala duwanaanta xagga isirka, diinta, dabaqadda iyo fikirka xagga aydiyoolajiyada. Dagaalkii sokeeye ee wadanka Spain(1936-139) ma qabiil buu ku salaysnaa?. Jawaabtu waa maya. Waxaa  dagaalkaas ka qayb qaatay kumanaan ka kala yimid dunida daafaheeda oo ay ku jireen tiro badan oo ka tirsanaa dhallinyaradii Briten ee raacsanaa siyaasadaha bidixda sida hantiwadaagga oo naftooda u huray sidii ay guushu ku raaci lahayd kuwa ay aydiyoolajiyadda bahwadaagta ku yihiin. Halista aydiyoolajiyada ayaa 10 jibaar ka wayn halista qabyaaladda. Soomaalidu haddii uu qabiil Ilaahay quluubtooda maanta ka wada masaxana waxay berri ka maalin ku diriri karaan aydiyoolajiyad, dabaqad iyo wixii la mid ah. Waa sal laawe fikradda ah in qabyaalad aan sed bursi iyo is takoor qaawan ku dhisnayn ay Soomaaliya halisa u tahay. Qofka muwaadinka Soomaaliga ah wuxuu ahaan karaa Digil iyo Mirifle oo afkiisa ku hadla, dhulka uu degganyhay maamula isla markaana ah wadani ay Soomaalinimadu ku dheertahay. Soomaaliya waxa u horseeday masiibada ay maanta ku jirto waa  qabiil si xaqdarro ah loo adeegsaday ee ma aha qabiil cadkii uu xaqa u lahaa oo keliyah goostay. Waxaa is waydiin mudan maxaa u horseeday shucuubta hore u maray in ay nabad ku wada noolaadan? Waxaa u horseeday, waxay garwaaqsadeen in ay kala duwaanaan karaan ayagoo hal dawlad qaran wadaaga. Waa bulsho uu xukumo sharci. Waa bulsho is qaddarisa oo aan is dafirin, oo oggol is ururaysiga beni'aadamka.Waa bulsho dimuqraaddi ah oo aaminsan in qof kasta oo mas'uul ah lala xisaabtamo oo uusan qaban xil aan loo dooran.

Haddii uu Cabdirisaaq uu is leeyhay qaaciddada 4.5 (afarta beelood iyo barka) ee markii ugu horraysay ay Soomaalidu adeegsatay shirkii Carta ee Jabuuti waxay ahayd "qalad weyn iyo aragti gaaban" oo duruufaha markaas jiray unbaa qiil looga dhigay muxuu u soo bandhigi waayay qaab kale oo beddela qaaciddadan. Sow ayaan darro ma aha in dhiig daatay iyo silic farabadan ka dib uu ka tusaala qaadan waayo waxa uu Soomaali baday awood qaybsi dhinac u janjeera!. Qaaciddada awood qaybsiga qabyaaladda  iyo isirka ku dhisan ma ah wax adduunka ku cusub oo waxaa jira wadamo uu ka mid yahay  wadanka Fiji oo adeegsada qaaciddada loo yaqaanno (liis beeleedka-Communal Roll) oo qaab qoondo cayiman ah lagu beegay tirada beel kasta oo ay beelaha mid waliba baarlamaanka qaran u soo xulato ergada matalaysa. Nidaamka qaaciddada 4.5 wuxuu ahaa nidaam aad uga dib dhacay wakhtigiisii waxaana lagu doodi karaa in haddii nidaamka qaaciddada 4.5 la qaadan lahaa 1960-kii Soomaaliya uusan dagaal sokeeye ka dhici lahayn Soomaaliya oo aysan beelo gaar ahna isu arki lahayn in ay yihiin dhibanayaal dulman yihiin.

Bal u fiirsada sadarrada kore iyo kuwa xiga sida ay isu burinyaan oo ay caksiga isugu yihiin:

" Sida la wada ogsoon-yahay, waxaa jira (jirta) labo reer oo si gaar ah isu fiirsanaya ama u ficil-tamaya: D (=Daaroot) iyo H(= Hawiye). Labadaan reer si weyn ayey wax u kala tirsanayaan. Waa sheeko muddo dheer soo socotay, welina socota. Dadweynaha kalena wax weyn ayuu ka tirsanayaa labadoodaba.Hoggaanga xukunka oo labada reer (D iyo H) midkood ama labaduba qabtaan wuxuu noqon karaa qoryo xansaso ah oo dab la saaray?. Intii ay xoogga saari lahaayeen wacyi waddaninimo iyo horumar guud, waxay waqti iyo maalba ku lumen-doonaan tartan, awood ku looltan(power struggle) iyo xoog-qabiil isugu faan, taasoo deg-deg u horseedi karta colaad cusub iyo sii kala fogaansho horleh. Qiyaas cad ayaa laga qaadan karaa sansaanka iyo "record"-ka dadka maanta walaalahay D iyo H safka hore ugu jira loollanka hogaanka xukunka. Ummadu waa ka daashay dagaal iyo xunguruf ku salaysan qabyaalad, oo koox yari danaheeda gaar ah ku beer dulucsato. Dadweynahu taas waa ku liqanyooday, waxaanaan rajaynayaa inuu ka soo jeedo. Wuxuu maanta doonayaa (maaha u baahan-yahay) nabad, xasillooni, dib-u-heshisiin iyo dib-u-dhisid, si uu uga soo kabto bur-burkii iyo barakacii uu ku soo jiray in ka badan 14 sano".

Sidaas darteed, daawadu maanta waxay ku jirtaa in labadaan reer ay ka tanaasulaan saddexda jago ee u sarreeya jagooyinka qaranka: Madaxweyne, Ra’iisul Baarlamaa iyo Ra’iisul Wusaare 5ta sano oo KMG ah. Saddexdaas jago waa in loo doortaa madax ka soo jeedda dadweynaha kale ee aan ku abtirsan labadaas reer (D iyo H).Dadweynahaas kale wuxuu tabanayaa, dhabna ah, xaq darrooyin iyo tacaddi; wuxuuna sheeganayaa, oo badibana wax ka jiraan (si ay ku noqotayba), in laga bursaday talada/ maamul qarameedka, ilaa qaarkood ku dhawaaqay goosasho. Arrimahaasu garowsho iyo daawo ayey u baahanyin ama mudanyihiin, waana ayaan darro haddii si weyn loo tixgelin waayo."

"Walaalahay D iyo H waa inay si fiican uga fiirsadaan taladaan. Kursi qof iyo labo ku fariisato, waxaa ka faa’ido badan daryeelka danta guud. Waa ogahay in qofkii rabaa oran karo dad gaar ah ayaa Cabdirisaaq ula jeedaa taladaan. Anigu waxaan leeyahay, oo iga dhab ah, qof (qofaf) toona ulama jeedo. Waa arrin iigu muuqatay in daawo ay u noqon karto xaaladda maanta lagu suganyahay. Waa talo dabin looga boodayo, ee maaha mid loola jeedo "joogto".

"Waa shan taan sano oo lagu magacaabay "Ku Meel Gaar (KMG)". Xukunku maaha, oo keliya, madaxweyne iyo ra’iisul wusaare, iwm. Walaalahay D iyo H saami weyne ayey ka qaadan karaan maamulka dawladda, waxayna ka ciyaari karaan dowr weyn dib-u-heshisiinta iyo dib-u-dhiska qarankooda, waana ku waajib. Sidaas bayna magac, muunad (sharaf) iyo tixgelin weyn kaga kasbi karaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo adduunweynahaba. Maxaa ka sharaf iyo qiimo badan xaqaaga oo aad uga tanasushay daryeelka danta (maslaxadda) guud ee Qaranka?"
RA'YIGII DADWEYNAAH EE 2001
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 |

RA'YIGII DADWEYANAH ee 2002

Waa kaaf iyo kala dheeri ismana qaadi karaan in uu Cabdirisaaq uu ku doodo mar in qaaciddada 4.5 ay ahayd "qalad weyn iyo aragti gaaban..oo ay "noqoto mitirka talo qaybsiga" waa sida uu u dhigaye oo uu marna isla sadarrada xiga uu ku soo bandhigo isla "mitir" qabyaaladeed. Waxaaba abuurmaya shaki ah: ma isla qofkiiba qoray!

Mudane Cabdirisaaq wuxuu oo jeediyay fikrad cusub goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Nuxurka fikriddan uu uu is leeyhay waxay u horseedi kartaa Soomaaliya xal waxay tahay: in  shanta sannadood ee xilliga ku meelgaarka ah saddexda jago ee dalka ugu sarraysa ee madaxweynaha, ra'isul wasaaraha, iyo af-hayeenka baarlamaanka loogu yabooho oo deeq ahaan loo siiyo waxa uu ugu yeeray "Dadweynaha kale" ee aan ahayn labada beelood ee Hawiye iyo Daarood. Waa s'uaale yaa deeqda awoodda dalka bixiya? Ma beelo ayaa beelo kale ugu deeqa? Taa waxaa loo fasiran karaan beelo gooni ah ayaa  mudnaanta sare leh oo Eebbe gallad u siiyay xukunka iyo talada dalka Soomaaliya

Fikraddan waa mid turxaan bixin u baahan oo uu ku jiro naaqus iyo cillad. Mudane Cabdirisaaq wuxuu ku dhiirtay in uu carrabka ku dhufto Hawiye iyo Darood dhawr jeer asagoo beelaha kale ee Somaalida ee uu leeyahay xukunka shanta sanadood ah ha lagu wareejiyana uu magacooda ka warwargeegay oo uu ku tlimaamay "dadweynaha kale"). Hadda waa su'aale inta kale ma "dadweynaa"?!. Hawiye iyo Daarood waa beelo miyaa? Qaybaha kale ee Soomaalidana ma "dadweynaa"?. Malaha xarfaha Digil iyo Mirifle carabkiisuba ma qabto!. Mar wuxuu kuu doodayaa in awood qaybsiga qabiilka ku dhisan uu yahay awood qaybsi khalad ah marna wuxuu soo xigtay mudane Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar (Madaxwaynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya) oo sida uu sheegay laga hayo in uu yiri "Dadku ha kala barto raggiisa (madaxdiisa)" oo loola jeedo sida  uu u dhigay in " xukunka..loo sinnaadaa, oo hadba qofof talada loo dhiibaa, si dadweynahu u kala bartaan madaxdooda iyo si ay u caddaato in qof/qofof ama reer/reero gaar ahi aysan si joogto ah u layn hoggaanka xukunka". Hadalladan aan is qaadi karin waxay daliil iyo tusaale u yihiin heerka uu gaarsiisnaa garaadka siyaasadeedka ee dadkii hoggaanka xukunka dalka Soomaaliya muddada badan hayay oo munaafiqnimada ku sifoobay.

Digil iyo Mirifle ma aha masiixiyiinta tirada yar ee dalka Labnaan (Lebanon) ee uu dastuurka Labnaan u qoondeeyay jagada maqaar saarka ah ee  madaxwayne aan awood fulin lahayn, mana doonayaan in loogu yabooho oo deeq ahaan loo siiyo jago iyo mansab la hubo in ay maalintay noqotaba ku gaarayaan qaab dimuqraaddi ah haddiiba berri ka maalin muwaadin kasta oo Soomaali ah gacanta loo geliyo xaqa codaynta doorashada oo la hubo in tiradooda Soomaalida badankooda ka dahsoon ay la fajici doonaan oo sida shiicada reer Ciraaq iyo Oroomada Itoobiya ay Soomaalidu ku indha furan doonto miisaanka tiradooda!. Digil iyo Mirifle waxay jireen ka hor intaysan Soomaalidu yeelan dawlad Soomaaliyeed oo sidata magaca Soomaali. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa afkiisa laga hayaa mar uu ka qayb qaadanayay barnaamij dood ah oo ku saabsanaa goosashada Soomaliland oo ka baxay BBC Somali 29/02/2004 in uu yiri Soomaalidu maba aqoon magaca Soomaali wixii ka horreeyay dawladda qaran ee u curatay sanadkii 1960. "Qofka Soomaaliga ah marka la waydiiyo yaa tahay? qabiikiisa ayuu sheegi jiray". Hoggaankii  Soomaaliya ka talinayay muddadii ka danbaysay xorriyadda ee qabyaaladda xaqdarrada ah iyo sed bursiga  ku dhisnaa waa kan Soomaaliya maanta gaarsiyay heerkan liidnimada ah. Waa kan aqoonsan waayay afka Maayga oo ka hor madax bannnaanidii Sooomaliya laga sii dayn jiray idaacaddii Raadiyo Muqdisho. Sow ayaan darro ma ahayn in dawladihii Soomaaliyeed ay afka Maayga cabburiyaan oo uu isticmaarkii Taliyaaniguna uu Raadiyo Muqdisho ka sii daayo!?. Waxaa maanka ku soo dhacaya tusaale la yaab leh. Qofkii so booqday ama deggan wadanka faca wayn ee Britain ee dhisay imbaraatuuriyaddii (empire) ugu baaxadda waynayd  ee adduunka oo afkiisa (af-Ingiriis;) ku wada faafiyay adduunka oo maanta shucuubta caalamka afka labaad u noqday waxaa ku yaalla gobol af kale looga hadlo. Gobokan waa gobolka Wales. Waa gobol afkiisa (Welsh) uu Baarlamaanka Britain uu xeer gaar ah uu ku aqoonsaday. Afkan wuxuu ku qoranyahay rukhsadaha baabuurta,(Driving Licence). Waxaa lagu dhigaa dugsiyada iyo dhaammaan goobaha waxbarshad. Qof aan ku hadlin shaqo kama heli karo dhulka miyiga ah ee ay ku noolyihiin dadka afkan keliyah ku hadla. Waxaa jira BBC Wales oo telefishin iyo idaacado  ah oo sii daaya barnaamijyo afkan. Waxaa uu ku qoranyahay boorarka tilmaamaya soohdinta uu gobolkan la wadaago gobollada kale ee wadanka Britain. Waa af deegaannada looga hadlo kaga jira darajada koowaad oo leh mudnaan gaar oo laga sara mariyo afka Ingiriiska meelaha looga hadlo. Bal isku qiyaasa Soomaaliya oo shalay qaran noqotay oo is dhexgal qaran oo buuxa weli yeelan oo beel beel weli u qaybsin in ay dafiraan jiritaanka afka Maaayga halka Britan oo aad  uu faca waynna ay sharci baarlamaan ku ansixiso jiritaanka iyo maqaamka afka Welsh oo si barbaryaac ah ugu garab qoran afka Ingiriiska.?

Gebogabadii iyo gunnaanadkii, qoraalka Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu xanbaarsanyahay fikrado aad u gun dhow oo aan qoto dheerayn oo is burinaya oo aan cidna caad ka saarnayn sida ay caksi isugu yihiin. "Mitir" awood qaybsi qabiil ah buu ka soo horjeedaa wuxuuna kaas ku bedelay "mitir"kale oo ka qiyaas daran kan uu diidanyhay. Wuxuu ku guuldarraystay in uu soo bandhigo qaab cilmiysan oo looga guuri karo qaabka uu diidanyhay. Ummad jirta ayuu magcooda dafirayaa oo uu "dadwayne" magac laawaayaal ah ugu yeerayaa. Wuxuu ku dhiiranyaa in uu carabka ku dhufto Hawiye iyo Daarood wuxuuna ka warwareegayaa in uu afka ku dhufto Digil iyo Mirifle. Wuxuu yiri fikradda uu soo jeediyay ee ah in xukunka shanta sannadood ee ku meel gaarka ah "dadwaynaha kale" loogu tanaasulo "...ma aha mid joogto ah...dabin baa looga boodayaa". Waa su'aale dabinka uu maldahayo muxuu yahay?. Dabcan wuxuu ula jeedaa Digil iyo Mirifle ayaa waxay hormuud u noqonayaan una nuglaanayaan in uu dal shisheeye sida Itoobiya uu isticmaaloo, waxayna caqabad ku noqonayaan dib u soo noolaanshaha qarankii Soomaalida ee buburay. Si kale haddii loo dhigo wuxuu ula jeeda Digil iyo Mirifle gooni bay isu arkaan (wayba isu arakaan, waana xaq in ay isu arkaan), wadaninimadooda ma qoto dheera oo Xabashida iyo wixii la halmaala ayay u adeegayaan haddaan xukunka awoodda shanta sannadood ee ku meelgaarka ah lagu sasabin waxay noqonayaan kuwo loogu daw galay qaran Soomaaliyeed. Sidaa aawadeed sida uu qabo si looga boodo dabinkan waxaa uu xal ahaan u soo jeediyay in loogu deeqo jagooyin. Xaashaa Iillaah. Isku soo wada duubo waxaa hubanti ah in qaabka qaaciddada 4.5 ee afarta beelood iyo barka ama qaab dimuqraaddi ah oo ay xisbiyo ku tartamaan xukunka dalka kay noqotaba aysan qowmiyadda Digil iyo Mirifle midna ku hungoobayn. Waxaa gef ku ku ah garaadka wax-garadka Digil iyo Mirifle in shan sannadood oo aan "joogto ahayn...oo dabin looga boodayo" sida uu Cabdirisaaq hadalkiisa u dhigay loogu deeqo qowmiyadda Digil iyo Mirifle. Deeqda xukunka iyo awoodda dalka miisaanka tirada dadka u dhashay iyo qaab dimuqraaddi ah ayay Digil iyo Mirifle ku gaarayaan ee ma aha wax beelo goonni ah laga baryayo. Dhamaa waagii uu nin gabayaa ah uu ku tiraabay " Maandeeq hasheenii markii caanaheeda haruubka lagu shubay duul yar baa dhamay". Dhamaa waagii xukunka iyo awoodda dalka uu gacanta ugu jiray beelo miisaanka tiradooda aan si xaqiiqo ah loo hubin ay sed bursi wax ku maamulayeen.Alloow yaa Soomaalida reer reer u tiriya oo nafar kasta beesha uu ka dhashay diiwaan geliyaa!. Aqlabiyadda aamusan ayaa soo daahiri lahayd!. Dhamaa waagii lacagta dawladda ka soo gasha canshuuraha laga qaaday dhiil yar oo caano ah oo ay dhabarka ku siddo haweenay taag daran oo magaalada Baydhabo caanaheeda u soo iib gaysay iyo suuska badarka ah ay madax ku sheeg  dhiig miirato ah ay ku bixin jireen sidii oorida (afada, xaaska) uu hayo buseelka iyo jamashada loo aaneeyo uurka haweenka ay ugu soo carro gedisato magaalada Paariis ee wadanka Faransiiska ayagoo markaas teleefon kula xiriira safaaradda Soomaalida ee Parisa. (Sow wax dhakafaar laga qaado ma aha in safaarad dawlad qaran hawlaha noocaas ah fuliso!?). Daarood iyo Hawiye waxay mudoo dheer alamsanayeen laf iyo jiir, waxayna weligooda ahaayeen waraabe lud lagu raray. (Lud waa hilib oo xukunka lagu maldahayo.). Hadda se waxaa baryay waa cusub iyo jamhuuriyad cusub. Awoodda dalka qabiil ama qowmiyad gooni ah gallad looma siiyo ee waxaa lagu kasbadaa miisaan beeleed saami quman ama qaab dimuqraaddii ah oo waxaa garsoore garta gooya noqonaya sanduuqa cod bixinta. Qowmiyad walbana wixii awood ah ee ay ka hesho cod doorasho oo aan lagu shuban sidii ururkii xisbiga isu rogay ee SYL uu yeeli jiray oo caddaalad iyo xaqsoor ku dhisan ayay xaq u yeelanaysa waxa ka badanna heli mayso. Waa sidii ay Soomaalidu hore u tiri: " Weel walba muggiisuu qaadaa!"

Tifaftirka Baidoa.com :

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan: Ujeeddo: DOORASHO MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.. Guji

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD