SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 16, 2004  

Xasan Cabdule Qalaad: Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee Itoobiya u xiran waa arin la xiriirta Dowlad Ilaa shanaysa Nabadeeda

Waxaa wararkan soo ururiyey
C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Xasan Cabdule Qalaad oo sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Xariga Qaar ka mid ah Maamulka Gobolkaasi Hiiraan ay ku xiran yihiin Gudaha Dalka Itoobiya waxaa uu ku tilmaamay inay Itoobiya ku Ilaa shanayso Amaanka dalkeeda.

Xasan Cabdule Qalaad oo isagoo Jooga Magaalada Nairobi waraysi aan la yeelanay ayaa waxaa uu sheegey in Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee Itoobiya u xiran ay tahay arin la xiriirta Dowlad Ilaa shanaysa Nabadeeda,isagoo intaasi ku daray in Odayaashan ay tahay arinta loo xiray mid la xiriirta Laba beelood oo ku dagaalamay Gudaha Dalka Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye Xasan Qalaad.

Dhinaca kale waxaa uu sheegey Xasan Qalaad inay Xiriir wanaagsan lee yihiin Maamulkiisa iyo Dowlada Dalka Itoobiya isagoo sheegay in ay taasi la macno tahay nabad kuwada noolaansho laakiin waxaa uu ka gaabsaday inuu sheego Sababta uu uga hadli layahay hadiiba ay xiriir wanaagsan leeyihiin Itoobiya.

Mar aan wax ka waydiinay Xasan Qalaad sidee ayay macquul ku tahay in aad sheegetaan Maamulka Hiiraan mar hadiiba aynan hanan Karin Amaanka Guud ee Gobolka Hiiraan,dhawaana waxaa bartamaha magaalada B/wayne ka dhacay fal aad u fool xun oo ah mid lagu Xasuuqay dad Rayid ah oo Gaari la socday,ayaa waxaa uu sheegey in ay arintaasi tahay mid laga xumaado isagoo dusha ka saaray Dhalinyaro uu sheegey inay yihiin kuwo aan Damiir la’hayn waa sida uu hadalka u dhigaye

<><><>

Jaamacada Carabta ayaa maanta taageeray hishiiskii 29 january Kooxaha Somalida ku gaareen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Jaamacada Carabta ayaa waxaa waxaa ay sheegeen inay aad ula dhacsan yihiin Qaabka uu iminka usocdo shirka Kenya iyo Hishiiskii 29 January,waxayna Hogaamiyaaasha Somalida ku amaaneen sida ay ugu Dhabar adeegeen ka mira dhalinta shirka Kenya ee looga hadlayo Nabad laga Aslaaxiyo Guud ahaan Somaliya

Jaamacada Carabta sidoo kale waxay Qaramada Midowday ku amaantay Go’aanka ay ka qaadatay Hishiiskii 29 January ee Kooxaha Somalida ku gaareen Magaalada Nairobi ee Xarunta u ah Dalka Kenya waxayna ka codsadeen inay meel marinyaan waxa ay balan qadeen

Caamir Musa oo ah Xoghayaha guud ee jaamadaca Carabta iminkana Booqasho ku jooga Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegey inay somalida ka taageeri doonaan dhiacyada Dhismaha iyo Dhaqaalaha,iyadoo uu sheegay inay jiraan shirkaddo Carbeed oo diyaar y ah inay ka howlgalaan dalka somaliya mar ka ay dowlad u dhalato taasina waxay ku xiran tahay buuyiri Caamir Musa Hogaamiyayaasha Somalida oo ka mira dhaliya shirka uga socda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com

<><><>

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2004 

 Xaabsade: "Sheekh Aadan Madoobe Waa imankaraa Baydhabo Haddii aysan lasocon Gen. Morgan iyo Danjire C/laahi": Xaabsade oo tibaaxay inay taageersan yihiin shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya ayaa.. Guji 16/3

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD