SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

March 19, 2004  

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/009/04 London, 18/03/2004

Ujeedo:- Wafdiga uu hogaaminayo Col. Dahir Riyale

Mudanayaal, Marwooyin walaalayaal

Dhab ahaan ma ahan mid aan maanta u tabineyno adduunweynaha iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed xaalada murugada leh ee soo wajahday dalkeenii hooyo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sida aad la socotaan waxaa yimid magaaladan London wafdi uu hogaaminayo mas'uulka ugu sareeya maamulka gobollada waqooyi ee Soomaaliya, kuna dooda in ay gooni isaga taageen Jamhuuriyadda Soomaaliya inteeda kale MD. Dahir Riyale.

Ujeedada socdaalkoodu wuxuu ahaa in ay la kulmaan madax iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Ingiriiska una gudbiyaan sababaha keenay gooni isu taaga ay ku dhawaaqeen 17 Maajo 1991dii, isla markaana aqoonsi u heli lahaayeen.

Waxaan hubaa in qofka kasta oo Soomaali ahi ka dharagsan yahay xaaladdaha la doonayo in lagu marin habaabinayo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, sida burburka gaarey gobolladan waqooyi ee Soomaaliya waxaa ka mas'uul ah gobollada koofureed ee jamhuuriyadda Soomaaliya, sababtaas iyo kuwo kale ayaan kula noqoneynaa madaxbaanideenii.

Hadaba ku guuleysasho la'aanta lagu guuleysan waayay in la qaldo ra'yul caalamka laguna qaldo beentan la dhoodhoobay, isla markaana xubno ka mid ahaa kuwii wax ka geystay burburka baahsan ee ku dhacay Soomaaliya ku doodaan waxaan la noqonay midowgii aan la midoownay gobollada Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960kii waxay gef ku tahay guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu si cad u cambaareynayaa cid kasta oo u olaleyneysa in Soomaaliya ay noqoto imaarado ay ka taliyaan qabaa'ilka dagan.

Hadaba anaga oo aqoonsan xaqqa uu muwaadin kasta u leeyahay in uu la kulmo wadan madaxdiisa si dimuqaraadi ah loo soo doortay iyo xaqqa ay mas'uuliyiintan u leeyihiin kulan ay la yeeshan madaxda ay martida u yihiin ayaan rajeynaynaa in uusan noqon mid Soomaaliya sii kala fogeeya ee uu noqdo mid isu soo dhaweysa Soomaalida guud ahaan.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cabasho ku saabsan arrintan u gudbin doonaa madaxda iyo baarlamaanka dowladda Ingiriiska in aysan marna ku dhiiran in Soomaaliya la qeybiyo ama noqoto imaarado taladeedu ay leeyihiin hogaamiyayaal danta guud ka horumarinaaya danahooda gaarka ah.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

C/casiis Cali Ibrahim  xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD