SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 19, 2004  

C/Qaasim oo aad u Dhisaday Socdaalka Riyaale Ku tegey UK

iyo Ciidamada Khaaska ee Wadanka Ingiriiska oo laba jeer Isbuucan Gudihiisa Howlgal ka Fuliyay Qeybo ka mid ah Gudaha Wadanka Somaliya

 

Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Somaliya Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo sheegey inay aad u dhibeyso Socdaalka ay London ku joogaan Wafdiga uu horkacayo Madaxwaynaha Somaliland Mr,Daahir Riyaale Kaahin

Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo manta ka qeyb kalay Gabagabadii Siminaar Mudo Afar maamood ah u socday maamulka iyo Ciidamada Madaniga ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu amaan u soo jeediyay Ciidamada madaniga ah iyo maamulkooda oo uu sheegay inay wax wayn ka qabteen Bilihii ugu danbeyay waxaana uu dhanka kale uu sheegay inay manta muqdisho ay daganaansho ay dhaanto sidii ay ahayd Bilo ka hor waa sida uu hadalka u dhigaye

Madaxwaynaha Dowlada KMG ee Somaliya Dr,C/qaasim Salaad Xasan ayaa eedeen kulul usoo jeediyay Xubno ka tirsan Dowlada wadanka Ingiriiska oo uu Tibaaxay inay ka talinayaan kala jarka Dalka Somaliya isagoo arintaas ka hadlayaa waxaa uu yiri Dr,C/qaasim Salaad Xasan"iyadoo uu sheegey Danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Somaliya in aysanI Dowlada Britin Casumin Riyaale iyo Wafdiga uu horkacayo ayaa hadana waxaan aad uga xaruunsanayaa Olalaha ay wadaan Qaarka mid ah Dowlada Britin oo Damacsan inay kala Qeybiyaan dalka somaliya iyo dadkiisa intaba"sidaana waxaa yiri Madaxwaynaha Dowlada KMG ah ee Somaliya

Dr,C/qaasim ayaa waxaa uu dhanka kale uu ka hadlay arinta Dowlada Itoobiya oo uu had iyo jeer ay Dowlada KMG ah ay ku eedeyso inay Somaliya umaleegeyso Cadaawad inaysan Somaliya ka bixin,isagoo intaasi raaciyay in Itoobiya ay dalka soo gelisay Hub aad ufarabadan taasi oo cadeynaysa buuyiri Cadaawada ay Itoobiya u ahyso Somaliya waxaa uuna beesha caalamka mar kale ka codsaday inay Ilgaar ah ku eegaan Dowlada Itoobiya waxa ay ka wado Gudaha Somaliya

Munaasabadaasi ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Madax ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada KMG ah Axmed Gacal iyo Genaral,Maxamed Xaaji Maxamed oo isna ah Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dowlada KMG ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Mustaf Muqtaar Guudow oo Garab fadhiyay Madaxwaynaha Dowlada KMG ah,

Siminaarkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 117 ka mid ahaa Ciidamada Madaniga ah iyo Maamulkooda intaba waxaana soo qaban qaabisay Wasaarada Arimada Gudaha ee Dowlada KMG ah ee Somaliya

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Ciidamada Khaaska ee Wadanka Ingiriiska ayaa laba jeer Isbuucan Gudihiisa Howlgal ka Fuliyay Qeybo ka mid ah Gudaha Wadanka Somaliya Sida ay Qortay Jariirad ka mid ah kuwa kasoo baxa gudaha wadanka Ingiriiska

Warkan oo aan ka Soo Xiganay Jariirada Magaceeda la yiraahdo Sunday British ayaa waxaa ay shegtay in Ciidamo Tiradooda ay dhan tahay Lix ka mid ah Ciidamada Khaaska ah ee wadanka Britin ay Howlgal ka fuliyeen gudaha wadanka Somaliya iyagoo watay Diyaarad Magaceeda la yiraahdo"British Specail Air Service"taasoo lagu baacsanayay Shaqsiyaadka la sheegey inay Xiriirka la leeyihiin Ururka wayn ee AL-Qaacida ee uu Gudoomiyaha u yahay Shiikh Usaama Bin Laadin

Saarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga ee Britin oo Codsaday in aan Magaciisa lashaacin ayaa waxaa uu Jariirada Suanday British u sheegay inay Howlgal kasoo Fuliyeen Tuulooyin ka mid ah Dalka Somaliya,isagoo intaasina ku daray inay ku guul dareysteen inay Gacanta kusoo dhigaan Shaqsiyaadkii ay Raadinayeen ee ka Tirsanaa Ururka AL-Qaacida

Sanadkii Hore ayay ahayd markii uu Maraykanka uu soomaaliya ku sheegay inay tahay Meel ay Gabaadka dhigtaan Qaarka mid ah Al-Qaacida,iyadoo uu Maraykanka uu hishiis la kalay Qaarka mid ah Hogaamiyayaasha Somaliyeed oo ay ka mid yihiin Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dhere)oo ah Gudoomiyaha Siyaasada Gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana ah Gudoomiyaha Ururkii Dhawaan looga dhawaqay Jowhar ee La Magac baxay Golaha Abaabulka Qaranka Somaliyeed iyo Maxamed Qanyre Afrax oo ah isna Gudoomiyaha Ururka USC,laakiin Maxamed Qanyare ayaa arintaasi beeniyay oo ku tilmaamay inay tahay Dacaayad Dhinaca Siyaasada ah

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
 garyare20@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD