SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

March 1, 2004

BBC-du Dadkay Kala Dishaa
 

MAXAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]
February 20, 2004 | Faafin: March 1, 2004
abdall02@email.franklin.edu 

HORDHAC:

Walaalayaal gabaygan waxa curiyey Maxamuud Axmed Cabdalla [shine] waxana lagu magcaabaa sida kor ku xusan. Sida xaqiiqda ah BBC-da sida ay isu dhigto way ka duwan tahay, sababta oo ah, wararka oo aan si run ku salaysan loo baahin, fikradaha dadweynaha iyo indheergaradka oo qaar ka mida la cabudhiyo, iyo weliba nacayb ay ka dhix fidiso ummadda soomaaliyeed. Anigu ra’yigan keli kuma ihi xataa Abshir Bacadle gabay dhaliila ayuu u tiriyey BBC. Dhibka haddii aynaan ka hadal, innaguun buu ina qarsan doonaa. Gabayga qaybo badan ayaa ku jira, wuxuna farta aad ugu fiiqayaa in ay jiraan ilo kale oo hadda lagaga maarmi karo BBC-da. Akhris wanaagsan wixii fikrado ahna waan soo dhoweyn. Email: abdall02@email.franklin.edu 

Gabaygiina sidan buu u dhacayaa:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

BBC-du dadkay kala dishaa kala dillaashaaye
Waa dawan iblays tumayo oo laysku dagayaaye
Waa diradiriyo eex qarsoon jaahil damaciise

Dadkeenniyo dalkeennii burburay dakharradii gaadhay
Dembi baan ka saaraa warkay dawdabahayeene
Dagaalladii sokeeyaha fidnay nagu duwaayeene

Saxaafadaha dunidee xorta ah tani ka diimmoone
Raga daaddeheeyaa sirbay nagu deyaayaane
Hadba kooda gaalka u debcaa duubka loo xidhiye

Ninkii daacadnimo lagu ogaa dooxa loo eriye
Ducaaliyo Siciidiyo ka tage Haydarana daaye
Ina Xaajigii ugu darnaa debedda loo saarye

Daabaan jin iyo jaanabaa diiraddow sida’e
Dadka inay cabbudhiyaan ayaa loox ku daabacane
Dabka olola waxay dhawrayaan dirir colaadeede

Dardar geliya beentay qalbiga kaga dahaadheene
Soomaali duminteeda iyo docadocaynteeda
Waa darammal shaydaan waxaad derejo mooddeene

Daacadnimo ha joogtee runtay dalab u yeelaane
Damiirkoodu wuxu noolyahaan uga digaayaaye
Dhegihii daloolaan rabaa inaan ku duubaaye

Dacwaddayda Soomaaliyeey aan idin deeqsiiyo
Dunidii midowdoo beryahan waa dar iyo ceele
Dalaabaadyo badan baa jiriyo ila war doorroone

Idaacadaha darandoorriyaa waa dareemada’e
Talafishanno dananaaya iyo shabakad doodaysa
Internet waa diyaar aaladaha laysku daawado’e

Durba haatuf talifoona baad sii dalwinaysaaye
Degdeg baad u heli faalladiyo xaajo kaa dedane
Waa laga dallacay daasaddii duud marka ahayde

Dacartiyo suntay baahiyaan loo dardaar weriye
Alla doori waxay doonayaan inaan dullownaaye
Dadoow diida BBC waa duumo iyo booge

Email: abdall02@email.franklin.edu 
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004

Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»BBC-da: SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA [Salahudin]
»BBC WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY?
»"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED"
»Cudurka Aidska iyo BBC-du maxay wadaagaan?  [Cali]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD