SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

March 20, 2004

Warbixinta shirka ee toddobaadka 13 ilaa 19-Maarso.04
Xeer Nidaamka Wajiga Seddexaad iyo Socodka Shirka Nabada oo IGAD 18.........................

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
 IGAD iyo beesha caalamka ayaa 13-bishan kulankii 4-aad ee wasiirada ku qorsheeyey qorshahan in uu ku socdo shirka soomaalida ilaa 22-maarso wasiirada Arrimaha dibada IGAD kulan ku yeelan doonaan dalka Jabuuti.

A:- 7- ilaa 10-maalmood dib u dhigid taasoo la sugayo odoyaasha dhaqanka Maqan iyo dhaqaalaha ku bixi lahaa wajiga 3-aad ee shirka oo midawga yurub laga sugayo.
16-bishan ayaa la qorsheeyey in qaar ka mid ah Igad iyo beesha caalamka tagaan magaalada Jawhar iyagoo la kulmaya hogaamiyayaasha halkaasi ku sugan.
17-bishan ayaa la qorsheeyey in beelaha soomaalida tagaan goobihii loogu talagaley in ay ku qaysadaan beel waliba 61-ka kursi ,isla maalintaasi waxaa la soo saarey xeer nidaanka wajiga 3-aad ee shirka iyo socodka shirka Nabada Soomaalida.

Xeer Nidaanka ayaa looka la qaybiyey 4-marxaladood oo kala ah.
1-Marxalada Koowaad.
Qaybinta kuraasta Golaha Shacabka oo ah ah labo boqol iyo todobaatan iyo shan(275).
1-Tirada loo qoondeeyey beelkasta waxaa sameyn doonaa ergooyinka beeshaasi.
2-Ergada ka qayb gali doonta hawshani waxay ka kooban yihiin.
I-Hogaamiyayaasha siyasada Soonmaaliya.
II-Hogaamiyayaasha Dhaqanka .
3-Ergada waxaa laga doonaya in ay :-
I-Umagacaanaab Guddoomiye shirarka (waxaa mudan Hogaamiye Dhaqameedka ugu faca weyn).
II-magacaabaan 3-Ergay oo ka mid noqota Guddiga dhexdhexaadinta wajiga 3-aad.
III-kuwa loo xulay xubinimda guddiga dhexdhexaadka waxaa la dhaarin doonaa ka hor inta qaybinta rasmiga la bilaabin.
IV-Uqaybiyan beelkasta tirada loo qoondeeyey oo ah 61-xubnood Jilibyada /Jifo-hosaadyada Beesha.
4-Qabka ugu danbeeya ee tirade kuraasta jilibyada /jifo hoosaadyada besha loo qeybiyey ayaa guddoomiyaha shirarka Beeshu wuxuu usoo gudbin doonaa Ergeyga Gaarka ah, Waxaana hubin doona guddiga Fududeynta IGAD.
Marxalada Labaad.
Habka Xulida.
1-habka xulida waxa uu ka dhici doonaa heerka jilib/jifohoosaadyada beesha ,ergada la filayo in ay ka soo qayb galaan marxaladan waa hogaamiyeyaasha siyaasada iyo kuwa dhaqanka sida uu ku cadeeyey qoraalka wasiirka A. Kenya.
2-Habka xulda eek or lagu soo tilmaamey (lam.Kow)waa in ay soo ansoxiyaan hogaamiyeyaasha dhaqanka ee rasmiga ah.
3-Liiska kama danbeysta ah ee xubnaha Golaha shacabka Jilib/Jifo hoosaadyada beesha waxaa loo gudbinayaa ergayga gaarka ah waxaa la hor dhigi doonaa xubnha gudiga fududeynta IGad si ay u hubiyaan.
4-cid kasta oo dooneysa in ay racfaanka qaadato goaanka beesha gaartey waxay cabasho u gudbin kartaa guddioga dhexdhexaadinta ee beesha .
Marxalada Seddexaad.
Doorashada Guddoomiyaha Goloha Shacabka iyo labada guddoomiye ku xigeenka .
Guddiga Doorashada.
1-doorashada ka hor waxaa la dhisi doonaa guddi doorasho oo xikiisu yahay la socodka habka magacaabista iyo doorasha ku xigta.
2-Guddiga doorashada waxa uu ka koobnaan doonaa 5-xubnood.
I-labo xubnood oo guddiga fududeynta IGAD.
II-hal xubin oo ka socota beesha caalamka (IPF).
III-qof muwaadin Soomaali ah oo la qadariyo.
IV-hal qof oo madax banana.
3-xilka gudiga waa hubinta in dhamaan musharixiinta isu soo taagay jagada ay buuxuyaan shuruudaha lagu tilmaamey Qoraalka Axdiga iyo Dastuurka KMG.
4-kuwa u gudba in ay u tartamaan jagada waxaa magacyadooda loo gudbun doonaa dhamaan xubnaha golaha shacabka.
5-codeynta waxay noqon dontaa mid qarsoodi ah oo ay xubnaha golaha shacabka ee la soo xulay ay ku dfoortaan guddoomiyaha.
6-nidaanka kala reebka musharixiinta wuxuu noqon doonaa mid lagu tilmaamey Axdiga KMG ee Jamhuuriyada Federaalka Soomnaaliya.
7-Qofka loo doorta Guddoomiye Golaha shacabka Qarnka KMG ayaa la wareegi doono hawsha Doorashada Madaxweynaha Marka la dhaariyo ka dib.
8-Marxalada Afaraad.
1-Guddoomiyaha GSHQ KMG ayaa hogaamin doona hawsha doorshada Madaxweynaha.
2-Guddiga doorashada waxauu sii wadi doonaa hubinta dhamaan musharixiinta u tartamaya madaxtooyada ay buuxiyaan sharuudii lagu soo sheegay Axdiga KMG ah.
3-kala reebka Musharixiinta waxaa loo mari doonaa sida la qoray Axdiga KMG>
4-Doorashada ka dib waxaa la dhisi doonaa guddi qaban qaabiyaxaflada dharta madaxweynaha Jamhiiriyada Federaalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale qorshada IGAD eeku aadan shirka Nabada Soomaalida ayaa ka qabsoomay oo kaliya In casuumaad loo diro Odoyaasha dhaqan ku maqan soomaaliya ,waxaa kaloo IGAD magacowdey 5-goobood ee beelha soomaaliya wallow 17-kii ergada iyo hogamiyaasha intooda badan tageen goobahaasi.
Igad ayaa ku guuldareystay in ay sdib ugu soo celiyaan hogaamiyayaasha ku maqan Soomaaliya oo shuruudo Adga soo hordhigay ku soo laabashada shirka.
Tan iyo markii xubnaha IGAD ay ka soo laabteen magaalada Jowhar ayaa wali ka soo bixin wax goaan ah oo ku aadan shirka oo markale hakad galyey .

Goaanka igad laga sugayo ayaa ah mid aan lagu degdegi Karin waayo hogaamiyaasha jooga shirka ayaa iyagana qarka u saran in ay soomaaliya meel kamid ah tagaan oo ay gole kale iyagana sameeyaan sida G-8 ,Tng-shirka,ururada bulshada garabka / SRRC iyo qaar ka mid SRRC-da oo ku hanjabaya in ay baxayaan .

IGAD iyo beesha caalamka ayaa walwal ka muujiyey Tirada hubka ay dawlada Itoobiya siineyso hogaamiyayaasha gacan saarka la leh.
War aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada xudur loo gudbiyey 6-gaari oo hub iyo rasaas ah ,4-gaari magaalda Jawhar iyo 8-gaari magaalda garoowe .
Waxay kaloo IGAD iyo beesha Calamka golaha amaanka ka codsadeen in soomaaliya loo diro guddi xaqiiqo raadinta hubka si loo ogaado tirade ku korortay hubka in ay kolkii hore soo xaqiiyeen guddigii hub ka dhigista iyo dhaqan celinta ee shirka nabada iyo beesha caalmaka uu hogaaminayey General Josof Musambe oo ah la taliyaha IGAD ee dhanka hibka iyo ciidamada.
Kooxaha kale eek u sugan magaalda Nairobi eek ala ah Golaha samata bixin iyo dalda KMG , G-8 iyo Ururada bulshada garabka kale ayaa isui diyaariyey in ay qaataan warqada aqoonsiga shirka ee wajiga seddexaad.

Maalmaha soo socod ayaa IGAD iyo Beesha Caalmka laga sugayaa talaabada xigta ee shirka nabada soomaalida oo haatan si lama filaan ah hakad u galay.
Dhamaad.
Abdikarim Adern Hussein.
Nairobi ,Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2004 

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD