SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

March 20, 2004

 Shirkii Lagu Maaweelinayey Soomaalida oo Qarka u Saaran Burbur

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Wararka maanta oo Sabti ah kasoo baxaya caasimada dalka Kenya ayaa tibaaxaya in shirkii Soomaalida uga socdey halkaas uu qarka u saaran yahay in lagu kala dareero.

Mas'uul weydiistey in aan la magcaabin ayaa SomaliTalk u sheegay in sababta ugu weyn ee shirku u burburayo ay tahay "Soomaalida oo ka daaley maaweelada aan dhammaadka lahayn iyo IGAD oo aan Soomaalida soo hor dhigin qorshe cad oo Soomaalidu ku qanci karaan iyo hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan wax dan ah u hayn shacabka maatada ah".

Mas'uulkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay "in hoggaamiyayaasha dagaalka Soomaaliyeed ay ogyihiin haddii Soomaaliya ay dawladi ka dhalato lala xisaabtami doono, waayo mudadii dalku dawlad la'aanta ahaa waxay dalka ku beereen daroogo, waxay xaalufiyeen dhirtii, waxay dhoofiyeen xoolaha dhedig, waxay fududeeyeen in si sahal ah loo xaalufiyo kalluunka iyo khayraadka kale ee badda, waxay dalka keeneen kuwo ku aasa sun halis ah, waxaana intaas oo dhan ka daran ayaga hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed sheegta oo waxaas oo dhan iska indha tiraya iyo shacabka Soomaaliyeed oo aan inaba taas ku baraarugsanayn ama la jaah wareeriyey oo lakala qoqobay".

Mas'uulkaas Soomaaliyeed waxa uu yiri "Soomaaliya waxay nabad uga dhalan la' dahay waa dadka Soomaaliyeed oo hilmaamay diintooda muqadaska ah: bal fiiri shineemooyinka filimada xusxun ee ka furan Soomaaliya oo xataa culimadii aysan ka hadlayn, bal eeg jaadka ay ragga iyo dumarku wada ruugayaan, bal eeg heesaha lagu xayaysiinayo derbi kasta ayadoo dadkii gaayo iyo aqoondari ku habsatey, waxaa taas ku sii darsamay Hay'adaha loo baxsaday NGO oo ay wataan dad dano qalaad wata oo lacag ku cuna dhibta Soomaaliyeed iyo dawladaha deriska la ah Soomaaliya oo gumeysta dhul Soomaaliyeed oo aan miciin bidnay (xusuusta NFD & Soomaali galbeed), waxaase is weydiin leh, ayuu yiri, qof qayb dhulkaaga ah gumeysta sidee qaybta kale nabad ugu ogolaan karaa horumar asagoo og in dhulkaas lagu sheegan doono, waxaana taas kuugu daliin ah shirka dabada dheeraaday ee kenya ka socdey 16ka bilood ee Soomaalida lagu maaweelinayo waqtigana looga dhuminayo si ay u soo baxaan fac ama jiil aan wax aqoon ah lahayn oo aan cid la xisaabtami karayn, waxaana in badan arkaysaa in hoggaamyayaasha Soomaliya laga dhex raadinayo mid aan muwaadin ahayn  oo madaxa loogu salaaxo in uu soo dhiso xukuumad nacamle ah".

Wararka maanta oo sabti ah waxay sheegayaan in Xuseen Caydiid oo ku hadlayey magaca 17 hoggaamiye uu sheegay in dhexdhexaadiyayaasha shirku ay maqli waayeen dhinacooda, sidaas daraadeedna uu ku hanjabey in ay gebi ahaanba ka bixi doonaan shirka.

Eeg halkan....SOMALIA LATEST NEWS

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD