SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB

March 21, 2004

Dumar Soomaaliyeed ee Holland oo taageeray nabadeynta Soomaaliya

Qore: Asha H. Elmi
asha_elmi@hotmail.com

Waxaa 13kii Maarso 2004 lagu qabtay magaalada Den Haag -Holland Shir (conferens) ay ka soo qaybgaleen dumarka Soomaliyeed ee ku nool dalka Holland.

Shirkaa waxaa soo abaabulay Urur Ocean Training & Promotion Xafiiskiisa Holland, waxaana Maalgeliyey Hayada NOVIB ee The Netherlands. Shirku wuxuu socdey hal maalin, waxaana furtay Faduma Yassin oo ka tirsan ururka OTP kadib markii ay soo dhaweysey ka qaybgalayaasha shirka waxay warbixin kooban ka bixisay ujeedooyinka kulanka iyo waxyaabaha la filayo iney ka soo baxaan.

Ujedooyinka shirka waxaa kamid ahaa:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

1.In la xoojiyo Network (wadashqeynta,iskawarqabka iyo xog is dhaafsiga)dumarka Somaliyeed ee Holland iyo ururada haweenka ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka jira.

2.In la helo istrateejo mideysan ee sare loogu qaadayo kaalinta dumarka Soomaalida ee Holland kaga aadan nabadeynta iyo dibudhiska dalkooda;

3.In haweenka Somaliyeed ee qurbaha ku nool guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Holland ku sugan lagu baraarujiyo laguna wacyi geliyo sidii ay u garab istaagi la hayeen gabdhaha Soomaliyeed ee ku sugan shirka Nabadeynta iyo Dib u heshisiinta ee Nairobi kuwaas oo u halgamaya in la maqlo codkood nabaddoon isla markaana la sugo cadkooda dumarnimo.

Kadib markii si fiican looga dooday warbixino wax ku ool ahna la dhegeystey ayaa waxaa shirka ka soo baxay qodobadaan:

1.In baaq tageero ah loo diro dumarka halgamayaasha ah ee ku sugan Shirka nabada ee Nairobi looguna hambalyeeyo guulaha ay soo hoyiyeen isla markaana loo mahadceliyo dhammaan ciidii gacan ku siisay halgankooda;

2.In Bulsho weynta adduunka (International Community) la gaarsiiyo geedi socodka halganka nabad raadinta haweenka Soomaliyeed halka uu maraayo iyo dhibatooyinka hortaagan, lagana codsado taageero iyo taakuleyn intaba.

3.In la magacaabo guddi loogu magancdaray (Somali women peace makers group in Holland),

4. In hoyooyinka Soomaliyeed ku daraan barbaarinta carruurta dhaqan nabadeed(peace culture) si jiilalka soo socda ay u noqdaan kuwo u janjeera nabada si looga badbaado burbur iyo dagaalo ku yimaada markale Ummadda Soomaliyeed.

Ugu dambeyntii waxay dumarkii Somaliyeed ee shirka ka soo qaybgalay ugu baaqayaan dhammaan ka qaybgalayaasha shirka Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iney meel uga wada soo jeestaan sidii shirku u noqon lahaa mid miro dhala ummadda Soomaliyeedna u soo celiya sharaftoodii iyo karaamadoodi luntay.

Haweenka Soomaaliyeed ee dalka Holland


Qore: Asha H. Elmi
asha_elmi@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD