SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB

March 24, 2004

Daahir Riyaale iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Brussels

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

Ingiriis@yahoo.com

 

 

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin iyo wafdi uu horkacayo ayaa xalay fiidkii yimid magaalada Brussels ee waddanka Belgium, iyagoo ka soo duulay dhinaca London. Waxa ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Zaventem ee waqooyi galbeed Brussels.


Maxamed Dacar

Daahir Riyaale oo soo gaarey Brussles

Isla xalay waxaa munaasabad soo dhoweyn ah hotelka Hilton ugu sameeyey dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Belgium, France iyo Holland. Maxamuud Cabdi Dacar oo ah wakiilka Somaliland ee Belgium oo hadalka furay ayaa sheegay inay Belgium ku soo dhoweynayaan Madaxweynahooda iyo wafdigiisa.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in shacab iyo dowladba ay reer Somaliland maanta ka wada shaqeynayaan sidii ay aqoonsi ku heli lahaayeen, waxaanu nahay ayuu yiri dad ujeed iyo mabda’ leh oo meel ka soo wada jeeda.

Waxaa kaddib hadalka lagu wareejiyey Daahir Riyaale oo marka hore ka mahad-celiyey sida diirran ee ay dadkiisu u soo dhoweeyeen iyo dadaalka ka muuqda. Waxa uu xusay in safarkiisa Qaaradda Europe uu yahay safar howleed ay dowladda Ingiriiska martiqaad kaga heleen.

Nalama aqoonsana oo ma nihin dowlad la aqoonsan yahay ayuu yiri laakiin kulamo ayaanu yeelannay madaxda Ingiriiska, rajo inuu ka soo bixi doono kulannadaas ayaan filayaa. Waxaad mooddaa ayuu yiri in dadkeennu ay wax fahmaayaan, waxaasoo ah in Somaliland ay wax noqoto, aqoonsina waynu helaynaa.

Dadkii madasha isugu yimid ayaa hal mar sacab u tumay markii Daahir Riyaale uu qeexay in dadka jooga dhulalkan qurbaha ay dib ugu noqon doonaan waddankoogii haddii aqoonsi la siiyo. Dalkii waa in lagu soo biiriyaa ayuu yiri aqoon iyo murugba oo aad dalka ku laabataan.

Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay inuu arkay London carruur ku dhalatay Europe oon aqoon Somaliland meel ay ku taallo oo u soo baxay wadajirkeeda. Maalintii dhoweyd ee aan Baarlamaanka Ingiriiska ka khudbeynaayey ayuu yiri waxaan arkaayey isku duubnida dadkeenna, waana inaad isugu tagtaan buu yiri sidii Somaliland ay meel u mari lahayd.

Waxaa dabadeed halkaas ka hadlay Axmed Qarda-jeex oo ka tirsan ururka Naasa-Hablood ee ka dhisan Belgium oo sheegay inay qalbi iyo niyadba u hayaan waddankooga, ayna ugu duceynayaan Madaxweynahooda iyo wafdigiisaba in waxay rajeynayaan ay helaan.

Kaddib waxaa hadalka lagu soo dhoweeyey Maxamuud Xaaji Booq oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo baara taariikhda Soomaalida oo sheegay inuusan arag muddo 50 sano ah ciidda Soomaaliya. Markuu intaas yiri ayuu sara-joogga ka faniinay isagoo ilmeynaya, taasoo dhalisay in dadkii goobta joogay ay qiiro waddaniyadeed wada foorsadaan.

Maxamuud Xaaji wuxuu hadda deggan yahay waddanka Faransiiska, muddo dheerna wuxuu ku noolaa dalka Vietnam, halkaasoo uu carrabaabay inay ku nool yihiin dad gaaraya 20,000 oo asalkoodu Soomaali yahay oo aan laga war-qabin, uuna ku soo sameeyey cilmi-baaris (research).

Madaxweynaha maamulka Somaliland waxaa safarkiisa Brussels ku wehliya xaaskiisa Huda Barqad Aadan, Adna Aadan Ismaaciil Wasiirka Dibadda, Cabdullaahi Maxamed Ducaale Wasiirka Warfaafinta, Axmed Xaaji Daahir Cilmi Wasiirka Qorsheynta, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) Wasiirka Maaliyadda, Daahir Cali Ciid iyo Xuseen Xasan Guuleed.

Maalinta Khamiista ah ee berito ayay tegi doonaan dhismaha xarunta Midowga Yurub, halkaasoo ay kula kulmi doonaan saraakiil ka tirsan waaxda horumarinta u qaabilsan Midowga Yurub, waxaana kaloo ay is arki doonaan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Yurub. Kaddib, waxaa lagu wadaa inay waddanka Jarmalka booqan doonaan.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2004 

Nolosha Soomaalida Belgium & Holland
Warbixintii Maxamed Xaaji "Ingiriis" ka akahri halkan  

Ammaanka oo la adkeeyey meelo ka mid ah Yurub iyo Daahir Riyaale oo la sheegay inuu imaanayo Brussels
Magaalada Brussels oo ah caasimadda waddanka Belgium, xarunta Midowga Yurub iyo tan gaashaanbuurta NATO waxaa aad loo adkeeyey ammaanka iyo nabadgelyada.. Guji...  

Dumar Soomaaliyeed ee Holland oo taageeray nabadeynta Soomaaliya
Waxaa lagu qabtay magaalada Den Haag -Holland Shir (conferens) ay ka soo qaybgaleen dumarka Soomaliyeed ee ku nool dalka Holland...
Guji...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD