SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALLO

March 25, 2004

MAQAALLO JAWAAB U AH QORAALKII CABDIRISAAQ XAAJI XUSEEN:

  • Warqadii Furneed ee Mudane Cabdirisaaq X. Xuseen,Jahwareer iyo dood baa laga dhaxley
  • Cabdirizaq Xaaji Xuseen ma Quusto miyaa?

Warqadii Furneed ee Mudane Cabdirisaaq X. Xuseen, Jahwareer iyo dood baa laga dhaxley

Sahal Sugule
sahalsugule1@hotmail.com

Warqadii furneed ee ka timid mudane Cabdirisaaq X. Xuseen waxay Soomaalida ka dhax dhalisey jahwareer, ismaan- dhaaf iyo dood macno dara ah.Ruuxba si buu u fahmey,qolo waliba waxay u qaadatey in beshooda ama hogaamiyahooda lagu riixayo iyo in warqadu u jeedo iyo dano siyaasadeed gaar ah ay xanbaarsantahay.In arinta sidaas loo qaatey waxaa u daliil ah jawaabaha warqada laga bixiyey.Tusaale hadaan u soo qaato dadkii kuu soo jawaabey qaar ka mid ah,waxaa kamid ahaa Muxidiin Calasow oo warqadaada u qaatey in Hawiye wax u diidan tahay oo wuxuu ku yiri “qoraalkii Md.C/risaaq Xaaji Xuseen ee Xiligaan waa mid u jan jeera dhinac iyadoo la cuskanayo xaqiiqooyin ay ka mid yihiin sida uuu canbaareeyay qaybsigii shirkii Carta iyo natiijadisii, sidoo kalana shirka Kenya ee dib u heshiisiinta soomaalida oo socda 17-bilood in ka badan soona maray marxalado badan oo is bad badal leh kana cakirnaan badan xaalada shirka ee maanta kama hadlin Md.C/risaaq Xaaji Xuseen intaas hadiise mara-xalada maanta loo fiiriyo qoraa-lka waxaa kuu muuqanaysa in wareega miisaanka shirku raad ku leeyahay labada Beelood mid ahaan {tan uu ka soo jeedo} haddii aysan xaaladu sidaas ahayn wuxuu hadli lahaa intii hogaanka shirka uu u gacan badanaa Col:C/llaahi Yuusuf oo ay isku Beel ka soo wada jeedaan filkirba ha ku kala duwanaadaane waa in la gaaraa maalin la ogaado in tiro iyo tayo wax lagu dooranaayo”.

» Cabdirisaaq xaaji Xuseen iyo Cismaan Axmed sheekh [Shaafici]

» Naqdintii Qormadii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen [Calasow]

» Maxaa ka jira in Daaroodku Kornayl C/laahi Yuusuf ku taageerayaan damaciisa madaxweyne ee Soomaaliya? [O.A. Sheekh]

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan: Ujeeddo: DOORASHO MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.. Guji

Nin aan magaciisa magacaabin hase`ahaate isku sheegey in uu yahay tafatiraha webside-ka Baidoa.com, wuxuu warqadii mudane Cabdirisaaq u qaatey in digil iyo mirifle lagu liidayo oo la rabo in si ku meel gaar ah loogu dhiibo jago madaxweynenimo oo maqaar saar ah oo awood lahayn,madaama mudane Cabdirisaaq yiri “daawadu maanta waxay ku jirtaa in labadaan reer ay ka tanaasulaan saddexda jago ee u sarreeya jagooyinka qaranka: Madaxweyne, Ra’iisul Baarlamaa iyo Ra’iisul Wusaare 5ta sano oo KMG ah. Saddexdaas jago waa in loo doortaa madax ka soo jeedda dadweynaha kale ee aan ku abtirsan labadaas reer (Darood iyo Hawiye)”.

Tafatiraha Webside-ka qoraalkiisa waxaa ka mid ah “Digil iyo Mirifle ma aha masiixiyiinta tirada yar ee dalka Labnaan (Lebanon) ee uu dastuurka Labnaan u qoondeeyay jagada maqaar saarka ah ee madaxwayne aan awood fulin lahayn, mana doonayaan in loogu yabooho oo deeq ahaan loo siiyo jago iyo mansab la hubo in ay maalintay noqotaba ku gaarayaan qaab dimuqraaddi ah haddiiba berri ka maalin muwaadin kasta oo Soomaali ah gacanta loo geliyo xaqa codaynta doorashada oo la hubo in tiradooda Soomaalida badankooda ka dahsoon ay la fajici doonaan oo sida shiicada reer Ciraaq iyo Oroomada Itoobiya”

Tageerayaasha C/llaahi Yuusuf intooda badneed aad ayey uga caroodeeyn warqada furan ee mudane Cabdirisaaq Xaaji soo direy, waxay u qateyn in odaygu rabo in jagada madaxweynenimo ka hor istaago hogaamiyahooda xukunka u waashey C/llahi Yuusuf.Waxaa mudane tusaale kuugu filan inanka uu adeerka u yahay Shaafici Xasan oo sida indhoolenimada ku jirto u tageersan Cabdullahi Yuusuf,wuxuu mudane qoraalkaada u qaatey in Isaaq madaxtanimo la doneysid,C/llaahina aad u diidan tahay.Qoralka jawaabta uu kuu soo direyna waxaa hadaladiis ka mid ahaa “Sida ka dhadhantay hadallada raggaas baroorta BBC kala balwa waxay beesha SNM waagii hore rabeen in la isku siiyo magaalomadaxda labaad iyo ra’iisul wasaare, waxaana labadii arrimood oo ay isu jaaxeerinayeen midkood seejiyey Cabdirisaaq xaaji Xuseen.Mar uu Hargaysa lixdamaadkii booqday buu wuxuu damcay in uu u khudbeeyo dadka beesha SNM (Soomaaliland) ahaa oo fagaare joogey, waxayna isku mar dhammaantood u soo jeediyeen jeegada iyo barida oo waa ay ka sii jeesteen, wuxuuna asaga oo dhabarkooda taagan ku yiri: ”Siijeedka ayaadba ku qurxoon tihiin ii ha igu soo jeesannina inta aan khudbada dhammaynayo”!

Haddaba labo arrimood ayaa haatan Cabdirisaaq la gudboon. Midda kowaad waa in uu SNM isu dhiibo oo uu ka raalligeliyo jagadaas ay u arkaan in uu ka boobay, isla markaas uu magdhow siiyo! Midda labaad waa in uu beesha runta u heego oo uu u caddeeyo in aysan isku heli karin magaalomadaxda labaad iyo ra’iisul wasaareha, waayo waxaa jira beelo kale oo aan magaalomadax degganayn kana tiro badan SNM oo uga xaq leh in ay ra’iisul wasaareha saami u helaan. Sida haatan hadalkiisa ka muuqata ma uu aha nin beesha u jawaabi kara, oo dooddaan wuxuu kaga jiraa kaalin aad u dabacsan ”

Soomaalidu waxay tiraah “ Hadal nin si u yiri, ninna si u qaadey “. Mudane warqadaada ninba si u qaadey oo isku si looma fahmin,qoraalada jawaabta ah waxaa ka daran dooda warqadaada ka dhalisey goobaha fadhi ku dirirka.Arintan waxay ku tusinaysaa in Soomaalida wada bukaan,maantana Soomaali talo uma baahna ee waxay u baahanyihiin in loo soo duceeyo si ay uga bogsoodaan cudurka qabyaalada ee sida xun u aafeeyey.


Sahal Sugule
sahalsugule1@hotmail.com

<><><>

Cabdirizaq Xaaji Xuseen ma Quusto miyaa?
Abdisaid Musse Ali-Koor  aabdisaid@hotmail.com

Dunida saddexaad waxaa la haray dad damaaci ah oo aan quusan, jeclayna in dadkoodu horumaraan...
 
Annaga waddankeena marka laga reebo dadka dagaalada sokeeye kusoo baxay amase kuwii ka haray xukuumadii foosha xumayd ee kaligii taliskii M. Siyaad Barre (Cali khaliif iyo C/qaasim), waxaa jira kuwo ay soo martay waa dimoqraadiyad jirtay, kuwaas waxaa ka mid ah odeyga samri la' ee rajo uun ka qaba in mar uun jago loo magacaabo waa C/risaaq Xaaji Xuseen oo mar noqday wasiirka koowaad, kadibna u noqday Siyaad Barre safiir (xukun jecayl dartiis?)!
 
Odeygan umalayn maayo in qof ka weyn uu kujiro siyaasada soomaaliya haddana kama baxo kamana nasto, waxna ma helo!
 
Odeygu ma wuusan ogeyn in ummaddii ay wax fahmeen, aqoontii korortay, dad badan oo asaga ka dhalinyar, ka aqoon badan in laga heli karo tuulo walba oo soomaaliya ah...
 
Odeyga waxaa u haboon in uu iska nasto, inta aysan rumoobin nuxnuxda la leeyahay wuxuu ka dambeeyey dilkii Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda soomaaliya. (hadday rumowdo arintaas wuxuu noqonayaa aabihii burburka soomaaliyeed)
 
C/risaaq Xaaji Xuseen, waa nin aan fahmi karin nolosha soomaaliya maanta kajirta, iyo midda uu ku noolyahay ee reer galbeedka....
 
C/risaaq waa nin dhumiyey tii naftiisa, caruurtiisa, ehelkiisa, jifadiisa, qabiilkiisa iyo ismana lihi nin intaas dhumiyey baa dan soomaaliyeed haya...
 
Waxaa caaqnima ah in uu dhowr wiil oo reerkiisa ah ay ku khaldamaan inuu C/risaaq noqon karo nin soomaliya wax ka qaban kara, sideebuu nin naftiisa iyo caruurtiisa maamuli waayey u maamuli karaa ummad dhan?
 
C/risaaq inta dhib ee uu soomaali u geystay umalayn maayo in qofkale oo soomaali ah geystay kasoo bilow dilka lagu 'xanto' e e C/rashiid Cali Sharmaarke, Talooyinkii xumaa ee uu M.Siyaad Barre kula talin jiray sida mucaaradka loo gumaado...Shirkii Jabuuti ee kowaad oo uu iska hor keenay Cali Mahdi iyo Gen.Caydiid, dagaalkii sokeeye ee jifadiisa iyo reer maxamuudka, tii kale uu huriyey dagaalkii C/llaahi iyo Jaamac...ninkan ma wuusan dhimanayn!...
 
C/risaaq wuxuuu degganyahay meel uu isku xisaabin karo inta aan la xisaabin asaga.!
 
C/risaaq Xaaji Xuseen taariikhdiisa runta ah waxay ku dhamaanaysaa taariikh mugdi ah, soomaalina maanta iyo shalayba wuxuu uga jiraa baal madow....

Abdisaid Musse Ali-Koor  aabdisaid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD