SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

March 3, 2004

Mandeelihii Reer Haiti oo Dalkiisa ka Cararey!

Ahmed Osman Farah (Zahid)

Karachi-Pakistan

axmedshiino@hotmail.com

Tel: +92-300-2252724

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 Juqraafi ahaan wadanka Haiti waxuu ku yaalaa jasiiradda Hispaniola ee Caribbeanka, jasiirada Hispaniola waxay la wadaagtaa jamhuuriyada Dominica, dadka reer Haiti waxay dhanyihiin 8 malyuun oo qof, dadkaas 95% waa madow, 5% soo harayna waxy isugu jiraan dad kala jinsiyada, magaala madaxda waddankaasi waa Port-au-Prince waxaana ku nool dad gaarayaa ilaa 2.3 malyuun oo qof, waxy ku hadlaan reer Haiti afafka Faransiiska iyo Creole, dadka intiisa badan waxy haystaan diinta kaatooliga inyar uun ayaa ah Brotestan iyo voodoo.

Taariikh ahaan waddanka waxaa gumaysan jirey wadanka Spain ilaa 1697dii waxii ka horeeyey, markaas kadibna waxaa ku soo duuley faransiiska oo haystey ilaa 1804, xilligaas oo ah markii ay dalka Haiti ka xoroobey gumastuhii gumaysan jirey.

Haiti waxay lahayd maamullo boqortooyo iyo jamhuuri ilaa ay maraykanku ku soo duuleen sandkii 1915 oo ay joogeen 1934kii.

Sanadkii 1957kii ayaa Francois Duvalier waxaa loo doortey madaxwayaha Haiti, laakiin madaxwayne Duvalier waxuu isu beddeley keligii taliye sandikii 1964kii, wiilkiisa Jeanclaude ayaa beddeley aabihiis 1981kii. Laakiin Duvalier waxuu dalka iskaga baxay Feb,7,1986, intii xiligaas ka dameesey wadanka Haiti waxuu ku jirey xukun military, ilaa madaxwaynaha hadda Aristide la doortey 1990, laakiin sanad ka dib doorashada Aristide waxaa dhacay afgenbi xukunkii lagaga wareejiyey madaxwayne Aristide, markaas oo maraykanku dib ugu soo celiyey xukunka madaxwayne Aristide 1994tii isaga ka maqnaa muddo saddex sano ah.


Jean-Bertrand Aristide Madaxwaynahii Haiti

Waddanka Haiti xaaladiisa siyaasideed way deganeed muddo tobaneeyo sano ah inkastooy jireen dad lid ku ah xukunka madaxwayne Aristide, haddaba dhworkii beri ee ugu dameeyey saxaafadda caalamka waxy ka waramsyey dhibaatooyinka ku soo cusboonaadey waddanka Haiti iyo khalkhalka ku yimid madaxwayne Arsitide, waxaa dhowarkii asbuuc ee ugu dameeyey ka bilaabmey wadanka Haiti magaala madaxdiisa ee Port-au-Prince dhac iyo dil ay wadaan rag gaangeestarro ah oo hubaysan, kuwaas oo loo anaynayo in madaxwayne Aristide uu ka dameeyo, dadka ka soo horjeeda siyaasadda aristide waxy sheegaan in dadka isaga taageera ay geesteen xasuuq badan taas oo keentey in dad tiro badan oo reer Haiti ah ay xukunkiisa ka soo hiorjeestaan.

Mucaaradka Haiti ee oo uu hogaamiyo ninka la yiraahdo Philippe ayaa waaydanba ku jirey halgan dheer oo ay awooda kaga xayuubinayaan madaxwayne aristitde, taas oo keentey in gebi ahaanba gayiga Haiti uu ka bilaabmo mushkilad iyo dagaal sokeeye, asbuucaydii uu socdey dagaalkani u dhaxeeya dawaldda iyo mucaaradka waxaa dahcay falal ka baxsa bini aadamnimada oo isugu jira dil iyo dhac loo geysanyey dadka rayidka ah.

Taas waxay sababtey in maraykanku tuhmo oo eedeeyo madaxwayne aristide inuu ka dambeeyo mashaakilaadka jira, laakin araistide waxuu sheegey inaan ka baxayn dalka ilaa xiligiisa u dhamaanayo 2006da.

Maalmahan waxaa magaala madaxda Port-au-Prince ku soo badanayey caadaysi rabshado joogto ah, markii habeenku dumo wadooyinka magaalda Port-au-Prince waa cidla iyada oo ay dadku ka cabsi qabaan gaangiistarro daacad u ah madaxwayne aristitde oo samaynaya dil iyo dhac xad dhaaf ah, markii waagu dillaaco dadku waxay u soo daawasha tagaan maydka dadkii xalay to lagu diley wadayoonka, waxaaba dhici karta in mayd qof uu dhowr beri yaalo wadada ilaa qof uu ka qaado.

Nafta qof ka bani aadamka ah waxay Haiti maanta ka joogtaa 300 oo lacagta Haitian dolarka ah oo u dhiganta $30 US, gabadh la yiraahdo Jocelyn oo hor taagan mayd qof ayaa u sheegtey wariye madax banana in maydakni uu oolaa muddo laba beri ah markaas oo la toogtey jeebkiisana lagala baxay lacag iyo waraqo kale oo uu watey, waxay sheegtey inaaysan dadntoodu ahayn cadaawad ay u qabaan qofkan dhintey ee ay doonayeen uun lacagtaas jeebkiisa ku jirta.

Laakiin subaxnimadii axadda ee 29kii bishii tagtey ee faeebaraayo, dadka waxay ku waabariisteen maqaanshaha madaxwayne Arsistide oo uu uga caraey dalka dhinaca qaaradda Africa, tani waxay beeninaysaa ballan qaadkii uu madaxwaynuhu siiyey saxaafadda ee ahaa inuusan tegaynin ilaa uu dhamado xiligiisa oo ku eg 2006da, si kastaba ha ahaatee madaxwayne arsitide waxuu ka tagey waddan uu aafeeyey fakhri ayna maanta ugu darsantey dagaal sokeeyo iyo burbur ku dhacay,

Haddaba waxaa soo baxaysa su’aashaan ah reer Haiti ma helayaan madaxwayne u dhaama Aristide, isagoo mar loo yaqaaney Mandeelihii reer Haiti?...

Ma ahan markii koobaad ee uu dalka ka baxo aristide oo waa markii labaad, balse maanta cidna rajaynmayso inuu si fudud ku soo laabto, astaantiisii hore ee ahayd Mandeelihii reer Haiti maanta waxaa u baxey magaca keligii taliye, oo masuulnimadii waxaa ugu bedelmey dibad joog,


Waddanka Haiti

Dadkan ku khasbey arsitide oo door bidey in ay eryaan ma helidoonaan nin u beddela aristite, waayo aristitide ma aha hogaamiye loola dahqmo sedan oo kale haitina ma ah waddan ah maanta siduu yahay oo doorashdii Aristide ak dib waddanku waa soo kabaneyey oo siyaasadiisa way hagaagsanyd.

Waddankii taageeri jirey siyaasadda madaxwayne aristide waa maraykanka e ayaa maanta ku soo jeesatey oo kula taliyeyba inuu ka baxao wadanka kuna eedeeyey mushkilada haatan ka aloosan gayiga Haiti taasina waa dhabar jab ku dhacdey Aristide iyo gaddoon haleeley taageeradiisii maraykanka.

Saxaafadda caalamka iskuma halayn karto helitaanka xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta waddanka, sababo amaanka la xiriira awgood, taasina waxaa ku tusinaya doraad to bixitaankii arsitide ka dib saxafadda oo isku daydey inay wax ak waydiiso saraakiisha ku sugan caasimadda taasina ay kala kulmeen gaabsi ku saabsan in saraakiishu ka warhayaan bixitaanka madaxwaynaha.

Aristide inta badan siyaasdda noloshiisa waxuu ku dabakhay cadalaad bulshada dhexdeeda, hase ahaatee waxuu aaminsanaa keligiistalinimo (authoritarianism), waxuu ahaa masuul aragti dheer, sandkii 1980kii waxuu aad uga soo horjeestey fikradda hanti wadaaga (Capitalism) oo uu ku tilmaamey denbi wayn (Mortal Sin), madaxwayne Aristide oo 1990kii ku guulasytey doorasho dimuqraadiyad ah ayaa intuusan dhisin dawldiisa waxaa uu ka badbaadey isku day afgenbi, laakiin sanad ka din waxaa laga cayriyey wadnka isagoo diabad joog  ku ahaa Maraykanka.

Dadka hadda ka soo horjeeda siyaasadda Aristide waxay leeyihiin dabeecadah iyo dhaqanka ka dhigey ogaamiye caan ah waxay haddan hadii dhinac laga eego ka dhigayaan hogaamiye maangaab ah sababtoo ah bay yiraahdeen ma uusan samaysan xulafo iyo dad la taliye, balse uu isgau samaystey sharci uu u malaynayey in dadku ku dhaqmi doonaan, dadkaasi waxaa ka mid ah wasiirkiisii dhaqanka ee hore oo la yiraahdo Jean-Claude Bijoux waxuu yiri “Isma uusan bedelin Aristide, waxaan ku khaldanayn inaanu ka aaminno hogaamiye siyaasi ah, laakiin waa nin aanba fahansanyn waxa xisbi siyaasi uu qabto”.

Lakiin ka maqnaanshihii saddexda sane oo uu Aristide dalka uga maqnaa Washington DC waxuu kaga faaidaystey inuu beddelo qaabkiisii hore ee keligii talisnimada ahayd isagoo bilaabey abaal gudkii sxbadiisa waddankooda ku hayey sadexda sane waa maraykanka e, waxa uuna siyasadiisa ku dabakhay, horumar xagga dhaqaalaha ah waayo waa hawl isgaa u taal inuu kor u qaado dhaqaale waddan ka mid ah wadamada ugu faqiirsan qaarada maraykanka.

Waxaynu dhowrnaaba waa waxa beddela Haitian Mandelaha Aristide, inkstaoo dadka ku kacsan ayba ka mid yihiin ganacsato iyo arday.

Waddanka Haiti waxuu dhaqaale ahaan ku taaganyahay dhinaca beeraha, waxaa lagu qiyaasaa wax soosaarka Haiti 42% (Gross Domestic Product), wax soo saarkooda waxaa ka mid ah Qasabka sonkorta, mooska, kafeega, iyo canabaha, warshedahooda waxaa ka mid ah kallumaysiga iyo kuwa kale. Dadka reer Haiti 67% waa faqiir taas ayaaa keentey in Haiti loo aqoonsado mid ka mid ah wadamad adduunka ee faqriga ba’an la dhibaatysan, waxaana lagu leeyahay dayn dhan 1.048million, dadka 45% oo keliya ayaa aqoon leh inta (litrate), inta kale waa dad aan waxna qorin waxna akhrin (Illiterate), wayna adagtahay hadii inta waxtaqaani yartahay inay ka kabtaan dhibka faqriga ee haatan haysta.

Dhamaad.

Wabillahi tawfiiq,

Ahmed Osman Farah (Zahid)
Karachi-Pakistan

axmedshiino@hotmail.com
Tel: +92-300-2252724

QORAALKII HORE EE AHMED ZAHID

 Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]