Dhacdooyinka soo mara nolosha aadamaha qaar
badan oo kamid ah waxay ku reebaan xasuus gaar ah, waxay noqon karaan maalmo
leh xasuus murugo ama xasuus farxadeed. Bisha febraayo waxay kulmisaa maalmo
xusuus iyo qadarin ka mudan shacbiga Soomalida Ogaadenya. Bishan gudaheeda
waxaa dhacay dhacdooyin waawayn oo taariikhda dalka Ogaadenya baal muhiim ah
ka galay. Maalmahaas qaar waxay leeyihiin murugo, qaara farxad, qaara
labadaba way isku darsadeen.Qormadan
waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa qaar ka mid ah maalmahaas taariihiga ah
ee soomaray shacabka Ogadenya.
01 Febraayo, 1994
waxay ciidamada dawlada Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen magaalada
Qalaafe Duulane Xasan Gaabane oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe iyo
Laba ruux oo shacb ah lana kala odhan jiray
Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane
06 Febraayo, 1994
waxay sidoo kale Ciidamada Itoobiya magaalada
Wardheer ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada wardheer Marxuum
Cabdulaahi Ganay.
07 Febraayo, 1994
waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen
Meles Zenawi isgoo kula shiraya Magaalada Goday oo ah Caasimada Ogadenya in
Afti laga qaado shacabka Somalida Ogadenya.
12 Febraayo, 1994, waxay ciidamada Itoobiya
si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii,
Shihiid Maxamed Cumar Tube iyo Shihiid Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada
mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo
dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan. Arrintan waxay noqotay wax ku
cusub taariikhda, kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada
caqliga fayow.
15Febraayo, 1994, waxaa la qabtay
kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadenya. Baarlamaanku waxay ka doodeen
mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadenya, waxayna aqlabiyad badan ku
go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadenya laga qaado afti lagu waydiinayo
waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin. Go’aanka baarlamaanku wuxuu lahaa
muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaama uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey
taariikhda Ogaadenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doortay, kalsoonina
ka haystay dadwaynaha. Sidoo kale, go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku
meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto
aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee xukuumadii Itoobiya
ee xiligaas. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto
“Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadenya.
17 Febraayo, 1994
waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa
ka taageereen go,aankii Barlamanbka. isagoo shir Albaabada loo xidhay kula
jira magaalada Harar
Isla Badhtamihii Febraayo, 1994, ururka ONLF,
Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii
Baarlamaanka, kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan datuurkii ku meel
gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Itoobiya iyo
Ogaadenya.
Febraayo 22, 1994, waxaa magaalada Wardheer
laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii
ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codsaday in dadwaynaha afti la waydiiyo. Sidoo
kale, waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO mudane
Sheekh Ibraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.
Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey
inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri
ama nolol mid uun. Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo
weeraray wafdigii JWXO oo uu hogaaminayo Guddoomiyihii JWXO ee xiligaas
Mudane Sheukh Ibrahim Cabdalla. waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si
geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey
ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan
Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo
adeegsanaya hubka cul-culus, waxay xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si
aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada. Waxaa maalintaas
goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.
Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin xusuus
farxadeed iyo murugo labadaba. Waa marka hore, waxay huwan yihiin murugo,
marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha reer Wardheer iyo madaxdii
lagu laayey Qabridaharre iyo waliba burburkii dhismayaashii magaalada.
Dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan, marka laga
eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda, uqab jabiyeen ciidamdii xoogga
badnaa ee Itoobiya, una difaaceen madaxdii iyo magacii umadda intaba. Waxay
noqotay arrin lagu faani karo, taariikhdana gashay sidii dadwaynaha reer
Wardheer oo aan haysan hub u dhigma kuwii ay wateen ciidamada Nacabka
Itoobiya ay u difaaceen magaalada iyo madaxdii shacbiga. Inkastoo dad rayid
ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen halkaas, ayna mudan yihiin in loo
murugoodo, haddana, waxaa dhinca kale, garab taagan, geesinimada iyo
sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee Itoobiya.
Hadaba dhagaystoow Bisha Febraayo taariikha
haas ayay kulmisaa, waxayna shacbiga ree Ogaadenya ku xusaan bishaan hab
murugo iyo farxad labadaba leh, waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka
loo gaysto dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u taagan tahay halganka xaq u
dirika ah ee dadwaynaha Ogaadenya.
Abdullahi Mahamed
Radio Xoriyo
Abdullahi_mahamed@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March
3, 2004
Cabasho Furan : Maxay BBC-du
u dhalan rogtaa wararka Ogaadeenya ? Guji...
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan