SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FINLAND

March 5, 2004 

MAXEY LUQADAADA HOOYO MUHIM U TAHAY?.

Qoraalkan oo ku qoran Finish ... Guji halkan


Väestöliiton Kotipuu, waa mashruuc caawiya reeraha ajnibiga ah. Luqadaada hooyo waxay muhim u tahay xiriirka idinka dhaxeeya adiga iyo ilmahaaga iyo sidii aad isu fahmi la heydeen, waxay kaloo muhim u tahay caruurta wax barashadooda. Caawinaad aynu caawineyno hor u marinta luqada soomaaliyeed ayaan waxaan waalidiinta soomaaliyeed ee degan Helsinki u qaban qaabiney siminaar looga hadlayo luqada soomaaliyeed.

Siminaarkan waxaa marti ku ah kana hadli doono Dr. Georgi Kapchits oo ku takhasusey luqadda soomaaliga. Wuxuu af-Soomaaliga ka dhigi jirey Jaamacadaha Moscow iyo Barliin. Wuxuu kaloo ku wareegey wadamada dibada ee ay Soomaalidu deganyihiin sida: Kanada, Denmark, Jarmalka. Waxaynu nasiib wanaag u helney hadda in uu noogu yimaado Helsinki, asagoo siminaarkan ka hadli doona, af- Soomaalina uu ku hadli doono.

Wakhtiga: Arbaco 17.03.2004 Saacada: 17:00 ilaa 20:00

Meesha : Hotel Aurora, oo ku yaal wadada (Helsinginkatu 50)

Hoteelkaas wuxuu ku yaalaa Iskuulka Diakoni gadaashiis.

Siminaarkaas waalidiintu waa u lacag la`aan, laakiin waa muhim iney isa soo ogeysiiyaan telefoonkan 2280 5143 Mohamed Moallin ( isa soo diiwaan geliyaan) ugu danbeyn Isniinta 15.03.2004. Haddii waalidiintu ay u baahanyihiin inta siminaarku uu socdo in loo hayo caruurta, taasna waa suurta gal, laakiin waan in ay soo sheegaan oo ay la soo xiriiraan telefoonkaas sare ugu danbeyn 15.03.2004. ( Caruurta la heyn karo ugu badnaan waa 15).

Siminaarkan waxaa si wada jir ah u soo qabanqaabiyey isuguna soo duba ridey Väestöliiton Kotipuu iyo Abdulkadir Isak oo ah Koulukuraattori oo ka socda wasaarada waxbarashada.

Barnaamijka Siminaarka

17.00 – 17.15 Soo dhoweyn ” Reeraha Ajnabiga ah iyo Väestöliiton Kotipuu”

Waxaa ka hadli doono Mohamed Moallin oo ka socda Väestöliiton Kotipuu

17.15 – 17.30 Sidee ayaa caruurta aan luqadooda si wanaagsan ugu hadlin looga dareemaayaa wax barashadooda. Waxaa ka hadli doona koulukuraattori Abdulkadir Isak

17.30 – 18.30 Dr. Georgi Kapchits: ” Waxyaalaha lagu aqoonsado afka iyo suugaanta soomaaliyeed

( Waaya`aragnimadii aan ku yeeshey barashadooda iyo bariddooda)

  • - Sidee ayaa caruurta loo tusi karaa in luqadooda ay tahay mid qurux badan oo qani ah
  • - Sidee ayaa loo soo bandhigi karaa in luqada soomaalida ay caado u leedahay soo jiidasho
  • - Sidee ayaa caruurtu loo fahamsiin karaa in luqadooda hooyo ay tahay mid qiima (macna) leh
  • - Barida luqada iyo dhaqanka xaga waalidiinta ay ka joogaan

Saacada Kaffeega/Shaaha

18.45 – 20.00 Wada sheekeysi iyo su`aal is weydiin

Qoraalkan oo ku qoran Finish ... Guji halkan

Faahfaahin intaas dheer kala xiriir:
Mohamed Moallin Mohamed 
Mohamed.moallin@vaestoliitto.fi

Faafin: SomaliTalk.com | March 5, 2004 

XASILLOONIDARRADA AF-SOOMAALIGA

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]