SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

March 8, 2004  

War-8-Maarso,04,Nairobi.
Hogaamiyayaasha SRRC: Waxaan Dawlada Kenya kala Laabaney Kalsoonida, Wejiga 3-aad ee shirka waa in lagu qabtaa wadan kale.

Hogaamiyayaasha SRRC-da ee ku sugan madasha shirka ayaa maanta wasiirka arrimaha dibada kenya ka codsadey in uu faahfaahin ka bixiyo warsaxaafadeedkii 6-bishan Maarso, waxaa kaloo ay sheegeen in wareysigii safiirka dawlada Kenya ee Soomaaliya uu siiyey BBC-da uu khalad ahaa.

Ugu danbeyn waxay codsadeen in shirka wajigiisa 3-aad lagu qabto meel kale ama in uu qeexo wasiirka qoddobka 30aad ee xulida xubnaha baarlamaanka ergada la horkeeno ka dibna iyaga ansixiyaan.

Kooxda SRRC-da ayaa caalamka u sheegtay in ay kala laabanyaan kalsoonidii ay ku qabeen kenya oo ay doonayaan in shirka qaybtiisa danbe lagu qabto meel kale sida Uganda.

<><><>

8-Maarso oo si Weyn Looga Xusay Madasha Shirka

Xaflad balaaran oo lagu maamusayey maalinta haweenka Adduunka ,Gaar ahan haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtey madasha shirka nabada Soomaalida uu haatan ka socdo ee Mbagathi, Kenya.

Xafladaasi ayaa ugu horey ka hadashey Marwo Caasho axmed Cabdalla oo ka hadasjhaey tariikh haweenka Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwaa ay soo mareen.

Faadumo Cali Cigaal ayaa iyana ka hadashey qaabka gudniinka iyo taariikhda gudniinka soomaalida,waxay kaloo sheegtey in gudniinka soomaalida uga yimid wadanka Masar.

Paul Sinkins oo ka socdey midawga yurub ayaa sheegay in ay harumariyen barnaamijyada harumarinta haweenka Soomaalida 2-sanao ugu danbeysay waxa kaloo uu sheegay in haweenka soomaalida loogu talagaley dhaqaale gooni ah oo ka duwan haweenka ku nool wadamada kale ee afrika.
ygy danbey waxaa halkasi ka hadley Amnasator Winistons A.Tubman oo ah wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada Midoowey oo sheegay in shirkii golaha amaanka looga hadley arrimha Nabdeynat Soomaalida ,waxaa kaloo uu sheegy in qaramada midoobey ka go`an tahay in shirka nabada Soomalida laga hello dawlad ,waxaa kaloo taageeray heshiiskii 29- Janaayo.04 hogaamiyayaasha Soomaalida ku gaareen Guriga Madaxtooyada dalka kenya ee Nairobi.
ugu danbeyn waxa uu sheegay in ay qwaramada midoobey qaadi doono talaabo deg deg ah oo ay shacabka soomaalida ku farxi doonaan madaama dawlad la`aan ku soo jireen 15-sanno.
xafladaasi waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey shaqsiyaad ay ergada haweenka soomaalida ku sheegeen kuwa muteystay in la siiyo shahaasdo sharaf madaama ay ergada haweenka si hagarli ula shaqeeyeen shaqsiyadkaasi ayaa kala ah:-
1-Wasiirka Arimaha Dibada Hon. Kolonzo Misayoka
2-wasiirada shaqada iyo labdhidhiga ee Uganda Hon.Zoe Bukuka Bakoka.
3-Prof.Wanjira kibira.
4-Midawga Yurub.
5-Prof.Maxamed Cabdi Maxamed Prof. Gandi.
6-Khaliif Xasan Axmed oo ka socda Novib-Somalia.
xafladasi ayaa soo agaasimey hayadaha Samafal ee kala ah Novib-Somalia iyo Midawga Yurub.
xafladaasi ayaa waxaa lagui soo bandhigay heeso iyo majaajilo ka hadlayey taariikhda Haweenka iyo gudniinka Gabdhaha Soomaaliyeed.
dhamaad.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]