SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

March 12, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Arday badan oo la xidhay iyo qaar kale oo la dhaawacay.
  • Ø Sargaal sare oo katirsan gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo is casilay.
  • Ø Bandowgii gobolka Gambella oo aan xasilooni darradii waxba ka tarin
  • Ø Kofi Annan oo ka digay arrimaha Itoobiya iyo Eritereya.
  • Ø Faalo: Maalinta Haweenka Aduunka iyo Hooyada Ogaadeeniya.
  • Ø Barnaamujkii aragtida halgamaaga iyo suugan halgameed.

Arday badan oo la xidhay iyo qaar kale oo la dhaawacay.

Wararka ka imanaya magaalda Jimma, oo ka mid ah gobolka Oromiya, ayaa sheegaya in ciidammada nabad sugida ee Itoobiya ay 700 oo arday oo Jaamacada Jimma wax ka branayay ay xabsiga u taxaabeen, qaar kalana ay dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyeen.

Ardaydani waxay ka gadoodeen sadexdii boqol ee arday ee Oromada ahaa ee dhawaan xukuumada Addis Ababa ay ka eriday Jaamacada Addis Ababa.

Ardaydani waxay soo qabanqaabiyeen mudaharaadyo ay xadgudubkaas ku diiddan yihiin, waxayna isugu jireen ardaydii dusiga sare ee magaalda Jimma iyo ardaydii Jaamacada Jimma, hase yeeshee ciidamada nabad sugida ee Itoobiya oo aad u hubaysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday ardaydii mudharadaysay, iyagoo halkaas ku dhaawacay tiro badan oo ardaydii mudaaharaadaysay ka mid ah.

Waxa baryahan danbe isa soo-taraya kacdoonka ardayda ee lagaga soo horjeedo maamulka dhiigya-cabka ah ee wakhtigiisii dhacay ee wayaanaha.

Sargaal Sare oo ka tirsanaa gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo is-casilay

Wariyaha wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya inuu xilkiisii iska casilay Xayle Barhe oo ahaa agaasimaha danbi baadhista ee gudiga la dagaalanka musqmaasuqa ee Itoobiya.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya inuu Xayle isu casilay musuqmaasuqa oo si wayn ugu dhex faafay taliska sare ee ururka TPLF, kaasoo gaadhay meel aan waxba laga qaban karin, iyo iyadoo mar kastaba xabsiyada loo taxaabo dad kale oo lagu tuhmo inay siyaasada dawlada ka soo horjeedaan, kuwaasoo xabsiyada lagu tuuro iyagoon wax maxkamad la horkeenin.

Xukuumadda musuqmaasuqa weheshata ee Itoobiya ayaa samaysay guddi la dagaallama arrimaha musuqmaasuqa, kaasoo lagu tilmaamay in loogu talagalay in ra’yul caamka lagu khaldo oo kaliya.

Bandowgii gobolka Gambella oo aan xasilooni darradii waxba ka tarin

Wararka ka imanaya magaalda Gambella ayaa sheegaya in bandowgii dhawaan lagu soo rogay gobolka Gambelle aanuu waxba ka beddalin xasilooni darradii gobolkaas ka jirtay.

Warku wuxuu intaas raaciyay in diyaarad shalay u socotay magaalada Gambella oo nooceedu uu ahaa ”Fokar 50” ay dagi kari wayday garoonka diyaaradaha ee magaalada Gambella, nabadgalayo darrada awgeed, waxayna diyaaraddaasi markii denbe rakaabkii ay wadday ku dejisay magaalada Jimma.

Askartii ihaadhigta ee gobolkaas loo diray ayaa gebi ahaanba ku guul-darraystay inay gobolkaas xasillooni ka abuuraan, iyagoo waliba xasuuqyo ba’ an u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee gbolkaas ku dhaqan.

Kofi Annan oo ka digay arrimaha Itoobiya iyo Eritereya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mr.Kofi Annan ayaa ka digay in ciidamada ay Itoobiya ku soo daabulayso meelo ku dhaw xadka la isku haysto ay khatar wayn ku tahay dadaalka loogu jiro in lagu heshiisiiyo dalalka Itoobiya iyo Eritereya.

Kofi Annan wuxuu digniintan ku sheegay warbixin uu seddexdii biloodba mar ka diyaariyo ciidamada Qaramada Midoobey ee kala dhex fadhiya labada dal ee Itoobiya iyo Eritereya, wuxuuna warbixintan ku sheegay in ciidamada xadka lagu soo dhawaynayo ay yihiin khatar minja-xaabin karta heshiiska nabadda ee labada dal u dhexeeya.

Kofi Annan wuxuu warbixintan ku sheegay in Qaramada Midoobey ay Itoobiya ka codsatay inay joojiso dhoolla tuska iyo tababarka millatari ee ay ku samaynayso meelaha ku dhaw xuduudda ay labada dal ee Itoobiya iyo Eritereya isku haystaan.

Waxaa kaloo warbixintan lagu sheegay eedayn Itoobiya loo soo jeediyay oo ku saabsan ciidan Qaramada Midoobey ka tirsan oo 19kii janaayo ay ciidamada Itoobiya xabadeeyeen.


Wargayska Malin laha ah ee afka carabiga kusoo baxa lna yidhaahdo Asharqul Alawsad cadadkiisii maanta oo Talaada ah soo baxay wuxuu qoray maqaal uu Cinwaan uga dhigay :

Madaxwaynaha DKMG oo dacwad uu ku eedeynayo Itoobiya u qoray Jaamacada Carabta iyo Urur gobaleedka IGAD.


Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Dr.Cabdiqassim Salaad Xassan wuxuu eedayn aad u kulul usoo jeediyey dawladda Itoobiya wuxuuna si cad oo aan leex-leexad lahayn u sheegay in ay Itoobiya ka shaqaynayso sidii aay u carqaladayn lahayd shirka dibuheshiisiinta soomaalida uga socda magaalada Nairobi ee dalka Keenya ,shirkaa oo uu qabanqaabadiisa lahaa Ururka IGAD.


Cabdiqassim Salaad Xassan oo ka khudbaynayey shir lagu xusayey sideeda Maarso malinta Caalamiga ah ee Haweenka wuxuu sheegay in Itoobiya aay isku dayeeyso iyadoo taageeraysa qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxaha Soomaliyeed in aay fashiliso dhammaan dadaalada loogu jiro sidii dalka soomaaliya loogu soo dabbaali lahaa dibuheshiisiin iyo nabadgalyo loona gaari lahaa heshiis loo dhan yahay .


Cabdiqassim Salaad wuxuu kaloo ku tuhmay Itoobiya in ay faraha kula jirto arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya ,wuxuuna ku eedeeyey Itoobiya in aay ku xadgudubtay xayiraaddii hubka ee jamciyadda qaruumaha ka dhrxaysa ku soo rogtay dalka Soomaaliya kaddib markii Itoobiya hub iyo saanad iyo saadba aay siisay kooxaha aay taageerto si khalkhal aay u galiso nabadgalyada iyo xasiloonaanta dalka Soomaliya .

Wuxuu intaa raaciyey Cabdiqaasim in uu dacwo u gudbiyey jaamacadda carabta iyo IGAD oo iyagu ku hawlan waanwaanta Nabadgalyo ee dalka Soomaaliya si ay wax uga qabtaan dhibaatada Itoobiya ka waddo dalka soomaliya .

Madaxweynaha DKMG wuxuu kaloo carrabka ku dhuftay in Itoobiya ka dambayso shirka Caatada ah ee ka socda magalada Jowhar oo 100 km u jirta Magaalada Muqdisho shirkaas oo ay ka qaybgalayaan qaar kamid ah hoggamiyayaashii wax ka saxiixay 29 janaayo Heshiiskii guud oo la gaaray kaddibna ka fallaagoobay shirka .


Dr. Cabdiqasim wuxuu ku cambaareeyey dawlada Itoobiya in xuduuda labada dal ee soomaaliya iyo ogadenya ay ciidamada amniga ee dalka Itoobiya ay ka afduubteen bishii hore xubno ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ,wuxuuna yidhi waa in ay Itoobiya si degdeg ah usiidayso xubnahaas.

12.03.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820

KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faalo

Maalinta Haweenka Aduunka iyo Hooyada Ogaadeeniya.

8dii Maarso waxay dunidu u dabaaldagtay maalinta Haweenka aduunka oo lagu xasuusto halgankii haweenka aduunku u soo galeen sugida xuquuqdooda iyo xaq usinaanta labka iyo dhadiga. Shacbiga Ogaadeeniya oo dunida la wadaagay dareenka xusuusta leh iyo weynaynta qiimaha ma guuraanka ee haweenku kaga jiraan nolosha bulsho kasta oo aduunweynaha ka mid ah, gaar ahaanna haweenka Ogaadeeniya oo ah laf dhabarta kacaanka xoriyad doonka ah ee shacbiga Ogaadeeniya, ayaa waxay munaasabadani ku soo beegantay marxalad adag oo ay ku sugan yihiin gabdhaha Ogaadenya, oo culeys gaar ah gumeystuhu ku saaray kaalinta horseedka ah iyo tiir dhexaadka ay u yihiin Halganka
gobanimodoonka ah ee shacbiga Ogaadeeniya. Xarumaha uu gumeystuhu ku ciqaabo
dadweynaha Ogaadeeniya iyo xabsiyda adoonsiga Itoobiya inkabadan kalabadh ayaa haween ah.

Iyada oon marna lasoo koobi Karin, dhibaatooyinka taxanaha ah ee uu gumaysiga Itoobiya ugaysto Haweenka Ogadenya ayaa waxaa kamid ah, Kufsiga, Jidh dilka, Toogashada, dhaca hantidooda iyo qasab ku guursiga. Waxyaabaha uu gumaystaha Itoobiya ku soo daray Qaamuuska nolol maalmeedka haweenka Ogadeeniya oo kumanaan dhaafaya waxaa kamid ah;umul la toogtey iyada oo nuujinaysa ilmaheedii oo laba beri dhalanaa, gabadh uur leh oo garaacid iyo ciqaab lagaga soo riday ilmihii ay waday, hooyo iyo caruurteedii iyaga oo nool lagu gubo hoygoodii, qaar sidii loo ciqaabayay ku naafoobay oo ku waayay xubno muhiim ah oo jidhkooda ka mid ah, hooyo lagu hordilo curadkeedii, ninkeedii, walaalkeed iyo in lagu hor kufsado Gabadheeda.

Haddaba, dhibaatada guud iyo dhibka ay la wadaagaan haween weynha aduunka gaar ahaan xaalada haweenka Qaarada Afrika oo ay Ogaadeeniya kamid tahay, ayaa waxaa haweenka Ogaadeniya u dheer ama ugaar ah dhibaatada gumeysiga oo si toos ah ugu wajahan haweenka iyo kan ay lawadaagaan dadweynaha Ogaadeeniya, taasi waxay keentay, marka 8da Maarso dunidu farxad iyo raynrayn lagu xusayo in haweenka Ogaadeeniya ay murugo xabsi dhexdii ku xusayaan munasabadan tariikhiga ah.

Jabhadda waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya sida ku cad barnaamijkeeda siyaasiga waxay dhowaraysaa xuquuqda haweenka Ogaadeeniya ee laguma xad gudbaanka ah.
Iyada oo halganka ay hogaaminayso JWXO haweenku kaga qoran yihiin baal dahab ah, laf dhabar iyo horseedna ay u yihiin. Munaasabadan qiimaha taariikhiga ah leh waxay hoggaaminta JWXO u gudbinaysaa hambalyo kal iyo laab ah dhammaan haween weynaha Ogaadeeniya ee Geesiyda ah,si gaar ah xubnha Ururka Dimuqraadiga Haween Ogaadeeniya ODW, hambalyaas oo ay ka sido Naftood hurayaasha CWXO ee Jiida hore ee dagaalka, Guddiga Fulinta JWXO, Xubnha Golaha dhexe JWXO, Xubnaha iyo kaadirka JWXO ee ku kala baahsan gudaha dalka Ogaadeeniya iyo dacalada Dunida; iyaga oo dhammaantood leh hambalyo si gaar ah waxaan xusuus qiiro iyo murugo ku dheehan tahay ku xusuusanaynaa gabdhiihii shuhadada ahaa ee dhiigoodii qaaliga ahaa u huray xoreynta dadkooda iyo hooyooyinkii nacabka gumeystaha ahi xasuuqay, iyaga oo u
rajeynaya in haweenka Ogaadeeniya guul iyo xoriyad ku gaadha kuna dabbaaldagaan 8da Maarsada kal dambe, haddi alle idmo

Ha noolaadaan haweenka Ogaadeeniya ee Geesiyada ah
Ha waarto hooyada Ogaadeniya ee madaashada ah
Ha xoroobaan gabdhaha Ogaadeeniya ee qaaliga ah.

 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD