SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

March 16, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ř Gumaysiga Itoobiya oo dad badan iyo tuulooyin ganaaxay.
  • Ř Dadwayne xabsiga loo taxaabay markay diideen inay dabaqoodhi noqdaan.
  • Ř David Shin oo yidhi; xalka geeska afrika xalinta qadiyada Ogadenya ayaa sal.
  • Ř Ururo mucaarad ah oo Meles u digay.
  • Ř Dagaal ba’an oo dhexmaray OLF iyo ciidamada Wayaanaha.
  • Ř Bangiga Aduunka oo masuugay nidaamka dhaqaale ee Itoobiya.
  • Ř Rabshadihii ardayda Itoobiya oo sii korodhay.
  • Ř Golaha wasiirada DKMG ee Soomaaliya oo canbareeyay xukumada Itoobiya.
  • Ř Barnaamuj gaar ah oo aanu kaga hadlayno qoraal uu Re, iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya kaga hadlayo ujeedooyinka Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya.

Gumaysiga Itoobiya oo dad badan iyo tuulooyin ganaaxay.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo ay caado u tahay inay cadaadis iyo cabudhin xad-dhaaf ah kula dhaqmaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogadenya, ayaad mooddaa inay maalmahan sii kordhiyeen xadgudubyadii ay dadwaynaha ku hayeen. Waxaana arrintaas lagu macneeyay, iyadoo ay hawlohoodii billaabeen dadkii ay xukuumada Addis Ababa sheegtay in horraantii Janaayo Ogadenya laga soo doortay.

Degmada Garbo waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya gacanta ku dhigeen 30 qof oo rayad ah, kuwaasoo ay qofkiiba ku ganaaxeen 1000 Bir. Waxaa ganaax midkan oo kale ah lagu xukumay 40 qof oo Shacab ah kana mid ah dadwaynaha ku dhaqan nawaaxiga tuulada Geri-go’an.

Waxaa sidoo kale daba-yaaqadii bishii hore qofkiiba 500,000 oo shilin soomaali ah lagu ganaaxay qaar ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan magaalada Dhanaan.

Dadka lacagtaas lagu ganaaxay ee aan magacyadooda hayno waxay kala yihiin:

  • 1- Xassan Xashi Garaad.
  • 2- Barre Maxamed Cumar.
  • 3- Qaybdiid C/hi Raage.
  • 4- Maxamed Ilko-jiir Dhega-weyne.
  • 5- Qabbaase Ceelaabe.

Dadwayne xabsiga loo taxaabay markay diideen inay dabaqoodhi noqdaan.

Tuulooyinka Geri-go’an, Goomaar iyo Hiilley ayaa iyagana mid walba lagu xukumay inay qoryo u iibiso malleeshiyada gumaysiga Itoobiya u adeegta ee dabaqoodhiga loo yaqaano.

Dadweynaha oo dan-yar u badan, isla markaana ku jira xilli adag oo jilaal ah, dhibaato weyn ayay ku tahay inay dhaqaale intaas dhan bixiyaan, hase yeeshee gumeystaha naxariis-laawaha ah ee Itoobiya ayaa dadkaas ugu hanjabay inuu xabsiga dhigi doono haddii ayna ganaaxaas bixinin.

Dadwayne xabsiga loo taxaabay markay diideen inay dabaqoodhi noqdaan.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa bishan maarso 11dii Ceelxaar, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, ka qaqabtay 23 qof, oo ka mid ah dadwaynihii rayadka ahaa ee deegaankaas ku noolaa iyo kuwo tuulada makhaayado ku haystay.

Dadwaynahaas waxaa la qaqabtay, ka dib markii ay ku gacan saydheen inay ka mid noqdaan malleeshiyada dabaqoodhiga loo yaqaano ama ay qoryo u gadaan.

Dadka aan magacyadooda hellay ee halkaas laga qaqabtay waxaa ka mid ah:

  • 1- Cabdulahi Xaashi.
  • 2- Siraad Cabdi Juboole.
  • 3- Bashir Maxamed Shafad.
  • 4- Cabdi-nasir Maxamed Cabdi (afyare).
  • 5- Maxamed Caydiid Yuusuf.
  • 6- Cabdi-nuur Maxamuud Shafad.
  • 7- Shukri Axmed Cabdi (Gacamey).
  • 8- Carab Ismacil Awlaad.
  • 9- Mahad Maxamuud Khayr.
  • 10- Maxamed Cabdi Guure.
  • 11- Khalif Maxamed Layli.
  • 12- Cabdulaahi cabdi Dhicis.
  • 13- Dahir Maxamed Khayr.
  • 14- Qorane Maxamuud Khayr.
  • 15- Maxamuud Cabdi Fiin.

dadkaas aan waxba galabsan ee ciidamada Itoobiyo xabsiyada ka buuxiyeen ayaa xaaladooda nololeed iyo caafimaadba laga dayrinayaa, waxayna dadwaynihu is waydiinayaan sida ay suurta gal ku tahay in shabaku hub u gado ciidamada dawlad kusheegtu adeegsanayso.

David Shin oo yidhi; xalka geeska afrika xalinta qadiyada Ogadenya ayaa sal u ah.

Safiirkii hore ee maraykanka u fadhiyey wadanka Itoobiya David Shin oo khudbad ka jeediyey jaamacad ku taala wadanka maraykanka, ayaa si aad ah uga hadlay dhibaatooyinka ba,an ee argagixisadu ku hayso caalmka.

David Shin oo khibrad dheer uleh xaaladaha nabad galyo la,aanta ah ee gajirta afrika guud ahaan gaar ahaana geeska afrika, in badana kaga soo shaqeeyey safiirnimo, ayaa shaaca ka qaaday in xalka kaliya ee nabad loogu soo dabaali karo geeska afrika lagagana hortagi karo abaaraha joogtada ah ee mar walba ku habsada geeska afrika ay tahay iyadoo xal waara loo helo qadiyada Ogadenya, uuna aaminsan yahay inay fure u tahay nabada geeska afrika, isagoo intaas raaciyey in Ogadenya la raaciyo Soomaaliya ama Jabuuti, si geeska afrika nabad uga hirgasho.

Ururo macaarad ah oo Meles u digay

Ururro mucaarad ah oo aad u tira-badan ayaa digniin adag u soo jeediyay xukuumada Addis Ababa. Digniintani waxay ku soo beegantay xilli uu soo dhawaaday ololihii doorashooyinka ee Itoobiya.

Ururradani waxay ururka TPLF/EPRDF uga digeen inay doonista dadwaynaha ka dhaga adaygaan oo ay xukunka isku sii dhejiyaan, taasoo ay sheegeen inay horseedi doonto dagaal sokeeye oo aan xal loo heli doonin.

Warku waxa kale oo uu intaa raaciyay inay ururadani caddeeyeen inay dawlada uu ka taliyo Meles Zenawi ay ku guul-darraysatay mudadii dheerayd ee ay kuxunka gacanta ku haysay inay wadanka horumariso, nabadgelyana ku soo dabbaasho.

Dagaal ba’an oo dhexmaray OLF iyo ciidamada Wayaanaha.

Radyowga Oromada ee SBO Ayaa sheegay inuu dagaal aad u ba’ani dhex-maray ciidammada jabhada Oromada ee OLF iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.

Dagaalkani wuxuu ka dhcay magaalada Miraale oo ka tirsan gobolka waqooyiga shawa, halkaasoo ciidamada wayaanha lagaga dilay 20 askari, isla markaana lagaga dhaawacay tiro kale oo aad u badan.

Ciidammada OLF, oo ka dagaallama dhulka ay degaan dadka Oromada ah, waxay dagaal aan kala joogsi lahayn ku hayaan ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya oo lagu jabiyo madal kasta oo laysku hardiyo. Jabhadda OLF waxay u dagaallanta xornimada dad Oromada ah.

Bangiga Aduunka oo masuugay nidaamka dhaqaale ee Itoobiya.

Ergay ka socda Bankiga Aduunka ayaa si wayn u masuugay nidaamka dhaqaale ee Itoobiya, kaasoo sheegay in dhaqaalaha Itoobiya uu aad u liito, isla markaana ku xidhan yahay macaawinooyinka ay Itoobiya ka hesho wadamada reer galbeedka ah.

Ergaygan oo aan rabin in magaciisa la sheego wuxuu yidhi: “Bajadka ay dawlada Itoobiya sannadkan soo diyaarsatay wuxuu xaqiijinayaa inay Itoobiya gaadhi doonto heer ay xataa shaqaalaha mushaharkooda soo daynsato”.

Warar kale oo arrintan la xidhiidha oo wakaalada waraka Ogadeenya (ONA) soo gaadhay ayaa sheegaya in Midawga Yurub uu Itoobiya u diri doono wafti khabiiro ah oo laba xubnood ka kooban, kaasoo shaqadiisu ay tahay inuu soo baadho dhibaatooyinka hor taagan mashaariicdii la rabay inay Itoobiya hirgaliso.

Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada ugu badsada macaawinooyinka uu Midowga Yurub siiyo dalalka sabaoolka ah.

Rabshadihii ardayda Itoobiya oo sii korodhay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalooyin kala duwan oo Itoobiya ka tirsan ayaa sheegaya inay aad u sii kordheen mudaharadayada ay ardayda Oromoda ahi samaynayaan ee ay kaga soo hor jeedaaan xukuumada wakhtigeedii dhamaaday ee wayaanha iyo iska horimaadyada u dhaxeeya ardayda iyo ciidamada nabad sugida ee Itoobiya.

Wararku waxay intaa raaciyeen inay booliska Itoobiya ay tabar u waayeen inay ardaydaas wax ka qabtaan, sidaas darteed loo dalbaday ciidamada millatariga ah ee wayaanha, kuwaasoo iyguna wali gaadhka ka haya Jaamacdaha iyo dugsiyda sare ee magaalooyinka Jimma, Bariga Wallaga, Dhabraziyit, Ambo, Sabta, Harmaya, Doola iyo Naqamte.

Warar kale oo naga soo gaadhaya magaalada Jimma ayaa sheegaya in maxkamada la horkeenayo 25 ka mid ah aradaydii ay toddobaadkii hore xidheen ciidamada Itoobiya, kuwaasoo lagu tuhmay inay iyagu mudaharaadkan soo qabanqaabiyeen.

Ardaydu waxay ka gadoodsan yihiin nidaam xumada xukuumadda Addis Ababa iyo cabudhinta ay ku hayso dadwaynaha Oromada ah, waxayna bannaanbaxyadan kaga jawaabayaan xukuumadda Addis Ababa oo dhawaana arday badan oo Oromo ah ka caydhisay Jaamacadda Addis Ababa.

Golaha wasiirada DKMG Soomaaliya oo canbareeyay xukumada Itoobiya.

Shir ay 14.03.2004 isugu yimaadeen golaha wasiirada DKMG ee Somaaliya ayay kagaga doodeen qodobo ay ka mid ahaayeen Xaalada nabad galyada dalka, safarka uu ku aaday Daahir Riyaale wadanka Ingiriiska iyo hubka ay Itoobiya ku soo daldalayso dalka gudihiisa.

Golahu dood dheer kadib waxuu canbaareen dusha kaga tuuray Taliska Itoobiya oo ay ku sheegeen in ay shirqoolo u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna beesha caalamka ka codsadeen in ay fiiro gaar ah siiyaan xadgudubyada ay dawlada Itoobiya ku hayso Soomaaliya, laguna ciqaabo jabinta qaraaradii qaramada midoobay ay ka soo saareen soo galinta hubka Soomaaliya.

Wasiiradu waxa ay xuseen in xukuumada Itoobya hub ugu deeqday kooxo aan danaynayn maslaxada ummadda iyagoo kaga faaiidaysanaya gumaadka shacabka.

Wasiirka warfaafinta ee dawladda kmg ah Md C/qaadir Madaxeey oo isagu la hadlayay saxaafadda ayaa daboolka kaqaaday in ay tahay wax aan loo samri karin dhibaatada cadawtooyada xanbaarsan ee ay Itoobiyaanku ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ka dalbaday waddamada deriska iyo urur gobaleedka Igad in ay arrintaa wax ka qabtaan.

Goluhu waxaa kale oo uu falanqeeyay booqashada Mr Riyaale ee dalka ingiriiska isagoo taana ku tilmaamay in ay tahay faragelin qaawan ee arrimaha soomaaliya iyo dhibaato loo gaysanayo midnimada qaranka soomaaliyeed, xadgudbna ku ah madax bannaanida qaranka soomaalideed. Goluhu waxa uu farta ku fiiqay in ay khalad ka gashay dawladda ingiriisku soomaalida oo ay dhiira gelin u samaynayso gooni isutaaga goballada w/galbeed ee soomaaliya .

Dhinaca kale: Wararka naga soo Gaadhaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay soo gaadheen magaaladaasi Gaadiid Hub sida oo kakoobnaa 10 Gaadhi habeenimadii 13.03.2004 Gaadiidkaas oo la sheegay in uu siday Qoryaha loo yaqaano Dabajeexa PKM, Ak iyo rasaas aad ubadan ayaa la sheegayaa in ay Itoobiya ugu deeqday hogaamiya kooxeedyada Maxamad Dheere iyo Morgan oo iyagu hada ku sugan Magaalada Jawhar.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya inay Ciidamo Itoobiyaanihi soo Gaadheen meelaan saas ooga fogan Magaalada Baydhabo walina lagaranayn waxay halkaas ka Qabanayaan.

16.03.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari
 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD