Wararka naga soo gaadhaya gobolka Abiy-Adhi oo ka tirsan Kililka Tigreega
ayaa sheegaya in ay dadwaynaha kunool gobolkaas todobaadkii hore
dhamaadkiisii isugu soo baxeen mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan maamulka
kaligii taliye Meles Zenawi.
Mudaharaadkan ayaa waxa ka soo qayb galay dad aad u tiro badan oo
kumanyaal gaadhaya, waxayna dadku kaga cabanayeen maamulxumada iyo daryeel
la`aanta ay xukuumadu kula dhaqmayso dadka ku dhaqan gobolkaas iyo guud
ahaanba shucuubta Itoobiya.
Warku wuxuu intaa raaciyay in uu gudoomiyaha degmada Abiy-Adhi u diiday
inuu bixiyo warqadii fasaxa ee mudaharaadkaas, hasayeeshee dadwaynihii oo aad
u cadhaysan oo buuqaya ayaa mudaharadkoodii sidii ay ugu talo galeen u
qabsaday.
Waxaa halkaas ka hadlay odayaal, aqoonyahano, dhalinyaro, iyo hooyooyin,
kuwaas oo naclad dusha kaga tuurayay kaligii taliye Meles Zenawi iyo
maamulkiisa. Dadkaas oo wadooyinka magaalda oo dhan soo maray ayaa waxay ku
dhawaaqayeen kalmado ay ka mid ahayeen
Meles ha dhaco!
Meles waa dhiig miirte!
Iyo Maxay caruuratanadii ku dhamaadeen!
Waxayna tirinayeen Heeso iyo gabayo lagaga soo hor jeedo xukuumada Meles.
Mudaharaadkan ka dhacay gobolkaas ayaa xukuumada Zenaawi saameeyn wayn ku
yeeshay, waxuuna ka duwanaa mudaharaadyadii gobolada kale ee Itoobiya
kadhacayay, maadaama uu yahay gobolkii uu ka soo jeeday, taageerada ugu
badana uu ka helayay.
Askar Itoobiyaan ah oo baxsatay.
Wasaarada warfaafinta ee Eritreya ayaa caddaysay inay 9 askari ka soo
baxsadeen xukuumada Addis Ababa, waxayna ciidammadani qayb ka yihiin
ciidamadamo aad u tiro badan oo si is-daba joog ah uga soo goosta Itoobiya,
kuwaasoo diidan ama ka soo horjeeda dagaalada ay Itoobiya ku hayso wadamada
dariska ah iyo maamul xumida xukuumada Addis Ababa.
Ciidamadan baxsaday ayaa waxay u badanaayeen dhalinyaro qasab lagaga soo
qoray tuulo kasta oo ka tirsan Kililka Tigreega. Warku waxa uu intaa raaciyay
inay dhalinyaradan qasabka lagu soo qoray maalin walba isu dhiibaan dalalka
Sudan iyo Eritreya.
Jaaliyadaha Oromada ee waqooyiga Marykanka oo mudaharaad isu diyaarinaysa.
Radyowga Oromada ee SBO ayaa sheegay in ay jaaliyadaha Oromoda ee
waqooyiga Marykanku isu qabanqaabiyanyaan mudaharaad aad u wayn, oo
laqaban doono talaadada soo socota kuna began 23 bishan Maarso.
Mudaharaadkan ayay Jaaliyadaha Oromadu kaga soo horjeedaan falalka xun-xun
ee ay
xukuumada dhiigyo cabka ah ee uu madaxda ka yahay Meles Zenawi kula kacdo
dadka Oramada ah ee ay gumaysato iyo shucuubta kale ee gumaysiga Abasiiniya
ku hoos nool.
Raadyowgu waxa uu intaa raaciyay in mudaharaadkan si wayn uu uga dhici
doono meelo kala duwan gaar ahaan magaalada Washington si ay u
gaadhsiiyaan bulshada caalamka dhibaatada lagu hayo dadka Oromoda ah.
Sargaal Itoobiyaan ah oo lagu afduubay magaalada Garoowe.
War uu qoray wargayska Muqdisho Times ayaa sheegay in koox hubaysan ay
afduubteen
sarkaal Itoobiyaan ah oo sheegay inuu la socday wafdi Ku sugan garoowe oo ka
socda baarlamaanka ismaamulka Ogaadeenya.
Sarkaalkaan oo laga afduubtay Hotel Nasiye ayaan la ogayn meesha ay la
aadeen kooxdii afduubtay iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo sarkaal
Itoobiyaan ah la afduubo. Sargaalkan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somalida
Ogadenya ayay afduubayaashu ku sheeganayaan inay lacag badan ku leeyihiin
isagoo ka mid ahaa wafdi balaaran oo Itoobiya ka socday oo Garoowe booqasho
ku yimid.
Ciidamada Daraawiishta ee madaxtooyada Garoowe ayaa ku raadjooga sidii
ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen kooxdii afduubatay isagana xoriyadiisa ugu
soo celin lahaayeen.
Afduubka sargaalkan ayay si aad ah u hadal ahayaan dadweynaha
ku dhaqan Garoowe ku-waasoo aragtiyo kala duwan ka bixinaya afduubkiisa.
Bayaan ay ka soo saareen shirka Soomaalida gudiga IGAD iyo gobjoogayaasha
caalamiga ah.
Gudiga IGAD ee gacanta ku haya hawlaha shirka Soomaalida iyo
goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku soo
dhawaynayaan go`aankii 12kii maarso ay gaadheen wasiirada IGAD ee ahaa in
horay loo sii wado wadaxaajoodka lana furo wajiga sadexaad ee nabadeenyta
shirka Soomaalida.
Gudiga fududaynta sharka iyo goobjoogayaasha caalamiga ah waxay kooxaha
Soomaaliyeed ee ka maqan shirka ku dhiiri galiyeen inay si dag dag ah ugu soo
laabtaan magaalada Nayroobi si ay uga qayb qaataan hor u wadka nabadeenyta
Soomaaliya.
Gudigu waxay sheegeen in ay nasiib darro tahay in ay soo baxaan wararka
sheegaya in dhowaan uu dib u bilowday hubka sida sharci darida ah loogu
daldalayo Soomaaliya, taasoo ay sheegeen in ay abuurayso jawi colaadeed oo
hor leh, isla markaasna ay ka soo horjeedo ujeedooyinkii shirka looqabtay, si
toos ahna ujabinaysa qaraarkii cunaqabataynta hubka ee lambarkiisu ahaa
733,kaasoo golaha Ammaanku soo saaray sanadkii 1992kii.
Waxayna ugu baaqay kooxda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka
ee haatan ku sugan gobolka in ay soo baadhaan arrintan kana soo warbixiyaan.
Bulshada caalamkana waxay ka codsadeen in ay taageerto dadaalka shirka
nabadaynta qaran ee soomaaliya si uu ugu dhamaado guul.
19.03.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso warkan oo Cod ah
...HALKAN
KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA
WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u
tahay Radio Xoriyo, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk