SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

March 2, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Qorshe ay xukumada Itoobiya ka wado dhulka daaqsinta Ogaadenya oo dadwaynuhu diiday.
  • Ø Dagaalo dhex maray ciidamada xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Mudaaharaa weyn oo ka dhacay dalka Norway.
  • Ø Dagaal ba’an oo dhexmaray jabhada Canfarta iyo ciidamada wayaanaha.
  • Ø Jaaliyadaha Oromada oo lacago tabarruc ah ugu deeqay ururka OLF.
  • Ø Dib u dajinta ay Itoobiya wado oo la canbaareeyay.
  • Ø Masar oo Itoobiya u digtay.
  • Ø Faalo aanu kaga hadlayno dhacdooyinkii Bishii Fabraayo ee 1994 ka dhacay Ogaadenya iyo waliba suugaan halgameed kala duwan.

Qorshe ay xukumada Itoobiya ka wado dhulka daaqsinta Ogaadenya oo dadwaynuhu diiday.

Iyada oo lagu jiro xili jiilaal ah oo ay baadka iyo biyihiba yar yihiin ayay xukuumada Itoobiya dhulka daqsinta ah ee Ogaadeenya ka biloowday goobo ay ku magacawday deegaameenta dadwaynaha.

Mashruuca qorshahaas fulinaya wuxuu ka bilaabay in uu ceelal ka qodo dhul daaqsimeedka duunyada saldhiga u ahaa, gaar ahaan meelo ay ka agdhow yihiin ceelal kale, ujeedadana waxaa loo gartay in aynan ahayn mid u danaynaysa dad weynaha, hase yeeshe ay tahay mid dadka degaankaas la isaga horkeeni, sidii tii hadda kohor ka dhacday ceelkii Mindhicir, waxaa kale oo ay dadwaynuhu u arkaan qorshahan mid lagu xaalufinayo meelaha daaqsinta ku caanka ah, si xooluhu u dhamaadaan kadibna dadka xerooyin loogu ururiyo.

Arimahan kuwii ugu dambeeyay waxay ka dheceen meesha la yidhahdo Sancadde oo ku taala aaga Sibi, oo Ceelal waaweyn oo kale dhinacyada ka yihiin, sida Ceel-xaar iyo kuwo kale. Dadwaynaha degaankaas ayaa qorshahaas ku gacan saydhay oo u arkay khayaamo ay xukuumada Adis Ababa u malagayso, sidoo kale waxaa qorshahan diiday dadka ku dhaqan deegaanka Dhagax-Buur kadib markii loo soo jeediyay in mashruucaas laga fuliyo meesha lagu magacaabo Goohdi oo aan sidaas uga Fogeeyn magaalada Dhagax-Buur, waxayna dadwaynuhu sheegeen in ay deegaankaas ceelal ka buuxaan.

Dagaalo dhex maray ciidamada xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.

5/2/04, Dagaal gaadmo ah oo ay ku qaadeen ciidamada wadaniga xoraynta Ogadeenya ciidamada cadawga Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Bambaase oo Gobolka Doolo ka tirsan, ayaa waxaa ciidamada doolka ku jooga Ogaadeenya lagaga dilay 10 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 15 Askari oo kale.

22/2/04 Iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada xaq u dirirka xoreeynta Ogaadeenya meesha lagu magacaabo Laas-dharkaynle, oo Gobolka Qoraxay ka tirsan, ayaa waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 4 Askari oo kale.

Mudaaharaa weyn oo ka dhacay dalka Norway.

Duhurnimadii maalintii jimcaha ee ay taariikhdu ahad 27 ka febraayo, ayey magaalda Oslo ee dalka norway isugo soo baxeen dad badan ka mudaaharadaya dhibaatada joogtada ah ee ay maamulka EPRF ee ka taliya Itoobiya kula kacaan qoomiyaddaha kale duwan ee ku hoos nool.

Dadkii ka soo qeyb galey mudaaharaadkaas oo aad u badnaa ayaa socod dheer ku soo marey qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Oslo si ay u muujiyaan xad gudubka ay Melese iyo kuwa u adeega kula kacaan dadka aan waxba galabsan ee ay xooga ku haystaan.

Waxay dadkaasi ugu danbeytii is hor tubeen aqalka Baarlamaanka dalka Norway oo ay hor taagnaayeen in ka badan dhawr saacadood.

Dagaal ba’an oo dhexmaray jabhada Canfarta iyo ciidamada wayaanaha.

Wariyaha Wakaaladda Wararka u jooga magaalada Addis Ababa ayaa noosoo tabiyay dagaal aad u ba’ani oo dhexmaray jabhada Canfarta iyo ciidamada wayaanha, waxaanuu dagaalkaasi ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Samara iyo Adheera.

Dagaalkaas waxaa ciidamada wayaanha lagag gubay afar baabuur iyadoo ay ku dhinteen dhamaan ciidamadii wayaanha ee baabuurtaas saaraa.

Warku wuxuu intaa raaciyay in jabhada canfarta iyo ciidamada Itoobiya ay dagaallo kale ku dhex mareen agagaarka magaalda Dhase ee gobolka Wallo.

Jaaliyadaha Oromada oo lacago tabarruc ah ugu deeqay ururka OLF.

Radyowga Oromada ee SBO ayaa sheegay in Jaaliyadaha Oromoda ee dibada ku nool ay lacago tabarruc ah ugu deeqeen jabhada oromada ee OLF. Jaaliyadaha lacagaha ku deeqay waxay kala yihiin, Jaaliyada Sacuudiga, gaar ahaan gobolka Jiisaan oo ku deeqday 8560 Riyaal oo sacuudi ah iyo Jaaliyada wadanka Keniya oo iyna ku deeqday 100,000 oo shillin oo lacagta Keniya ah.

Warku waxa kale uu intaa raaciyay in shirarka lacagta tabarucaas ah lagu uruurinayay ay ka hadleen xubno ka tirsan jabhada OLF. Dadwaynihii shirarkaas ka soo qaybgalay ayaa iyaguna halkaas ka caddeeyay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin jabhada OLF oo u halgamaysa xoraynta dhulka Oromada ee gumaysaga Itoobiya uu gacanta ku hayo.

Dib u dajinta ay Itoobiya wado oo la canbaareeyay.

Wariyaha Wakaaladda Wararka u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya inay dad badan oo reer galbeed ahi canbaareeyeen barnaamijka dib u dajinta ee ay Itoobiya ka wado meelo kala duduwan.

Dadka arintaas cabaareeyay waxaa ka mid ah sargaal sare oo ka socday Midowga Yurub, kaasoo yidhi; ”Itoobiya qorshahan ay wado ma aha mid laga fiirsaday oo si fiican loo darsay, si dhib yaraan ahna kuma suuroobi karo. Barnaamijkan oo kalana waxaa ku guul daraystay kaligii taliye Mangistu”.

Waxaa kaloo barnaamijkan canbaareeyay Diplomaasiyiin reer galbeed ah oo iyana sheegay in barnaamijkani uu horseedi karo in cudurrada faafaa, sida AIDS-ka iyo macluushuba ay Itoobiya ku sii fidaan.

Hay’adda MSF ee dhakhaatiirta aan xuduuda lahay ee Holland ayaa iyaduna barnaamijkan dib u dajinta aad uga dayrisay, waxayna sheegtay in ay dhimashada caruurta ee meelaha dib u dajinta laga wado ay aad u korodhay.

Barnaamijikan dib u dajintac ee ay Itoobiyo wado ayaa waxay ka dalbatay wadamada deeqda bixiya lacag ka badan 220 Malyuun oo Dollar, si ay u hirgaliso.

Masar oo Itoobiya u digtay.

Dawlada Masar ayaa xukuumadda Itoobiya uga digtay inay ka baxdo heshiiskii lagu qaybsanayay biyaha wabiga caanka ah ee Niilka ee u dhexeeyay dhawr waddan oo Itoobiya iyo Masar ay ka mid yihiin.

Masar waxay diugniintan xukuumadda Itoobiya u dirtay, ka dib markii ay xukuumadda Itoobiya sheegtay inay hirgelinayso mashruuc horseedaya inay xakamayso biyaha wabiga Niilka Buluugga ah oo dhulkeeda ka soo farcama, ka hor intaanuu ku darin Niilka Cad oo ka soo farcama Laagta Fiktoriya.

Masar ayaa rumaysan in mashruucaasi uu ka soo horjeedaa heshiiskii NBI ee dalalka wabiga Niilka wadaaga ay isla galeen sannadkii 1929, kaasoo dhigyay in dalalka kale wabiga Niilku ay waddanka Masar la soo socdsiiyaan, marka ay doonayaan inay saami aan horay loogu qoondaynin ay ka isticmaalaan wabiga Niilka ama Laagta Fiktoriya.

Xukuumadihii hore ee Itoobiya ka jiri jiray ayaa hadda ka hor isku dayay inay mashaariic biya-xidh ah ka sameeyaan meelaha uu wabiga Niilku ka soo billowdo, hase yeeshee waxay mashaariicdaas ku guul darraysteen markii ay Masar u awood sheegatay, isla markaana ay waayeen dhaqaale fiican oo mashaariicdaas ay ku hirgeliyaan.

Dalalka ku jira heshiiska NBI waxay kala yihiinBrundi, Kongo, Masar, Eritereya, Itoobiya, Kenya, Ruwanda, Suudaan, Tanzaniya iyo Uganda.

02.03.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faalo:

Bilwaliba xasuus lehe Febraayo maxaa lagu xasuustaa?

Dhacdooyinka soo mara nolosha aadamaha qaar badan oo kamid ah waxay ku reebaan xasuus gaar ah, waxay noqon karaan maalmo leh xasuus murugo ama xasuus farxadeed. Bisha febraayo waxay kulmisaa maalmo xusuus iyo qadarin ka mudan shacbiga Soomalida Ogaadenya. Bishan gudaheeda waxaa dhacay dhacdooyin waawayn oo taariikhda dalka Ogaadenya baal muhiim ah ka galay. Maalmahaas qaar waxay leeyihiin murugo, qaara farxad, qaara labadaba way isku darsadeen.

Qormadan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa qaar ka mid ah maalmahaas taariihiga ah ee soomaray shacabka Ogadenya.

01 Febraayo, 1994 waxay ciidamada dawlada Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen magaalada Qalaafe Duulane Xasan Gaabane oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacb ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane

06 Febraayo, 1994 waxay sidoo kale Ciidamada Itoobiya magaalada Wardheer ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada wardheer Marxuum Cabdulaahi Ganay.

07 Febraayo, 1994 waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isgoo kula shiraya Magaalada Goday oo ah Caasimada Ogadenya in Afti laga qaado shacabka Somalida Ogadenya.

12 Febraayo, 1994, waxay ciidamada Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Shihiid Maxamed Cumar Tube iyo Shihiid Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan. Arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda, kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.

15Febraayo, 1994, waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadenya. Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadenya, waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin. Go’aanka baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaama uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doortay, kalsoonina ka haystay dadwaynaha. Sidoo kale, go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee xukuumadii Itoobiya ee xiligaas. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogaadenya.

17 Febraayo, 1994 waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka taageereen go,aankii Barlamanbka. isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar

Isla Badhtamihii Febraayo, 1994, ururka ONLF, Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka, kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan datuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Itoobiya iyo Ogaadenya.

Febraayo 22, 1994, waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codsaday in dadwaynaha afti la waydiiyo. Sidoo kale, waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO mudane Sheekh Ibraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.

Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nolol mid uun. Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu hogaaminayo Guddoomiyihii JWXO ee xiligaas Mudane Sheukh Ibrahim Cabdalla. waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus, waxay xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada. Waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.

Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin xusuus farxadeed iyo murugo labadaba. Waa marka hore, waxay huwan yihiin murugo, marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha reer Wardheer iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre iyo waliba burburkii dhismayaashii magaalada. Dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan, marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda, uqab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya, una difaaceen madaxdii iyo magacii umadda intaba. Waxay noqotay arrin lagu faani karo, taariikhdana gashay sidii dadwaynaha reer Wardheer oo aan haysan hub u dhigma kuwii ay wateen ciidamada Nacabka Itoobiya ay u difaaceen magaalada iyo madaxdii shacbiga. Inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen halkaas, ayna mudan yihiin in loo murugoodo, haddana, waxaa dhinca kale, garab taagan, geesinimada iyo sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee Itoobiya.

Hadaba dhagaystoow Bisha Febraayo taariikha haas ayay kulmisaa, waxayna shacbiga ree Ogaadenya ku xusaan bishaan hab murugo iyo farxad labadaba leh, waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka loo gaysto dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u taagan tahay halganka xaq u dirika ah ee dadwaynaha Ogaadenya.

Abdullahi Mahamed

Radio Xoriyo

Abdullahi_mahamed@yahoo.com  

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD