SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARARKA MAANTA:

Dad Soomaaliyeed oo ku xir xiran Xabsiyada Zambia.

Magacyadda Dadkaasi Soomaaliyeed qaar ka mida.

Dad Soomaaliyeed oo Magan Galyo doon ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku xir xiran yihiin Xabsi ku yaala Magaaladda Lusaka ee Dalka Zambia.

Cumar Maxamed Aw Cabdi oo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo Dagan Magaaladda Lusaka ayaa u xaqiijiyay STN Jiritaanka Dadkaasi Soomaaliyeed oo Muddooyinkii la soo dhaafayba ay Warbaahinta Zambia wax ka qoraysay. Wuxuuna Ganacsadahan sheegay in Xaaladda dadkaasi ay aad u wanaagasan tahay isla markaana ay socdaan dadaalo lagu doonayo in dadkaasi lagu sii daayo.

Aw Cabdi waxa uu sheegay in Dawladda Zambia ay dabacsanaan ka muujisay Arrinta dadkaasi. Wuxuuna sheegay in wadahadal ay Dawladda la yeesheen dad Soomaaliyeed oo degenaansho ku leh Zambia ay ka oggolaatay inay qaar ka mida dadkaasi u aqoonsato Qaxootinimo. Halka qaarka kalana dib loogu soo celinayo Dalkooda Hooyo.

Ganacsadahan waxa uu sidoo kale sheegay inay Jiraan Soomaali hor leh oo ku soo qul qulaysa Zambia. Wuxuuna sheegay in haddii uu sii kordho Culayska ay Soomaalidu ku hayso Dalkaasi ay suuragal tahay in Dawladdu ay go’aan ka qaadato Soomaalida soo galaysa Dalkeeda.

Qaar ka mida magacyadda dadka Lusaka ku xiran oo aan ka soo xiganay Ganacsadahaasi Soomaliyeed ee deggan Lusaka waxaa ka mida.

  • Xuseen Cismaan Aadan.
  • Axmad Aadan Cali.
  • Aadan Maxamad Cabdi.
  • Axmad Maxamad Cumar.
  • Maxamad Cabdi Taakoow.
  • Cabdirashiid Maxamad Macalin.
  • Maxamed Diiriye Cali.
  • Muxaydiin Axmad Maxamuud.
  • Muxyadiin Cali Axmed.
  • Axmad Maxamed Calas.
  • Sacdiyo Axmad Maxamuud.
  • Zamzam Cusmaan Shiiq.
  • C/laahi Nuur Dhimbil.
  • Xuseen Cabdullaahi Maxamad.
  • Faysal Shiiq Cumar.
  • C/qaadi Xasan Xuseen.
  • C/risaaq Maxamed Mursal.
  • Isaaq Cabdi Xirsi.
  • Ismaaciil Xasan Cilmi.
  • Maxamed Cali Shiiq.
  • Fartuun C/raxmaan Cabdulle.
  • Cabdi Cabdullaahi Faarax.
  • Maxamad Cali Maxamad.
  • Maxamad Jooraad Joombo.
  • Cali Xasan Baaja.
  • C/raxmaan C/qaadir Maxamad.
  • Mahdi Maxamad Maxamuud.
  • Rumaan Cali Xasan.
  • Madiino Axmad Xamza.

Waxaa isku soo ururiyay Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare) 

Naafadda Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini oo ay deeq dhaqaale soo gaarsiiyeen Naafadda Holland ee Soomaalida ah.

Naafadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holland ayaa markii ugu horaysay Taageero Dhaqaale soo gaarsiiyay Naafadda ku dac daraysan Isbitaalka Martiini ee Magaaladda Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Naafadda Isbitalka Martini ayaa sheegay inay ugu deeqeen Walaaloohooda Naafadda ah ee ku nool Holland Miisaaniyad Dhaqaale oo ay Labo Billood ku noolaan Karaan. Wuxuuna Afhayeenkaasi sheegay in Kaalmadan ay u timid xilli ay haysato dhibaataddii ugu darnayd ee dhaqaalo Xumo.

Naafadda Isbitaalka Martiini oo u badan Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku naafoobay Dagaalkii 1977-dii dhex maray Somalia iyo Ethiopia ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay Dawladii dhexe ee Somalia waxay ku dacdaraysnaayeen Magaaladda Muqdisho. Iyadoo ay yarayd Kaalmadda ay ka heleen Shacabkii ay ku naafoobeen Difaacooda.

Naafadan oo qaarkood ay Afarta Addin ka go’an yihiin ayaa waxaa Taakulayn aan sidaa u badnayn gaarsiiyay marar dhawr ah Ganacsato Soomaaliyeed oo muujiyay Damiir Bini’aadanimo. Waxaa sidoo kale iyaguna kaalmooyin noocaas oo kale ah billaabay inay gaarsiiyaan Ardayda Dugsiyadda Gobalka Banaadir oo dhawaan lacago taburacaad ah oo ay iska aruuriyeen ugu deeqay Naafadda Isbitaalka Martiini.

Dhibaatadda Dhinaca Nolosha ah ee haysata Naafadda Soomaaliyeed waxay cirka isku sii shareertay markii dhawaan qaybo ka mida Isbitaalkii ay daganaayeen uu ku soo dumay. Isla markaana uu ku fariistay qaar ka mida Naafadii ku jirtay Isbitaalkaasi. Waxaana ay wal wal ka muujinayaan Naafaddu in qaybaha dhiman ee Isbitaalku uu dumo. Iyadoo illaa iyo haddana ay Shacabka Soomaaliyeed ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan Dhibaatadda dhinaca Hoyga ah ee soo wajahday Geesiyaashii Soomaaliyeed ee ku curyaamay Difaaca Qaranimadda Dhuleed ee Somalia. 

Isbitaalka S.O.S oo wali u xiran Muran ka dhashay Haweeneey lagu badbaadiyay Isbitaalkaasi. 

Isbitaalka ugu waynaa Dhalaanka iyo Hooyadda ee S.O.S ayaa wali xiran iyadoo lagu guul daraystay dadaalo la doonayay in Isbitaalkaasi dib loogu hawl galiyo.

Sarkaal ka tirsan Isbitaalka S.O.S ayaa sheegay inuu fashilmay wadaxaajoodyo lagu doonayay in lagu qanciyo Eheladda Haweenayda Diyadeeda laga rabo Isbitaalka S.O.S. Wuxuuna sarkaalkaasi sheegay in eheladda Haweenaydaasi ay ku adkaysteen inaan la furi Karin Isbitaalka haddii aan la Bixiyo Gabadha laga saaray Ilmo Galeenka Diyadeeda.

Maxmadaha Islaamiga ah ee Muqdisho oo dhawaan ku dhawaaqay inay faragalin doonaan Arrinta S.O.S ayaan wali wax talllaabo ah qaadin. Waxaana Maxkamaduhu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan sababta ay uga laabteen go’aankii ay horay u gaareen ee ahaa inay faragalinayaan Arrinta S.O.S.

Isbitaalka S.O.S oo ah kan kaliya ee ugu wayn Dhalaanka iyo Hooyadda Muqdisho ayaa u xiran muran ka dhashay Haweeneey Isbitaalkaasi looga saaray Ilmo Galeenka. Waxaana Haweenaydaasi markii lagu sameeyay Qaliin Nafsadeeda lagu bad baadiyay ay Ehaladeedu ku doodeen in lagu sameeyay Qaliin aan lagala tashan. Taasoo keentay in Isbitaalka Albaabada loo xiro.

Magaalooyin kala duwan oo Ciraaq ka mida oo xalay ay ka dhaceen Dagaalo.

Dagaalo qaraar ayaa lagu soo waramayaa inay xalay ka kala dhaceen Dhawr Magaalo oo ka tirsan Dalka Ciraaq.

Magaaladda Kuufa oo ah Saldhiga Wadaadka Shiicadda ah ee Muqtadda Sadri ayaa lagu soo warmayaa in illaa iyo xalay saqdii dhexe uu ka socday Dagaal Qaraar. Waxayna Maraykanku ku fashilmeen inay Gudaha u galaan Magaaladaasi oo illaa iyo xalay Saqdii Dhexe uu ka socday Dagaal Qaraar.

Magaaladda Karpala ayaa iyadana lagu soo waramayaa in sidoo kale ay ka dhaceen dagaalo qaraar. Waxaana Magaaladaasi wararka ka imaanayaa ay sheegayaan inay gudaha u galeen Ciidamadda Maraykanku. Laakiin markii iska caabin xoogan ay Maraykanku kala kulmeen Gudaha Magaaladaasi ayeey dib uga soo gurteen.

Magaaladda Najaf ayaa iyadana sioo kale ka mida goobihii ay Dagaaladdu ka dhaceen. Waxaana illaa iyo hadda aan la xaqiijin Khasaaraha labada dhinac ee ka dhashay dagaaladaasi.

Dhinaca Kale Madaxwaynaha Maraykanka George W. Bush ayaa markii ugu horaysay ka hadlayay Qofkii Maraykanka ahaa ee lagu gawracay Gudaha Ciraaq. Wuxuuna Bush sheegay inaan laga harin doonin Kooxihii ka dambeeyay dilka Ninkaasi oo sida ugu dhaqsiyaha Badan Sharciga loo horkeeni doono.

<><><>

Waan waan la doonayao in lagu joojiyo  dagaaladii ka soconayay xaafado  ka mid ah waqooyiga Mogadisho ayaa si habsami leh usoconaya. 

Wadahadalo nabadeed oo uu qaban qaabinteeda leeyahay imam maxamuud imam cumar oo kamid ah odoyaasha dhaqanka ee laga qadariyo magaalada muqdisho ayaa usocda xubno ka kooban sodon xubnood kuwaasoo ku abtirsada beesha mudulood.

 Wadahadaladan ayaa  looga gol leeyahay in lagu dhexdhexaadiyo kooxaha uurka isaga guuxaya ee isaga soo horjeeda deeganada shibis shangani iyo c/casiis oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho. 

Colaadan ladoonayo in lasoo afjaro ayaa intii ay socotay waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa guud ee Magalada Muqdisho iyadoo albaabada loo laabayqaar ka mid ah dugsiyada waxbarashada oo ay ka soconeysay isu diyaarinta  imtixaan sanadeedka . 

Waxaa kale oo uu dagaalo saameeyay goobaha ganacsi ee ku dhaw xaafadaha uu ka soconayay dagaalku kuwaasoo laaga baqayay in la bililiqeysto iyo waliba isu socodkii gaadiidka oo isna yaraaday. 

Wariyayaal katirsan shabakada warbaahinta caalimaga ah ee Somalidoon  oo iyagu saaka xiligii hore soo booqday gaabaha uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay soo sheegeen inay wali muuqaneyso saameyn colaadeed wallow aanay rasaasi dhaceynin.  

Waxaadna moodaabey yiraaheen wariyayaashu goobahaasi in colaadu ay sanado kasoconeysay marka loo eego jawiga deganaasho ee halkasi.  

Si kastaba ha ahaatee waxaa xalay ilaa saaka dhagaha dadka reer muqdisho ka haray daryanka rasaasta ay isu adeegsanayeen maleeshiyooyinkii ku dagaalamayay waqooyiga magalada muqdisho taasoo lasheegay inay ku timid dhaqdhaqaaqa nabadeed ee ay wadaan wax garadkaa isu tagay ee ka xumaaday dirirta dhex martay dadkaasi walaalaha ah  Waxada moodaabey yiraaheen wariyayaashu goobahaasi in colaadu ay sanado kasoconeysay marka loo eego jawiga deganaasho. 

Urur Gobaleedka IGAD ayaa digniin kulul u soo jeediyay Hogaamiyayaasha ka maqan Madasha Shirka Somalida ee Kenya.

 Mas,uul u hadlay  IGAD ayaa waxaa uu sheegay inay ilsha ku hayaan Hogaamiyayaasha ka maqan shirka Kenya oo uu sheegay hadii ay imaan waayaan inay la kulmi doonaan Cadaadis xoog leh,waxaana sheegay inay meesha ku jirto tilaabo ay qaadeyso Beesha Caalamka taasoo laga qaadayo Hogaamiyihii diida Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya Mudada 18 bilood ah. 

IGAD ayaa waxaa ay sheegtay inay meesha ka baxday kala qeybsanaantii Dhexdooda ahayd oo ay ka midoobeyn wax u qabashada Dadka Somaliyeed iyo ka miro dhalinta Shirkada Somalida uga socda Dalka Kenya.

 Ma ahan markii ugu horeysay oo ay IGAD soo saarto hadalkan oo kale,laakiin waxaynu dhowrnaa bal sida ay  u fuliso Go,aanada ay manta soo saartay,iyadoo aan ognahay in Hogaamiyayaasha Somalida  aysan waxba kasoo qaadin hadalada Kulul ee ka soo burqanaya Beesha Caalamka iyo IGAD. 

Golaha Wadatashiga Somaliyeed ee Xaruntiisa ay tahay Magaalada London oo maanta baaq ay usoo  jeediyay qeybaha ku dagaalamaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ku codsaday inay joojiyaan Dagaalada ay dhiiga badan ku hoobanayaan ee u dhexeeya. 

Kaaliyaha xoghayaha Arimaha Dibada ahna Wakiilka Golaha Wadatashiga Somaliyeed C/casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan”oo ku saxiixnaa Qoraalkan ayaa waxaa uu sheegay in wax la layaabo ay tahay in manta uu dib Somaliya uu uga bilowdo Dagaal Sokeeye,isagoo ka codsaday qeybaha ku dagaalamaya Muqdisho inay Dagaalka joojiyaan oo ay wada hadal ku badalaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD