SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ciidamada cadawga Itoobiya oo Baabuur laga gubay.
  • Shir sanadeedkii jaaliyada Ogadeeniya ee Denmark oo ka dhacay Copenhagen caasimada Dalka Denmark.
  • Suudaan oo ka cadhootay ciidammo Itoobiyaan ah oo xadka ka soo gudbay.
  • Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo aan ku soo qaadan doono wax yaabo idin xiisa galiya iyo Suugaan halgameed.

 Ciidamada cadawga Itoobiya oo Baabuur laga gubay. 

Ciidamada wadaniga xoraynta Ogaadeenya ayaa 8/5/04 Waxay agagaarka Degmada Wiji-waaji ku gubeen 1 Baabuur oo ciidamada wayaanaha ee Itoobiya ay lahaayeen.

Baabuurkaas oo ay saaraayeen ciidan lagu qiyaasay 35-40 Askari ayaa waxaa la sheegayaa in uusan hal askari ka baxsan oo ay ku gubteen babuurkii ay saaraayeen.

 Dagaalada ciidamada xaq u dirirka xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada cadawga Itoobiya dhex mara oo intooda badan u dhaca hab dhuumaalaysi ah ayaa ciidabada cadawga Itoobiya aad loogu naafeeyaa lagagana gacan sareeyee goob walba oo laysku helo. 

 Dhinaca kalana 02.05.2004 waxaa la kala diray maleeshiyada ay dadku u yaqaaneen Dabaqoodhiga ee Degmada Dh/buur, kadib markay diideen in ay Baabuur kolanyo ah kexeeyaan. Ciidamada Itoobiya ayaa xanibaad ku sameeya baabuurta shacabka si ay ugu meel maraan ama ay u saartaan saadka ciidamadooda dagmooyinka kala jooga loo gudbinayo, taasina waxay ka danbeeysay kadib markay dagaalada ay ciidamada Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeenya ku kala hakiyaan isu socodka ciidamada Itoobiya ee gobolada iyo dagmooyinka Ogaadeenya. 

Shir sanadeedkii jaaliyada Ogadeeniya ee Denmark oo ka dhacay Copenhagen caasimada Dalka Denmark.

  Maalintii Sabtida ahayd kuna beegnayd  08-05-04 ayay jaaliyada Ogaadeeniya ee Wadanka Denmark iskugu timid shir sanadeedkeedii caadada u ahaa ee sanadkiiba mar la qaban jiray. 

Shirkan oo ahaa mid si heer-sare ah loosoo agaasimey ayna kasoo qayb galeen bulshada noocyadeeda kala duwan,ayaa lagu lafa guray laguna jaangoynayey, waxqabadka jaaliyada sanadkii tagay, sanadkan  iyo sanadka soo socda, iyadoo halkaas  lagu dooortay gudi cusub oo badala gudigii hore. 

Wufuuda kasoo qayb gashay shirkaas ayaa isugu jiray kuwo kakala yimid gobolada wadanka Denmark, iyadoo halkaas ay khudbado dhaxal gal ah kasoo kala jeediyeen, latilayaha madaxweynaha JWXO Gen:Cabdullaahi Mukhtaar iyo madaxa hogaanka warfaafinta ee JWXO mudane Cabdiqaadir Biixi Hirmoge(Caddaani), halka uu jaaliyada iyo howlaheedana ku taag-taagsaday  gudoomiyaha jaaliyada mudane Cabdulaahi. 

Shirka oo kusoo gaba-gaboobay jawi is afgarad iyo rayn-rayn ayay madaxdii, shacabkii iyo gudiga cusubba isku afgarteen inay sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin halganka hubeysan ee lagu baadi-goobayo xornimada Ogaadeeniya. 

Ugu dambayntiina waxaa fursad loosiiyey Hoolkii uu shirku ka dhacayey inay ku damaashaadaan dumarka reer ogaadeeniya ee wadankaas ku dhaqan ,iyagoo habeenkii  oo dhan ku jalabutaynayey dhaanto iyo ciyaaraha noocyadooda kala duwan. 

Suudaan oo ka cadhootay ciidammada Itoobiya oo xadka ka soo gudbay. 

 Dawlada Suudaan ayaa si wayn uga cadhootay hawlgal ay ciidammada Itoobiya ka sameeyeen tuulooyin dhawr ah oo ku yaalla gudaha dalka Suudaan oo aan aad uga fogayn xadka ay Suudaan la wadaagto Itoobiya. 

Ciidammada Itoobiya ayaa soo galay dalka Suudaan, waxayna baadheen dhawr tuulo oo xadka ku dhaw, iyagoo sheegay inay raadsanayaan kooxo xukuumadda Addis Ababa ka soo horjeeda. Ciidammada Itoobiya ayaa xoog kagaga soo raray tuulooyinkii ay degganaayeen dad reer suudaan ah, iyagoo weliba ugu hanjabay inay guryaha ka gubayaan haddii ay ka guuri waayaan.

 Xarunta Warbaahinta ee Suudaan ayaa sheegtay in ciidammada Itoobiya ay soo galeen gobolka Fashaga oo ka tirsan is-maamulka Gedaref, si ay halkaas uga ugadhasadaan xubno ka tirsan mucaaradka ku kacsan xukuumadda Addis Ababa. 

 Maraykanka oo Itoobiya ku canbaareeyay xadgudubka ay ku samayso xadka Eritereya.

  Dowlada Maraykanka ayaa xukuumadda Addis Ababa ku cambaareysay  xadgudubka ay ciidamada itoobiya ku xad-gudbaan dhulka ciidammada ka caagan ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya, arrintaas oo uu maraykanku ku tilmaamay inay tahay daandaansi ay kaga xanaajinayso dawlada Eritereya. 

 Dalka Maraykanka, oo labada waddan ee Itoobiya iyo Eritereyaba ka codsaday inay fuliyaan go’ aankii Qaramada Midoobey ee soohdinta ku saabsanaa, wuxuu talaadadii ku dhawaaqay inuu aad uga xun yahay in kooxo malleeshiyo ah oo Itoobiya ka amar qaata ay ku  xadgudbaan dhulka millatariga ka caaggan ee ciidammada Qaramada Midobey ay ilaaliyaan ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya.

  Waxaan ka rabnaa xukuumadda Itoobiya inay ixtiraamto dhulka millatariga ka caaggan ee lagu caddeeyay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii labada dhinac u dhexeeyay, sidaasina waxaa yidhi afhayeen u hadlay dawlada maraykanka.

  14.05.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Aragtida qoraalkanw axa aleh Radio Xoriyo

Faafin: SomaliTalk Jan 14, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD