SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARARKA MAANTA: May 14, 2004

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Adan (Garyare)
garyare20@hotmail.com

Iyadoo ay wali Rasaas goos goos ah ka socoto Qaybo ka mida Magaaladda Muqdisho oo ay isku horfadhiyaan Labo Maleeshiyo Beeleed ayaan illaa iyo hadda lagu guulaysan in la kala raro Labada Maleeshiyo. 

Iyadoo ay wali Rasaas goos goos ah ka socoto Qaybo ka mida Magaaladda Muqdisho oo ay isku horfadhiyaan Labo Maleeshiyo Beeleed ayaan illaa iyo hadda lagu guulaysan in la kala raro Labada Maleeshiyo. Kadib markii dhinac
ka mida dhinacyadda dagaalamaya ay Dafireen ku lug lahaanshaha Dagaalkaasi.

Mid ka mida Guddigii uu Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar u magacaabay Joojinta Dagaalkaasi oo codsaday inaan Magiciisa la shaacin ayaa u sheegay Shabakadan in Muuse Suudi uu qaadacay inuu la kulmo Guddiga hexdhexaadinta. Balse uu Kaaliyihiisa u soo faray inuusan isagu ku lug lahayn dagaalka. Sidaas darteedna uusanba garanayn sabab Guddi loogu soo diro. Wuxuuna ku adkaystay ayuu yiri in Dagaalku uu u dhaxeeyo Haweenayda iska leh Hoteelka Global iyo Bashir Raage oo ah Ganacsade Fariisin ku leh Waqooyiga Muqdisho.

Ninkan waxa uu sheegay in dhinaca Bashiir Raage ay u ballan qaadeen inay joojinayaan Dagaalka. Haddii dhinaca kale uu aqbalo inuu dib ugu laabto Deegaanadii ay ka soo duuleen. Waxaana uu sheegay Ninkan ka tirsan Guddiga
Dhex Dhexaadinta in wixii ay kala soo kulmeen Labada dhinac ay u gudbiyeen Guddi Geed Fadhiya oo uu Madax ka yahay Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar si ay go’aan kama dambays ah u qaataan.

Labada Maleeshiyo oo wali isku hor fadhiya goobihii uu dagaalku ka billawday ayaa waxay is waydaarsanayaan Rasaas Goos Goos ah. Waxaana mararka qaarkood la maqlayaa Madaafiic ay si teel teel ah isu waydaarsanayaan. Iyadoo goobaha Qaarkoodna ay billaabeen inay Bililiqaystaan Maleeshiyooyinka dagaalka ku jira.

Dagaaladan oo ah kuwii ugu xooganaa ee ka dhaca Muqdisho Shantii Sanno ee la soo dhaafay ayaa u muuqda inay sii adkaanayso xal u helidoodu. Iyadoo dagaalkuna Wal wal wayn laga muujinayo inuu isku badalo Waji Siyaasadeed.  

Culumadda oo sheegtay inay jiri doonaan Maalin Suuga iyo Dhashiikuhu uusan waxba tarayn oo qof kasta loo kiis kiiso doono Wixii uu Adduunyadda ka gaystay.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Maanta Qudbadihii Salaada Jimcaha ee Masaajidada Muqdisho waxay ku soo qaateen dagaaladda ka socda Qaybo ka mida Magaaladda iyo Ciqaabta ay Alle Agtiisa ka mutaysanayaan Kooxaha Abaabulan ee Shacabka ku dul dagaalamaya.

Masaajidadda Muqdisho ayaa dhamaantood Salaadii Jimcaha kadib Qudbadihii ay Culumaddu jeedinayeen waxaa lagu soo qaatay Dagaalka Sokeeye ee ka soo cusboonaaday Caasimadda Somalia. Waxaana ay Culumaddu ugu nasteexeeyeen Kooxaha dagaalamaya inay Alle ka baqaan oo ay joojiyaan dagaalka Sokeeye.

Culumadda Waxay sheegeen inay jiri doonto Maalin uusan Suuga iyo Dhashiikaha lagu dagaalamayo waxba tarayn oo qof walba Alle agtiisa la tagi doono Wixii uu falay intii uu Adduunyadda Joogay. Waxayna sheegeen in Kooxaha dagaalka wada ay Maalintaasi Mutaysan doonaan Ciqaab Alle.

Culumaddu waxay si midaysan u sheegeen in Qofkii ku dhinta dagaalkaasi ee ka mida Labada dhinac ee dagaalamaya inuusan Alle Agtiisa la tagayn Camal Wanaagsan. Waxayna sheegeen in kan wax dilay iyo kan la dilayba ay Maalinta
Qiyaamo mutaysan doonaan Ciqaab Alle.

Waxgaradka iyo Qaybaha Bulshadda waxay ka codsadeen Culumaddu inay dhex galaan Labada Maleeshiyo oo ay joojiyaan Colaada. Waxayna ballan qaadeen inay dhinacooda gacan ka gaysan doonaan sidii loo hakin lahaa dhiiga Dadka Walaalaha ah ee qubanaya. Iyagoo sheegay inay Muxaadarooyin Diini ah ku qaban doonaan Goobaha Maleeshiyaddu ku dagaalamayaan si ay Quluubtooda ugu shubaan Samaanta iyo Nabadda.

Dagaaladda ka soo cusboonaaday Muqdisho ayaa waxaa muuqata in Shacabka uu ka muujinayo dareen isku mid ah oo ah inay ka xun yihiin Laakiin waxaa yar Tallaabooyinka loo qaadayo in dagaalka la joojiyo. Iyadoo Horjoogayaasha
Maleeshiyooyinka dagaalamayana ay dhagaha ka furaysteen Baaqyadda Nabadeed ee loo jeedinayo.
 

Baydhabo oo laga Cabsi qabo in Mar kale dagaal ka qarxo. 

Baydhabo oo laga Cabsi qabo in Mar kale dagaal ka qarxo. Odayaasha Dhaqanka ee Gobaladda Bay iyo Bakool ayaa billaabay dadaalo ay ku dhex dhexaadinayaan Labada nin ee isku haysata Guddoomiyanimadda RRA-da. Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Shiiq Aadan Madoobe. Kadib markii Shiiq Aadan Madoobe oo wato Maleeshiyadiisa uu soo galay Baydhabo.

Shiiq Aadan Madoobe oo shalay soo gaaray Magaaladda Baydhabo ayaa hadal uu taageerayaashiisa uga jeediyay meel Fagaare ah waxa uu ka sheegay inuu isagu yahay Guddoomiyaha RRA. Wuxuuna Xaabsade ku tilmaamay Ku Xigeenkiisii oo ka falaagoobay. Waa sida uu hadalka u dhigayee.

Laakiin Xaabsade oo isna Shir Jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in Shiiq Aadan Madoobe ay ka qaadeen Xilkii Guddoomiyanimadda Guddiga Fulinta ee RRA-da. Sidaas daraadeedna waxa uu sheegay in Guddigu uu go’aan kama
dambays ah ka qaadan doono Tallaabadda laga qaadayo Shiiq Aadan oo wali ku adkaysanaya inaan xilkii laga qaadin.

Hadaladan kul kulul ee ay sida kala gooni goonida ah u jeediyeen Labada Nin ayaa qal qal galisay Degenaanshaha Baydhabo. Waxaana ay Odayaasha Dhaqanku billaabeen dadaalo Nabadeed oo ay ku dhex dhexaadinayaan Labada Guddoomiye ee RRA-da wada sheeganaya inay xukumaan.

Shiiq Aadan Madoobe iyo Xaabsade oo horay isku xulufaysan jiray kadib markii ay sheegeen inay ka qaadeen Col Xasan Shaatigaduud oo ay ku xigeeno u ahaayeen Xilkii Guddoomiyanimadda. Laakiin labadoodii ayaa haatan u muuqda inay sii kala jabeen.  

Madaxwaynaha Syria Bishaar Al- Asad oo ka hadlayay Xayiraada Bilawga ah ee uu Maraykanku ku soo rogay Dalkiisa 

Madaxwaynaha Syria Bishaar Al- Asad oo ka hadlayay Xayiraada Bilawga ah ee uu Maraykanku ku soo rogay Dalkiisa ayaa sheegay inuusan dalkiisu marnaba dabacsanaan ka muujin doonin Waxyaabaha uu Maraykanku ka dalbanayo.

Asad oo ka hadlayay Shir Jaraa’id ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan in Syria ay samaysanayso Hubka Halista ah ee wax gumaada. Wuxuuna sidoo kale beeniyay inay u fureen Xuduuda ay la wadaagaan Ciraaq inay ka galaan Dagaal
yahanoo Carbeed. Isagoo dhamaan eedaymahaasi ku tilmaamay kuwo aan xaqiiqda ku salaysnayn.

Madaxwayanaha Syria waxa uu sheegay in Maraykanku uu ka doonayo wax aysan aqbali Karin oo ah inay u aqoonsadaan Kooxaha Falastiiniyiinta ah inay yihiin Argagixiso. Wuxuuna sheegay inaysan dhinacooda suuragal ahayn inay Falastiiniyiinta Madax banaanidooda u diriraya ka Masaafuriyaan Syria.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Adan (Garyare
garyare20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 14, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD