
Muuse Suudi Yalaxow |
Anigoo ku hadlaayo Magaca ganacsatadda maamusha dekedda Ceel ma'aan ee
Shirkadda Banadir, waxaan aad uga xun nahay dagaaladda sokeeya ee ka socday
baryahaan waqooyiga Muqdishu, kuwaas oo soo nooleeyay hogaamiye kooxeedka
Muse Sudi Yalahow.
HADABA WAXAAN XASUUSINEYNAA MUSE SUDI YALAHOW:
- Ø in shacabka Soomaaliyeed uu ka daalay dagaalo, colaad, dil, dhaawac iyo
barakicin intaba;
- Ø in uusan marnaba xal keeneyn dagaal la soo cusboneeyo, khasaaro naf iyo
maal intaba ah maahine;
- Ø In aan hogaamiye lagu noqon, dagaal, dil iyo xoog intaba;
- Ø In aan colaad iyo dagaal dadka lagu mideyn, balse wax qabad iyo wanaag
lagu soo jiito;
- Ø Waxaan xasuusineynaa inuu la baxay gudoomiyaha gudigga samata-bixinta
Somaliyeed balse aan isweydiineynaa, cida ay yihiin kuwa uu samata-bixinayo,
hadii uu hoobiye iyo madaafiic uu ku dilaayo;
- Ø Inuu ka mid yahay hogaamiye kooxeedyadi soo saxiixay xabad joojinta
taariikhda markey ahayd, 27 Octobar 2002 El Dored.
- Ø In shacabka Soomaaliyeed, iyo ummadda ku dhaqan magaaladda Muqdishio ee
walaalaha ah ay isu diyaarinayaan nabad iyo dawladnimada ka soo ifeyso
shirweynaha ka socda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya;
HADABA WAXAAN USHEEGEYNAA MUSE SUDI YALAHOW:
- Ø In aanan dooneyn inaan la dagaalno, balse aan diyaar u nahay inaan
nafteena iyo hantideenaba aan difaacano:
- Ø Inaanan rabin in darteen qofna u dhimato, ha ahaato maleeshiyadiisa, ama
ilaaladeena ama shacabka tabaaleysan ee ka daalay dagaalka, oo intaba aan
aaminsanahay iney yihiin dad walaalaheen ah;
WAXAA KALE OO AAN SI WALAALTINIMA AH UGA CODSANAYNAA:
- Ø inuu naga joojiyo dagaalka iyo colaada aan ku fiicneyn umad islam ,
walaala ah ama deriska ah intaba;
WAXAAN OGEYSIINEYNAA DHAMAAN UMADDA SOOMAALIYEED;
Inaan diyaar u nahay nabad, todoba maalmoodna aan ka la'nahay Muse Sudi
Yalahow, inuu ogolaado xabad joojin iyo wada hadal intaba;
- Ø inaanan rabin colaad iyo dagaal intaba, kana codsanaynaa iney gacan ka
geystaan joojinta colaadaan;
- Ø Muse Sudina waxaan ilaahey uga baryeynaa inuu nabad iyo xaqa tuso,
imaankana geliyo.
WAXAAN HAY'ADAHA CAALANKA SIDA UN-KA IYO KUWA U DOODA XUQUUQO BANI'AADANKA
OGEYSIINEYNAA;
- Ø inaan nabada jecelnahay, dhibaatada naf iyo maal ka ah ee ka imaanayaa
dagaalada hada socdana uu mas'uul ka yahay Muse Sudi Yalahow oo ilaa iyo
hada nabad iyo wada hadal laga la'yahay;
UGU DAMBEYNTI WAXAAN UGU BAAQAYNAA MUSE SUDI YALAXOW INUU JOOJIYO XABADA,
NABADANA QAATO, IYADA AYAA XAL NOOWADA AH ADUUNKA IYO AAKHIRADA INTABA.
Afhayeenka Shirkadda Banadir,
Moxamud Cumar Cadaan
Tel. + 252 1 541186
benadirportservice@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 17, 2003
C/Lahi
Yusuf oo Kusoo Laabtay Bosaso
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com