SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 18, 2004

Ma Rabitaanka Somalidaa? Mise Rabitaanka Dowladaha Shisheeye?

W/Q Dahir Abdulle ALasow,
Nairobi kenya
asoj@hotmail.com


Waxaa Maalmahii la soo dhaafay la isweeydiinay waxa ka soo bixi karo Qoraalkii Wasiiradda IGAD iyo heshiisyadda Qarsoodigga ah ee dowladaha isku hayo danaha Somaliya ay wadaan.

Sida aan  la wada socono shirka dib u heshiisiinta Somalida ee kenya ka furmay 15kii oct,2002 ayaa maanta caga dhigtay 17kii May 2004,isagoo lagu tilmaami karo shirkii ugu dheeraa ee ebed loo qabto Somalida.

hadaba sababaha dheereeyayna waxaa ugu horeeyo faragelinta shisheeyaha sidda kuwa deriska ah ,iyadoo waliba aysan iyaga laftoodu ku mideeysneeyn dhinaca Aragtida iyo Maslaxada.

hadda oo lagu balansan yahay 20ka may 2004ka shir ka dhacayo  Nairobi waxaa durbadiiba soo ifbaxayo ifafaalo Cadeeyneeyso in labadii dowladood ee ugu maslaxadda weynaa ay heshiiyeen,inkastoo aanan hadana la ogeeyn waxa ay ku heshiiyeen,dalalkaas oo kala ah itoobiya iyo Jabuuti ,

Warar kale oo dheeraad ah laguna tilmaami karo inay soo tebiyeen Rag Xog ogaal ah waxay sheegayaan inay dowlado kale ku wehliyaan heshiiskaas,sidda Libiya iyo yaman oo dhamaantood uu mid walbaba dano gaar ah leeyahay.

hadii aan Tusaale ka soo qaadano danaha dowladahaas Liibiya waxaa ay Rabtaa in hogaanka Afrika ay iyadda Noqotaa iyo xitaa cidda wax laga weeydiinayo dhamaan Afrikadda.

dalka Yaman siyaasadiisa ayaa ah inay Sameeyso Qorshaha ah isbaheeysigii sedex geesoodka ee Sanca ,adis ababa,Qartuum,inay ku soo biiraan Muqdisho iyo Djabuuti si ay u sii horkacdo isbaheysigga badda Cas,Khoorigga Cadmeed  iyo Geeska Afrika si ay ula dabaaqaan  isbaheysigga Khaliij,ka.

Sidaasi darteed labadaas dowladood waxay ku heshiiyeen in Somaliya inta aysan Awood Qeeybsigga Gaarin Ethopia iyo Djabuti  ku hor maraan Awood qeeybsigga ,Iyadoo Djabuti Ay Qaadaneeyso Ra,isul Wasaare iyo  halka Ethopia laga siinayo Madaxweyne iyo Afhayeen baarlamaan.dowladaha kale ee IGAD na lagala tashan doono Qaabka loo soo Xulayo Gollaha Wasiiradda .

Waxaa kale oo Qorshaha Heshiiska dhigayaa in dowladda Itoobiya looga baahan yahay sidii Madaxda SRRC da ay ula heshiin laheyd Dowlada Jabuuti halka Jabuutina laga sugayo inay is horkeento oo heshiisiiso Madaxda TNG da iyo Xukumadda Itoobiya.

Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya oo laga Codsaday inay soo gudbiyaan Ragga u qaban karo xilalka la kala siiyay ayaa durbadiiba soo bandhigay Rag ay ka mid yihiin Cabdullaahi Yusuf Axmed,Cabdi Qaasim Salaad,Cabdalla Deeroow Isaaq,i.Kuwaas oo micna ahaan ah,Cabdi Qaasim Ra,isulwasaare,Cabdullaahi Yusuf Madaxweyne,Cabdalle Deeroow Afhayeen Baarlamaan.

Waxaa kale oo la isku Afgartay in shirkii Saaxilka iyo Saxaraha ee ka dhacay wadanka Maali laga gado Madaxda Afrikanka ah Liibiyana ay noqotaa dowladda Soo bandhigi doonto,halka Madaxweynaha Yaman Cali cabdalla Saalax,na uu 22ka may shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhici doono Dalka Tunuusiya ku soo bandhigi doono sidii lagu dhaqaajin lahaa fikirkaas isagoo si gaar ah madaxda badankood ka dhaadhicin doono qorshahaas.

Wasiirada Arrimaha dibadda ee IGAD shirka ay 20ka bisha ku yeelanayaan Magaaladda Nairobi ayaa la filayaa inay Somalida ugu soo bandhigi doonaan Fikirkaas.

Hadaba Caqabadaha ka imaan karaa Fikirkaas Maxay yihiin waa haddii ay suurtagasho in Si Rasmi ah loo iibgeeyo Fikirkaas UGUBKA ah?

A. ugu horeeyn dhinaca Siyaasadda:


Dowlada kenya oo aheyd dowladda shirka Somalida Martigelisay ayaa ka dhiidhin doono Arrintaas iyagoo u Qaadan doono in shirkii lagala Wareegay,Magacooduna uu yahay ama isu Arki doono dameer Malab lagu Rartay lana gaaray xilligii lagala Degi lahaa,Kolay Jawaabta Arrinkaas ay ka bixisaa dowladda kenya Ma Fududaan doonto.

Dowladda Masar oo Culeeys Weyn ku leh Afrikadda iyo Carabta ishana ku heeyso Arrimaha Somaliya iyo sida shirkii Qaahiro dowladda Itoobiya u Fahsilisay ayaa la isweeydiinayaa ma soo dhaweeyn doontaa Fikirkaas hadiiba aysan ka hor imaanin.

B. dhinaca dhaqaalaha :.

Reer yurub oo isu arka in go,aanka kama dambeeysta ah ay iyaga leeyihiin maadama labadii sano ee shirka socday ay dhaqaalaha iyagga bixinayeen,iyo dhamaan Qarashka dowladda dhalan doonto iyo dib u dhiska Somaliya oo iyagga laga rabay filayayna in hadii uu shirka fahsilmo ee dowladda kenya ku guuldareeysataa inay la wareegaan gacan ku heeynta shirka oo ay dhameeystiraan Wejigga 3 aad ee shirka ,Ma ogolaan doonaan inay marqaati ka noqdaan arrimaha Awoodqeybsigga ?


Dhinaca kale Jaamacadda carabta oo kharashka  ku baxo inta badan ay bixiyaan dowladaha khaliijka markeey dareemaan siyaasadda Yamanta Waxay jaamacadda carabta u adeegsan doonaan si ka soo horjeedo fikarkaas,ileen cidaan Quudkeeda Xakumin Go,aankeeda iyadda malahan.

C. Dhinaca Somalida

Waa sax in 4.5 loo qeeybsado Madaxweynaha ,Afhayeenka baarlamaanka, ra,isulwasaaraha iyo Wasiiradda Muhiimka ah ee dowladda Balse sax ma tahay in korneyl Cabdullaahi yusuf jagadaas aan la siiyo iyadoo aan laga tashan beesha daarood oo  la og yahay Ninkii xooga uga qabsaday Puntland korneyl Jaamac Cali Jaamac,waxaa soo Raaci karo ninka ay isku hayaan dooxadda jubba korneyl Barre hiiraale,Korneyl Axmed Cumar Jees oo ka mid ah Isbaaheysiga NSC oo ka soo horjeedo Korneyl Cabdullaahi yusuf Axmed,sidda Rag kale oo waaweyn oo beesha ah ay uga soo horjeedaan,Beelaha kalese Ma isku Raaci doonaan,

Dr cabdi Qaasim Salaad  Xasan Ma ku Qanci doonaa jagadaas iyadoo la ogyahay isaga Laftigiisa sidda uu ku Yimid Masraxa siyaasadda,waayo Hogaamiyayaashii ku dagaalamay Siyaasadda Somaliya midna ma ogoleeyn Mana Ogola,Xitaa kuwa beeshiisa ah ee Reer Muqdisho Taas oo keentay inuusan Xakuman ama heeysan Xaafad Muqdisho ka mid ah ,Su,aasha aan laga maarmin ee qof walbaa hor taalna waxaa ay tahay Sidii Cabdi Qaasim Bulshadda Caalamka uga shakisneed Ma Waxbaa iska Bedelay?, Mase isla Shaqeeyn karaan isaga iyo deeroow?

Dr Cabdalla Deeroow Isaaq Miyaan la ogeeyn inuusan ka mid aheyn raga ku har damayo hogaanka digil iyo Mirifle? mise la hubiyay inuu heesto kalsoonidda seddexda nin ee isku heesto hogaanka sare ee digil iyo Mirifle? Suurta galse Ma tahay In Xubnaha baarlamaanka  Mar kale u dooran doonaan Afhayeenka Baarlamaanka?

D. Dhinaca Sharcigga

Hadaan u soo Noqono shirka Somalida Dastuur Bey Degsatay oo ay wax ka Ansixiyeen Sedexdaas Nin Marka laga Reebo Qodobka 30 aad  ee Korneyl Cabdullaahi Yusuf ka biyo diiday,Waxayse isku Raacsan yihiin Seddexdoodu habka gudoomiyaha baarlamaanka loo dooranayo sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra,isulwasaaraha .


Hadaba hadii laga boodo sharcigaas sidee Ragaan Sedexda ah lagu xalaaleeyn doonaa oo sharci looga dhigi doonaa,mise labadii sano Wixii dukumiinti ahaa iyo wixii shirar ahaa go,aanadoodii oo weji koowaad ,labaad ,sedexaad lahaa waa la laali doonaa,hadii taasi dhacdase maxaa dowladda Cusub Xeer u Noqon doono mise hab xeer beeg ayuu iska Noqon doonaa?ama Waxaa diyaarsan si kastaba LA JIIFIYAHI BANAN LA JOOJIYAANA BANAAN?mise waa FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIIN.

GUNAANAD

Somalida dowlad ay dhibka iyo darxumadda Maanta taagan uga baxdaa waa ay Rabtaa hasse yeeshee ma Rabaan dhibka heestee Wax uga darayo oo keeni karayo tii hore mid ka daran...........si kastaba amuurta ha ahaatee sheekadda ayaa ah looba joogee halka ay caga dhigato siyaasadda Cakiranta ah ee 14ka sano hareeysay shacabka aan waxba galabsan........

W/Q Dahir Abdulle ALasow,
Nairobi kenya
asoj@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

C/Lahi Yusuf oo Kusoo Laabtay Bosaso

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD